WAQTIGA UGU WANAAGSAN EE SALAAD LA TUKADO| W.T: Ibraahim Nolosha

Wiil yar baa u tagay nin oday ah oo caaqil ah, sii uu wax uga kororsado. Wuxuu weydiiyey maalinta ugu fiican ee salaad la tukado. Odaygii caaqilka ahaa baa ku jawaabay, “Waa maalinta aad ifka ka tageyso; geeridaada ka hor.”
Wiilkii yaraa ayaa warcelintaas aad ula yaabay, mar kale ayuuna weydiiyey, “Laakiin, sidee baan ku ogaan karaa maalinta geerideyda?” Odaygii baa ku warceliyey, “Ma jiro qof og waqtiga geeridiisa, balse waxaa na laga rabaa in aan maalin kasta tukanno si aanan fursaddaas isaga khasaarin.”

SHEEKOOYIN