XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 145aad

                                          1-Soo laabashadaada.
Soo laabashada aad ka soo laabatid waqtiyada xun mar walba way ka qurux iyo xoog badantahay mugdigii iyo murugadii hore, waxayna gogol xaar u noqotaa dulaqaad iyo taxaddar farxad lagu dheehay.
Mmusa 

                                                  2-Rajadaada
Haddiiba la dhahay rajada waa tiirka dunida isku haya maxaa diidaya in rajadaada ay sarrayso waliba raja wanaagsan ay kuu ahaato?
Mmusa 

                                             3-Laba xaalad
Waxaa jira laba qaab oo midna uu yahay kaaga dhabta ah midna uu yahay mid aad iska yeesho.

Kan aad dhab u tahay ayaa la doonayaa in aad ku qanacdo una aqbasho sida uu yahay, markaas waxaad helaysaa kalsooni nafsaani ah iyo quruxda runta ah ee shaqsiyaddaada.
Mmusa 

                                                      4-Jaanisyadaada
Marka aad diiradda saarto xaaladda aan qumanayn ee noloshaada waxaad sugtaaba waa qarracan iyo qalbi jab, laakin marka aad dhanka wanaagsan wax ka eegto oo xooga saarto in aad is fahamsiiso qaybta quruxda badan ee noloshaada markaas waxaa wanaagsanaada jaanisyadaada nololeed.
Mmusa 

                                                      5-Kallinimada
Kallinimada mararka qaar waxaad ku dareentaa in aad tahay qof jira, sidaas darteed maba ahan in xaalad walba aad naftaada ku dhibsato, wax aad jeceshahay haddii sida aad jeceshahay ay noqon waayaan kama dhigna in wax kaa lumeen, bal, waxaaba laga yaabaa in wax kuugu kordhaan garashaba kow ha ka ahaatee.
Mmusa 

                                              6-Haddii aan lagula fahmayn.
Haddii aan lagula fahmayn sida aad la jeceshahay la fahan sida ay jecel yihiin.

Dadka qasab iyo quursi wax kuma lahan ee qiimayn iyo qumanaan ayey qaabili karaan.
Mmusa 

                                                      7-Qaab u fakarkaaga
Qaab u fakarkaaga waa astaanta ama halka laga arki karo mustaqbalkaaga.
Mmusa 

                                                              8-Aamusnaanta
Caleemaha geedka waxay koraan ayaga oo dhawaq samayn, si tartiib ah ayey u koraan quruxdooduna ku muuqataa, laakin geedka sidaas laamaha iyo quruxdaas aamusnaanta ugu korinayay marka waa la jaraa la dhaho oo dhulka uu ku dhacayo dhawaq cabsi badan oo aragagax leh ayuu sameeyaaa, taasna waa tusaalaha buruburka  bulshada uu u leeyahay.

Aamusnaanta waa asturnaanta qofka inkastoo dadka aamusan sida badan lala xiriiriyo in ay yihiin dad wax badan ka maqan yihiin, sababaha aamusnaantoodana loo nisbeeyo sida badan nacasnimo iyo cabsi ay cabsanayaan.

Yeelkadeedee aamusnaanta waa awood qarsoon oo la saadaalin karin.
Mmusa 

                                                    9-Wanaaji maalintaada
Waxay dhaheen wanaaji maalintaada, laakin waxaa dhacda in iyada oo maalintu wanaag kuugu bilaabatay uu waqtigu si lama filaan ah kaaga xumeeyo waliba adiga oo taxaddaraya.
Mmusa 

                                                          10-Riydaada
Riyadaada ha noqoto mar walba bilowga wax u wanaagsan naftaada ee yeysan noqon dhamaystirka wax uun.
Mmusa 

                                                   11-Ula jibaaxi dhanka aad jeceshahay.
Wajigiisa waxaa ka muuqato muruga iyo walbahaar badan, qofka aqoonta u leh wuu fahmi karay in wax badan ka qaldan yihiin, maalimihii mugdiga noloshiisana uu ku jiray.

Way ka muuqatay in dabaylo iyo duufaan murugo uu dhex maquuray, hadana wuxuu ahaa mid isku maslaxaysana in uu dulqaad u yeesho maalmaha farxaddana aysan sidaa ugu fogayn.

Aniga naftayda waxaan la daalaa dhacayay xaalad shabbahda xaaladihiisa, laakin waxaan uga roonaa in labada xaaladood ee mugdiga iyo iftiinkuba midna aanan dugaashanayn oo dhexdooda ayaan jibaaxayay, taas macnaheeda waxay ahayd in sakana aan farxad is tusayay sakana ay murugada ii soo muuqanaysay, taas waxaa ii sii dheeraa baqdin aan labada xaaladoodba ka qabay oo mid aan naftayda ku aamini karo iima muuqan, waxaa kaaga sii daran in aanan doonayn in aan midna la saaxiibo ama wahel ka dhigto.

Salaan iyo is waraysi gaaban kadib ayaan daris ku noqonay goob aan ka wada shaahaynay oo kuraasta aan wada fadhinayay ayaa taa noo saamaxday.

Inta is eegnay ayuu qof walba gooni si boor isku qaris ah u dhoola caddeyay, qof walba wuu garan karay in gubasho hoose ay jirto hadana in la is dareensiiyo lama rabin, sidaas ay tahayna in qof walba uu kan kale ku nafiso wuu rabay.

Tel ayaa ii soo dhacay, hadal dheer ma galin, qof qaali igu ah ayaan la hadlayay, dareenka nuucaas ah wuu iga dareemi karay laakin nasiib darro hadalkayga ma nagaan wax ka yar laba daqiiqo oo is faham darro ayaa na dhex martay, waxaan ka fursan waayay in aan hadalka soo gaabiyo.

Mar labaad ayey indhaheenu isku dhaceen hadana inta labada calaacalood la isdhaafsaday ayaa qosol aan laabta jirin wada qosolnay.

Wuxuu yiri “mowjadaha ayaa tiriyaa ka waran haddaan ku dhaho marka xaaladahan oo kale ay i qabsadaan, xisaabta caadiga ahna toban ma dhaafsiin karo”?

La yaab ayey igu noqotay nin tirin kara mowjadaha badda hadana xisaabta aan toban gaarsiin karin, hadana waan fahmay oo xaaladda uu dhex jibaaxinayo xoogeeda ayaan fahmi karay.

Waa runtiis xaaladaha nuucan oo kala ah marka ay kula soo darsaan meelaha qaar awood buuxda ayaad u leedahay qaarna maba jalleeci kartid iska dhaaf maqalkoodee.

Waxaan iri “daaha ka qaad holoca kaa  naaraya gudaha” markaas ayuu hadalkiisa iigu soo gaabshay “nolosha sida aad u jeceshahay haddaad ugu noolaan wayso, sida ay kula jeclaato ayaa loogu noolaadaa”.

Wuxuu ahaa hadal xikmad leh, dadaalka aad samaynayso haddii lagula fahmi waayo inta kula fahmi waysay qaabka ay wax u rabaan ama u jecel yihiin dhinac ka raac, waa markaa marka ay qiimahaaga garan karaan.

Bal isku day in aad fahamto dulucda qoraalkan, dhanka wanaagsan ee ay xaaladdaada jibaaxaysana ula jihayso.
Mmusa 

                                                      12-Fursadda
Fursadda ka faaiidaysigeeda sugasho boos ugama banaana, maxaa yeelay waa sida Qorax waqtigeeda ku socota oo kale.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN