XAMAR AAN HAGAAJINO, AAN HAGAAGNEE. Qore: Asiyo Abdirahmaan Abdisamed Dawaarig.

xamar

 XAMAR AAN HAGAAJINO, AAN HAGAAGNEE.

 

Marka hore Alle ayaa mahad u sugnaatay ii suurta geliyay in aan maqaalkan usoo bandhigo Bulshada Soomaaliyeed ee aan Af iyo Diin wadaaga nahay, marka xiga waxaan salaan u dirayaaa dhammaan Shacabka Soomaliyeed oo dhan meel kastay dunida ka joogaan, salaan kadib, waxaan rabaa in aan la wadaago maqaalkan aadka u culus oo runtii aan is dhihi karo haddii aad loo fahmo wax badan ayaa inoo fududaanaya.

Hadaba waa tuma MUQDISHO? Maxaase ka taqaan taariikhda MUQDISHO? Shaley iyo Maanta, Muqdisho waa magaalo aad u fac weyn, waxayna ka mid tahay magaaloyinka ugu Da’da weyn Qaarada Africa iyo meelo badan oo ka mid ah dunida.

laakiin Soomalida ma ahan Dad qora wixii tagey, badanaaa waxa inaga maqan taariikhdeeni, waayo waxaa aad u yara dadaalkii looga baahnaa taariikhyahanadii Soomalida ee ku aadanaa in ay keydiyaan taariikhdeenii hore iyo kuwa hadaba.

Inkastoo Eebe mahaddii hadda ay jiraan Aqoonyahanno aad u fara badan oo u tafa-xaytay uruurinta taarikhaheenii. Muqdisho waa magaalo Qaddiimi ah, waxayna ku taal galbeedka Badweynta Hindiya,waa magaalo Qurux badan oo indhuhu soo jiitaan oo badweynta hindiya kaga wareegsan tahay saddex Jiho.

SHALEY IYO MAANTA MUQDISHO: Muqdisho waxey ahayd Caasimad caan ah oo  ixtiraam leh, Bilic iyo Hanaan wanaagsan oo kusoo jiita lahayd, Nolol neecow nafis iyo xornimo leh.

Waxey Muqdisho ahayd xaruntii Qarankey ahayd, xaashe mudaney ahayd, ceeb ka saliimbay ahayd, Daris is jecel iyo guri xurmey ahayd, Caasimad aan lakala xigin ayey ahayd, xadaarad soo jirtay lahayd, Magac iyo Muuq mid kugu qancisay ahayd, Miyi iyo Magaalo mid laga xukumay ahayd, Xamar mid aan xasuusta ka go’i karin ayey ahayd, qiime balad mid kaamishay ahayd.

Hadaba Jaahilnimo iyo fakar la’aan darteed nimcadii Xamar taalay magacii iyo sharafteedi deg deg kuwa uga xayuubiyaan nahayee, Guri gubtay iyo Saxaraan ka yeelnay, Astaan colaad u saarnay, Dhiig sokeeye ku daadinay, Xarago caasimadeed ka qaadnay, xero Ciidan ka dhignay, horumarkii ka socday Xabaalo qodid ugu bedelnay, bilicdii iyo neecawdii macaaneyd hal mar Mugdi u beddelnay, Xamar laysku dubaysidii galeydii samaantii oo idil xumaan loo bedel allaylahee.

XASUUSTII XAMAR LA XASUUSAN WAA. sidaan ka fahmeyno qoraalada sare xamar samaantey laheyd iyo dekanadii laga galay, maanta Xal ayey xamar rabtaaa si aan u hagaagno oo Soomaali magacii iyo karaamadii ay laheyd dib ula soo noqono.

Xamar ilaa ay dadkeedi garowsadaan in ay tahay Xuddintii Dalka, oo ay diyaar u noqdaan sidii bilicdeedii usoo celin lahaayen oo Soomali kasta ku fakero xamar in ay tahay Qalbigii ummada soomaliyeed, Barbaarisadeeni. xamar dulmigii ay ka galeen bulshadeedu hadaan la garowsan ama aan la qiran gafkeenii, ogow xamar Duul aan lahayn Sinjina u lahayn ayey hoy (Guri) u noqoneysaa.

Soomaliya xornimadedii in Qabiil gaara soo dhicin waad wada ogtihiinee maxaa sidii sharci laydiin qoray sidiisi idinku dhajiyay Qabiilaysigan ina bah dilay, Halyeeyadii dalkan naftooda u huray halkaad waxu waddaan uma aysan wadinee danta guud aan wajahno, garowsada in qof madaxa ka liitaa in uusan talaabo qaadi karine”XAMAR AAN HAGAAJINO AAN HAGAAGNEE”.

GABAGABO. Xamar jaahilnimadii lagu burburiyaa weli taala, Dadka soomaliyeed ee walaalaha ah qaarkood haddii Xamar horumar ka sameeyaan in ay xadgudbeen ayey isku haystaan, qaarna in lagu soo xadgudbay isku haystaan, waana tan sababtay in muddo 25 sano ka badan burbursanaato.

Hadaba Ummado badani waxay soo mareen Dagaalo burburiyay hadana waxay awoodeen in ay hilmaaman wixii tagey, sidaas si lamid ah ayaa soomaalida ku haboon waajibna ku ah si loo helo Mustaqbal fiican iyo midnimo lagu negaado.

Maanta waxaa inala gudboon in aan dib u heshiisiin iyo wax wada qabsi beegsano, runtii maantana maaha Wakhti la furo Faylalkii hore ee ina soo maray, waa in aan garowsano danteena oo aan gacmaha is qabsano, Xamarna sida u dhaanno.

W/Q. Asiyo Abdirahmaan Abdisamed Dawaarig.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.