WANAAG IYO XUMAAN MIDKEE AYAA AAD FILATAA? BY: CABDULLAAHI NUUR COLOMBO

Wanaag iyo xumaan midkee ayaa aad filataa?
====================================

 

Nin xigmad badan ayaa fadhiyey waddo tuuladiisa laga soo galo. dabeedna nin socoto ah ayaa u yimid oo waydiiyey “Waxa aan doonayaa in aan kasoo guuro tuulada aan degganahay, dad caynkee (noocee) ah ayaa ku nool tuuladaan?

Xigmadyahankii ayaa ninkii waydiiyey “ Dad caynkee ah ayaa ku nool tuuladaada? Ninkii ayaa ku warceliyey “ Dad naxariis yar, xaasid ah, oo akhlaaq-daran“. Xigmadlowgii ayaa markaas ugu jawaabay “Isla-dadkaas oo kale ayaa tuuladaana ku nool“.

Waqti kadib nin kale oo socoto ah ayaa soo maray waddadii waxa uuna xigmadlowgii waydiiyey “Waxa aan doonayaa in aan tuuladayda ka soo guuro, dad noocee ah ayaa ku nool tuuladaan?“

Xigmadyahanka ayaa ninkii waydiiyey “ Dad noocee ah ayaa ku nool tuuladaada? Ninkii ayaa ku jawaabay “ Dad naxariis leh, soo dhawayn badan, akhlaaq leh oo wanaagsan“.

Xigmadlowgii ayaa markaas ugu jawaabay “Isla-dadkaas oo kale ayaa tuuladaanna ku nool“.

Adduunku waxa uu inoogu muuqdaa sida aan annagu nahay ee ma aragno sida uu yahay.

Ogoow marka aad wanaag doonaysid ayaad adiguna wanaag la kulantaa.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Buuga You Can Win, ee uu qoray Shiv Khera.

Tarjumadii: Dr Jama Sahal

SHEEKOOYIN