XASIL OO ILA GARO. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

isla diyaarada

                                                        MA ADIGAA MISE AYAGA?

Mar walba waxaa jiraya sabab ka dambaysa la kulanka dadk aad la kulantid, kulanka laga hadlayo ma ahan mid ku yimaada waqti kooban oo arrimo gaar ah la kala fushada sida ganacsi oo kale ama waxyaaba kale.

Kulanka laga hadlayo ayaa ah dadka saamaynta ku yeelan kara noloshaada, kulankooda mar walba ujeeddo ayaa ku jirta kuwaas oo kala ah in aad dadkaas baddasho oo saamayn ku yeelato noloshooda, ama ay adiga ku baddalaan oo saamayn ay kugu yeeshaan.

Hadaba qofka saamaynta kugu yeelanaya inta uusan kugu yeelan awood ayaad u leedahay in aad iska xakamayso, balse marka uu saamaynta kugu yeesho waa mar ay middi calool gashay, ugu yaraan dhan ayuu kuu tuurayaa dhanka ay ahaataba.

 

                                                            XALLI DHIBKA

Dhib marka aad ku dhex jirtid ama aad aragto waxaa kuu furan laba waddo oo kala ah in aad dhibka xalliso ama aad ka tagto halka uu ka socdo, dadkeena qaarse ma ahan labadaas oo waxaa la dhihi karaa waa kuwa qayb ka noqda dhibka jira.

Dhib sidiisaba cid uu u fiican yahay ma jirto, sidaa darteed waa in la xalliyaa dhibaatada ee ma ahan in qayb laga noqdaa laguna noolaadaa, hadaba haddaad dhib aragtid xalli, ama ka carar, hana ku noolaan goobta uu ka jiro qaybna ha ka noqon.

 

                                                                  QALBIGA NADIIFI

Arag marka laga hadlayo dadka qaar waxaa u sawirma labada indhood oo waxay wax wax lagu arko u yaqaanaan ayaa ah indhaha, balse sidaas ma ahan dhabta, aragtida dhabta ah ee qofka waa mid kasoo butaacanta Qalbiga.

Indhaha marka aysan nadiif ahayn, waxaa yaraada aragtidooda sidaas si la mid ah qalbiga, ma ahan in qalbigu uu wasaq kaa noqdaa si ay u yaraato aragtidaada gudaha, hadaba su’aashu waxay tahay maxaa lagu nadiifiyaa qalbiga, maxaasa wasaqeeya?

Waxaa qalbiga wasaqeeya Xaaraanta, Xasadka iyo Cuqadadda, waxaa nadiifiya qalbiga Dikriga Alle, Jacaylka, Calool fayoobida, iyo Naxariista, inta wasaqaysa aragtidiisa ayey duugaan, inta nadiifisana waxay sifeeyaan aragtidiisa.

 

                                        IS GARASHADA MA AHAN IS DHIIBIS

Mararka qaar in aad saxdid khaladaadkaaga micnaheeda maahan in aad isku dhiibtay qofka aad ka khaldantahay, khaladka ma ahan cidda uu wax yeeleeyo qofka aad ku samaysay oo kaliya ee adiga naftaada ayuu wax yeeleeyaa, marka in aad garato in aad khaldantahay waa in aad horey u socotay oo horumar samaysay, ee ma ahan in aad is liidday oo isku dhiibtay qofka kaa soo horjeeda.

Garshadaada waa horumarkaaga, fahamka aad fahamtid taasna waa korid aad ka kortay dhanka Maanka. Sidaa darteed, marka aad khaldantahay waa in aad garataa. raali galin ama dib u sixidna aad isku samaysaa.

 

                                  WAX WALBA FURA AYEY LEEYIHIIN

Dunidan kama jirto wax aan fura lahayn wax walba furahooda ayaa jira, micnaha wixii xirma wax fura ayaa jira wixii furmana wax xira ayaa jira, adiga ayaa lagaa doonayaa in aad heshid, ee micnaheeda maahan in Alle uu dhibaato keenay Xal la’aan, wax walba oo kugu dhacana culayskooda waa in aad qaadi kartaa ee ma ahan in aadan qaadi Karin sababta laguu saaray ayaa ah in aad ka bixi karto ee wax aadan qaadi Karin ama ka bixi Karin laguma saarayo, dhib kasta ama culays walba oo ku saarmana sababtiisa adiga ayaa leh waa in aad ogaata sababta.

                                                   SAMIRKA BADI

Waan ogahay in aad wal walsantahay, waan dareemi karaa in wax si kaa yihiin, waan arki karaa in waxa aad la aamusantahay ay yihiin wax aadan jeclaysan, haddii aad dadka la wadaagtana waxba aadan ka faaiidayn, sidaa darteed wax aan kuu qaban karo ma jirto, balse mid ayaan ogahay, taas oo ah in dhibkaaga iyo wax walba oo aan ku farax galin oo tabashadoodu kugu wayntahay ay dhamaan doonaan waqtiga loogu tala galay, kuma oranayo ama kuuma calaamaynayo waqti gooni ah, sida galabta, subixii ama, habeen dambe, waxaansa hubaa in aysan jirin Murugo ama farxad lagu waaro, wax walbana waqti ayay yimaadaan waqtina waa ku baxaan, sidaa darteed, iimaanka dhuuqso oo ku dadaal in samirkaagu bato.

Qore:Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN