XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 147aad

                                                  1-Kaftanka xakamee
Adiga waad iska kaftamaysaa ismana lihid dareenka qof ayaad kaftankaaga ku dhaawacaysaa, dhabtase waxay tahay in mar walba sida aad tahay waxna u dareentid ama u fahamtid uusan qofka kale kuula ahaan karin.

Xaqiiqda ayaa waxay kugu xanuun badnaataa marka aad gadaal ka ogaato in kaftankaagii uu dunida qof kale kor iyo hoos u rogay.

Kaftankaaga xakamee iskuna day in aad aqriso dareenka qofka aad la kaftamayso ka hor inta aad kala furin baalka kaftnaka ee hadalkaaga.
Mmusa

                        2-Wax aan qarsoomayn qarintooda iska dhaaf.
Wax aan qarsoomi karayn qarintooda waa kuu caqli xumo, sidoo kale waxay la mid tahay qarintaas aan qaraoomayn adiga oo og in aad dhimanayso hadan in aad dhimanayso aysan kula ahayn.
Mmusa

                                         3-Raad fiican nooga tag.
Qof walba raad ayuu dunidan uga tagaa, is waydiinta waxay tahay raad nuucee ah ayuu hebel ka tagay?

Raadadka qaar looga tago dunida waa kuwa ilaa maanta caqabaddooda taagantahay.

Imisa qof ayaa ficil  uu qof kale sameeyay ciqaabtiisa ilaa maanta la tacaalaya, sidoo kale imisa qof ayaa maanta raad xumadaas qof hebel ka tagay xanuunkiisa la nool ilaa maalinta ugu dambaysa noloshoodana la noolaan doona?

Ku dadaal in aad raad fiican oo la mahdiyo ka tagto, wax walba oo maanta lagu raaxeysto waa raad qof inooga tagay.

Isku xusuus nooma noqon karaan labada raad ee midna aan dunida maanta ugu raaxeysano midna aan la tacaalno xal u heliddiisa ilaa maanta.
Mmusa

                                             4-Indhoole xikmad leh
Isaga oo indha la’ ayuu habeen u biya cabaal doontay Wabi ka ag dhawaa isaga oo wata Faynuus, waase indhoole aan waxba arkin, waxaa la yaabay dadkii ka ag dhawaa oo waydiiyay sababta uu faynuusta u wato maadaama uusan waxba arkayn, jawaabta uu baxshay ayaa noqotay in uu u wato faynuusta in uu isaga ilaalsho kuwa wax arka si aysan ugu dhicin.
Sida aad wax u malayso mararka qaar ma noqdaan.
Mmusa

                                                5-Jacayl iyo nacayb
Jacaylka wuxuu naga qariyaa khaladkeena, halka nacaybku naga qariyo xaqiiqda.
Mmusa

                                                    6-Umad
Umadda marka ay burburto waxaa ka lumo wax walba oo ay ilaashan jirtay iyo wax walba oo ay lahayd, taasna waxay sababtaa ugu dambaynta in iyaga lagu ilaashado maslaxad gaar ah lana yeesho jiritaankooda.
Mmusa

                                                   7-Dumarka
Dumarka waa jecelyihiin raga quruxda badan ee joog iyo jamaalba isla wata, laakin waxay ka sii jecelyihiin kuwa ku foosha xun Mugdiga ee shaqadooda la macaansado.
Mmusa

                                                       8-Raga
Ragu waa jacelyihiin dumarka asluubta badan balse waxay ka sii jecelyihiin dumarka  aan asluubta ku lahayn sariirta.
Mmusa

                                           9-Awood iyo Qab
Aadanaha awood yar iyo qab hadduu meel ku ogyahay si qaldan ayuu u adeegsadaa mar walba, waxaa kaloo sii bata cabashadiisa iyo dacwadiisa.
Qab hadduu Alle ku siiyo waxaa wanaagsan in aad si wacan uga faaiidaysato si la mid ah awoodana aadan ku xadgubin.
Mmusa

                                           10-Kala duwanaanta
Waxaa jira qof amaana wax walba oo xun oo xumaanta aan u arkin sida aad u aragto, taasna waa kala duwanaanta iyo aragtida Aadanaha waana in la isku qaddariyaa.
Mmusa

                                                 11-Yaa ku fahmaya?
Waa adagtahay in la helo qof sida aad wax u fahamta ama u dareento kuula dareemi kara ama kuula fahmi karo, waana sababtaas sababta ugu weyn ee keenta khilaafka ka dhex dhaca dadka dad isugu jecel.
Mmusa

                                                12-Taariikhda waa qaabka loo qoro.

aariikhda waa qaabka loo qoro, ma jirto taariikh saxan, qofka taariikhda qorayo wuxuu u qoraa sida uu u jecelyahay in fakarkiisa iyo caqiidadiisa looga dhex arko.
Xaqiiqda ayaa waxay tahay taariikh dhowrsan in aysan jirin.
Aqriso taariikhda kana fahan wixii kaa anfacaya balse ha u aaminin sida in ay tahay xaqiiq jirta.
Taariikh wanaagsan ayaa la xumeeyaa, mid xunna waa la wanaajiyaa qoraal iyo qeexid ahaanba.

Mmusa

                                                  13-Siyaasiga
Siyaasiga aad taageerayso fadlan ku qiimee waxqabadkiisa adiga oo u eegayn waxa uu yahay iyo waxa uu aaminsan yahay.

Siyaasiga isaga oo aaminsan wax aad u aragto xumaan ayaa laga yaaabaa hadana in uu qabto shaqo dhamaan idin wada anfacda ama uu abuuro xaalad mustaqbal ahaan idin wada farsx galisa.

Tusaala gaaban waxaan kuu siin lahaa caddaanka south africa waddanka waxay u dhiseen sida in aysan la lahayn Madowga ay yasaan, ayaga oo isla markaana aaminsanaa in madowga aysan wax xuquuq ah lahayn, laakin ugu dambayn waxuu ku biya shubatay waxqabadkooda in madowga u haro Waddanka.

Wax waa mucaaradi kartaa laakin mucaaradnimadaada yeysan noqon mid wax burburisa, ha noqoto mid wax sii dhista oo iftiimisa dulduleelada siyaasiga wax maamulaya.
Mmusa

                                                           14-Dhaleecayn

Dhaleecayn qaran marka aad jeedinayso waa in ay ku jeedaa ama ku qotontaa astaan qaran oo la wada fahmi karo, balse msrka dhaleecayntaada u badato hebel oo mas’uul ah wax kasta uu sameeyo wanaagba ma lahan, markaa dhaleecayntaada macna badan ma samaynayso.
Mmusa

                                                 15-Caddaalad
Dunida caddaalad kama jirto haddii lagu dhaho waa run, balse wax u eg caddalad ayaa mararka qaar la sameeyaa, ma ogtahay dadka mararka qaar laguu tuso in ay dambiilayaal yihiin aysan dambigaas lagu soo eegay waxba ku lahayn lagana yaabo adiga marka caddaymo lagu tuso in aadba aaminto in  qofku dambiga gaystay.
Caddaalad Alle xagiisa ayaa laga sugayaa dunida dadkeeda waa iska diideen Caddaalad.
Mmusa

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN