XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur



                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 143aad
                                                1-Naftaada u mahad celi.
Inta aad quusta iyo qalbi jabka naftaada ka dhowraysa waxaad la mid tahay Rugcaddaa mar walba ka soo rogaal celsha dibirta ay nolosha baddo.

Dadaalkaaga iyo dareenkaaga wanaagsan oo bataa wuxuu ka dhigan yahay in maalin uun aad naftaada kaga mahad naqi doonto inta ay gagsi muujisay.
Mmusa 
                                                         2-Waqtiga haboon
Waqtiga haboon sugasho wax kuma lahan ee in la samaysto ayuu wax ku leeyahay, sidaas darteed, waxba ha sugin waqtiga haboon ee samayso adiga waqtiga munaasabka ah.
Mmusa 
                                                        3-Waxaad u qalanto
Waxaad u qalantaa qof ku farax galiya.
Waxaad u qalantaa qof aan noloshaada sii adkaynayn.
Waxaad u qalantaa qof aan ku murjin.
Waxaad u qalantaa qof ku fahmi kara.
Waxaad u qalantaa qof kuu dulqaata.

Waxa aad u qalanto way badanyihiin laguma soo koobi karo intan laakin mid ogow intan aad u qalanto in la mid ah uu qof walba u qalmo lagaana doonayo in aad siiso dadka sida aad u doonayso in aad ayaga ka hesho.
Mmusa 
                                          4-Maalin walba
Maalin walba oo aad soo toostid u fahan in ay tahay maalin noloshaaada ka dhinnayd barina aan la hubin oo waxa aad doontana hirgalintooda lagaa doonayo inta aad awoodeeda leedahay.
Mmusa 
                                                       5-Sabarka iyo rajada.
Qiima nolosha waa garashada aad u leedahay subax walba oo qoraxda si caafimaad qab ah aad ku aragto in ay ka dhigantahay jaanis aad waxa aad doonto ku noqon karto sidoo kalana farxad aad ku samaysan karto, adiga oo samaysan karo farxad maba ahan in aad murugoooto.

Inta aad xaaladdaada maamuli karto faraxsanow, waqtiga hadduu kaa hiiliyana murugada yeysan mugdiga kuu jiidin ee sabarka iyo rajada dugaasho.
Mmusa 
                                                        6-Xusuusta
In nalagu xusuusto xusuus wanaagsan qof kaste oo naga mid ah wuu jecel yahay, laakin marka ay xusuusta noqoto mid ku sal go’an baahida shaqasiyadeed ee qofka macna ma yeelato xusuusta lagu soo xasuusto.
In lagugu xasuusto wanaag iyo waxa aad si guud bulshada ugu qabatay ayaa ka qiima badan axsaan qof aad u fashay oo lagugu soo xasuusto.
Mmusa 
                                                        7-Jaaniska nolosha.
Sida aad nasiibka ugu yeelatay maantay caafimaadka iyo cimriga nolosha kuu saamaxday, qofbaa jira maanta ay u tahay maalintii ugu dambaysay ee uu dunidan ku neefsado, maxay tahay is waydii bal waxa kaaga baxay labadaas xaaladood in aan ka barano.

Fakarkayga markaan ku caabiro waaxaan ka baran karnaa in nasiibka aan haysano uu yahay mid qaali ah oo maanta haddii sida ay tahay aan looga faaidaysan barito aan nasiib loo yeelanayn.

Dunida labadeeda xaalad waa sidaa qofna wuu soo toosay saaka qofna sooma toosin.
Jaaniska nolosha na siisay waa in sida ay tahay aan uga faaiidaysana, mahadnaqeenana uu bataa.
Mmusa 
                                                         8-Xusuusta aan suulin
“Waxaad deegaan aan guurin ku yeelatay laabtayda, meel fog oo noloshaydaba laga maamulana waa ku faaftay xubin walba oo dareen u samaysa jirkayga, waxa kaliya aan ogahay ayaa ah in meel lagu kala tagaa aysan jirin waqti na kala gayn karana uusan waayadan jirin”.
Xusuus suulin
Mmusa 
                                                                     9-Nacas
Marka aad si dareen iyo macna leh ula hadasho ayey nacas kugu tilmaamaan ujeedaduna waa in ay dhibsanayaan xaqiiqda aad dareensiinayso!!!
mmusa 
                                                           10-Hogaamiyaha fakarka
Nin hogaamiye ah ayaa yiri “umadda aan hogaamiye qof kaste oo iga fakar duwan waa in uu ka tagaa halka aan ka taliyo ama aan ka takhalusaa maxaa yeelay ma hogaamin karo dad aan igu fakar ahayn.

Hadaba is waydiintu waxay tahay haddii aad hogaamiye tahay ma qasab baa inta aad u taliso oo dhan in ay kugu fakar noqdaan.

Hogaamiyaha dhabta ah waa midka isku wata umaddiisa kuwa ku fakarka ah iyo kuwa aan ku fakarka ahayn, ma ahan in uu ka cararo kuwa kaa fog, haddii ay kaa fog yihiina mincaheeda maahan in aadan u talin karin ama hogaamintaada ay diidan yihiin, qofka isaga oo la dhacsanayn afkaartaada ayuu hadana kula noolaan karaa oo guul iyo gobonimaba aad wada qaybsan kartaan.
Mmusa 
                                                          11-Haddiiba
“Haddiiba dhoola caddayntaad iyo farxaddaada ay noloshayda u qurxiso sida xidigaha samada u qurxiyaan, maxaa ii diidaya marka in aan aniga sammada dhan kor u hayo si aan u daawado quruxdaada”.
Mmusa 
                                                         12-Fakarka
Fakarka faraha badan wuxuu sii abuuraa dhibaatooyin hor leh oo awalba aan jirin.
U fakar si taxaddar leh, fakarka aad fakaraysana ha ahaado mid aad dhibtaato jirtay ku xallinayso ee yuusan noqon mid dhib hor leh kuugu sii dara kaagi hore.
Mmusa 
                                                          13-Eegmadii waalida
Waxaan xusuustaa xilli dhawaqa codkaaga oo kaliya ay la dhaqaaqi jireen xubnaha baahiya dareenka raaxada ee jirkayga, sidoo kale eegamada aad igu soo eegto indhahaaga quruxda badan ay igu sigi jireen in aan waasho.
Eegamadii waalida.
Mmusa 
                                                      14-Dhaqanka iyo dabeecadda
Fahamka qofka dabeecaddiisa ku salee dhaqankiisa, maxaa yeelay, qofka dhaqankiisa ayaa ka tarjuma shaqsiyaddiisa ee erayadiisa ma ahan.

Hubaal haddii dhaqanka qofka aad dabeecaddiisa ka dhigato in qof hadal kugu siraa uusan jirayn.
Mmusa 
                                                          15-Dareenka aamusnaanta
Ma ogtahay marka aad ii dhowdahay in aan waayo codkaygaba, dhawaqana aan ka door bido aamusnaanta.
Waxa kaliya aan rajeeyo ayaa ah markaan dhankaaga jalleeco in indhahayga ay ii hadlaan!!!
Dareenka aamusnaanta!!!!
Mmusa 
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com
 
 

SHEEKOOYIN