XAALADDA DHABTA AH FAHAN. Qore:Mohamed Musa Sh. Noor

Xaaladd dhabta ah fahan.

Runta in la isku sheego ayaa fiican, ma jirto Dowlad iyo maamul beelood oo maslaxadda dhabta ah Soomaaliya wado.

Bal is waydii labada maamul beeleed ee waqooyi iyo bari yaa dhisay, waxaad la soo boodi doontaa dadkooda ayaa dhistay, haa dadkooda ayaa dhistay balse dantooda kuma dhismin ee raali ahaanshiyaha iyo u adeegidda danaha Itoobiya ayaa lagu dhisay, maamul walba go’aan aan naqdis lahayn fulin mooyee ayuu itoobiya la hoos joogaa.

Dhanka dowladda xamar, bal is waydii iyadana yaa soo dhistay danta loo soo dhisayse maxay ahayd, yaa dhiig galshay, ma umad soomaaliyeed isku imaatinkeeda iyo heshiiskeeda ayaa lagu soo dhisay? Maya ee waxaa lagu soo dhisay dana shaqsiyadeed iyo dariska danahooda sidii loo fulin lahaa, intaas oo ciidan shisheeya ah ayaa mushaar ku qaata walina xamar ayaa la taagan yahay.

Howsha waa halkii ay taagnayd waligeed hal horumar oo la sameeyay oo la taaban karo ma jiro haddii ay noqon lahayd dhan bulsho iyo dhan kalaba, siyaasadda waa isla halkii fara isku taaga, qabiilaysiga iyo musuqa.

Ma jirto qolo maanta aan dhihi karo danta qaranka ayey u adeegaysaa waa xaqiiqda taagan, dhamaann waa ilmaha gumaystaha madow.

Kaftanka itoobiya ee maalmahan jawaab sax ah cid ka bixisa ma jirto hana filan saa ayaga dhan itoobiya ayaa dhashayee.

Bahdilka kenya jawaabta ku haboon wali lama bixin mana jiri doonto jawaab laga baxsho. Waxaa taas kaaga sii daran ninka aad moodo in uu qaran ahaan kuu matalo marka dal ku galka  (passporka) waddan uu u dhashay laga diiday waa ta uu la soo baxay kan uu qaxooti ahaanta ku qaatay.

Dhamaan astaamahaas oo dhan waa kuwa muujinaya heerka liidasho iyo garaad li’i ee hogaanka xariga inoo haya haysata.

Aan kuugu sii daro Tarsan ayaa BBC ka hadlay oo yiri “wasaaradda caafimaadka warkeeda ka soo qaadis ma leh tan arrimaha dibadda ayaa maamusha siyaasadda dibadda”!!!

Cajiib oo haddii wasiir ama wasaarad hebel wax danta dalka u adeegaya ama jawaab u ah falcelinta bahidilidda Kenya ma wax dhib ah ayaa ku jira, ugu yaraan waxay ahayd in uu iska aamuso haddii xitaa uusan la dhacsanayn balse qaabka hadalkiisa waxaa iiga muuqday marka aan fakarkayga wax ku cabiro in uu ka xaglinayo dowladda uu magaceeda meesha ku joogo una xaglinayo ama dabacsanaan u muujinayo kenya.

Ugu dambayn anigu sida xaqiiqda ah maamuladan kala magacyada ah ee midna beelaha lagu magacaabo midna Federal la leeyahay dhamaan waa ilmaha Kenya iyo Itoobiya, saacadi yar cunuga iyo waalidkiis waa kala caroon karaan balse ugu dambaynta cunuga wuu ku qasban yahay in uu u hogaansamo waalidkiisa oo uu warkooda yeelo.

Yeelkadeed, adiga wadaniga ee qalbiga wanaagsan waan dareemi karaa in aad gudaha ka ooynayso ka gubanaysana balse waxaan ku leeyahay iska ooy inta laga helayo dadka dhabta kuu matali kara.

Xaqiiqda markaan ka hadlo nimankan dhalinyarada ah ayaa ka qadiyad adag kuwan xililka noogu magacaaban taas macnaheeds maahan in aan amaanayo ama taageerayo falalkooda foosha xun balse ayaga waa koox waxa ay aaminsan yihiin u dagaalamaya una dhimanaya ayaga oo cidna uga haybeesanayn balse kuwan hoteelad  iyo gawaarida gaashaaman ku dhex jira waxba haka sugin, hubaal waaye hadalkayaga.

FG.
Fakarkan aniga ayaa iska leh waad igu qilaafi kartaa waana igu raaci kartaa, balse kama tarjumayo koox gaar ah iyo qolo gaar ah oo aan ka tirsanahay mana jirto runtii koox aan ku xiranahay, waxaan ahay qof wixii saxana taageera wixii qaldana aniga oo cidna uga haybaysan ka hadla waxna ka dhaho.

Ku mahadsanid aqrintaada.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN