XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 148aad

                                              1-Madax banaanida.
Si madaxbanaanidaada ay usii jirto waa in aad muujisaa in laguu baahan yahay lagaana maarmayn.

Inta badan oo la isku kaa halleeyo waa inta badan oo aad sii xorowdaa, ku dadaal in la isku kaa halleyo .

Qofka haddii uu qalbi ahaan u aamino in farxaddiisa iyo barwaaqadiisaba ay ku jirto in uu kugu kalsoonaado adigana si dhab ah aad taas u muujiso ma jirayaan wax aad dunidan ka cabsato.

Balse haddii aad ku guul darraysto in aad saamayn ku yeelato laabta dadka markaas macna uma yeelanaysid, taas macnaheedana waa in aad adiga u addoonsantahay, maxaa yeelay baahidaada ayaa ayaga ku xiran mar walba.
Mmusa

                                                         2-Caawin
Mar walba oo aad qof wax ka codsanayso ku dadaal in aad codsigaada ku lifaaqodo dan farax galin karta qofkaas in uu kaa arko.
Dadku in naxariis la waydiisto wax kuma qabtaan sida badan ee waxay wax ku qabtaan in dantooda meeshaas laga dhex tuso.
Caawin haddaad codsanayso ku lifaaq fulinta qofka aad wax ka codsanayso dantiisa.
Mmusa

                                                            3-Caqliga dagan.
Maskaxdaada marka aad adeegsato waxay ku gaarsiisa in wax walba laguu qabto inta aad qabsan lahayd oo dhib badan kala kulmi lahayd.
Caqliga dagan ciil in aadan galin ayuu kugu abaal marshaa.
Mmusa

                                                          4-Deeqsinimada
Deeqsinimada laabta qof walba ma haysto, waxaad ogaataa in ay deeqsinamada qalbiga tahay Hadiyad qaali ah oo Alle dadka qaar u hibeeyay, haddii aad ka mid tahay dadka taas lagu mannaystay mahad celin dheeraad ah la imow.
Mmusa

                                                        5-Naftaada bar
Inta badan aad laabtaada ka dhaadhiciso in ay wax sugato waa inta badan oo rajadaada sii xumaato sugashadaadana ay sii dheeraato, laakin marka aad laabtaada ka dhaadhiciso in wax la sugaa aysan jirin wax walbana waqtiga aad joogto aad uga faaiidaysato waxaa yaraada sugashadaada iyo rajaxumadaada.
Naftaads in ay wax sugto ha barin ee bar in waxa ay waqtigaas la nooshahay ku qanacdo lana dhaqanto.
Mmusa

                                         6-Dalbka Nolosha
Ducada dadka aad u ducaysid Alle wuu maqlayaa wuuna kaa aqbalayaa sidaas si la mid ah ducada laguu soo duceeyo waa laguu aqbalayaa.
Nolosha ma ahan oo kaliya wax aad naftaada u dalabto ee waa wax laguu dalbo iyo wax aad u dalabto dad kale.
Mmusa

                                                        7-La qosol
In aad wof walba ku qososha waxay kuu abuurtaa Nacayb, Cadaawad, Xasad iyo xilksanimo xumo, balse in aad wof walba la qososho waxay kuu abuurtaa asxaab badan naxariis iyo in qof walba kuu dhimriyo.
Mmusa

                                                   9-Ku guulayso wax walba.
In aad qof walba ka adkaato noloshaada macna uma samayso laakin in aad wax walba ku guulaysato ayaa macna u sameeya noloshaada.
Mmusa

                                                           10-Wada jirka
Wada jirka heliddiisa si fudud laguma helo laakin marka la isku waafaqo in la wada jiro waxtarkiisa wuxuu noqdaa awood aan la rujin karin.

Tusaale ahaan Geedka marka la talaalo in la rujiyo isaga oo dhan waa fududahay, laakin marka uu koro rujintiisa mararka qaar waxaa loo adeegsadaa Mashiino.

Ujeedada aan tusaalahaas u soo qaatay ayaa ah wax walba oo wanaagsan wanaagooda lama dareemo inta ay bilow yihiin laakin marka la joogteeyo samayntooda saamaynta ay yeelan karaan xumaan walba wax kama tari karto.
Mmusa

                                               11-Nolosha macaankeeda
Nolosha macaan kuma yeelato in aad wax walba hesho ee waxay ku macaataa in wax kaa maqan yihiin waxna aad tabayso.
Qof qiimihiisa laguma dareemo joogiddiisa ee maqnaashihiisa ayaa macna u sameeya jiritaankiisa.
Mmusa

                                                  12-Rajadaada iyo baryadaada.
Xanuunka, dhibaatada, murugada, dhamaam way dhamaanayaan, waxaana baddali doona farxad iyo caafimaad.
Rajadaada iyo baryadaada marnaba yeysan hoos u dhicin.
Mmusa

                                                     13-Is maamul

Caqligaada wuxuu abuuraa dhaqankaaga, dhaqankaagana wuxuu abuuraa ficilkaaga, ficilkaagana

wuxuu abuuraa natiijada noloshaada.

Caqligaaga, dhaqankagaa, iyo ficilkaaga oo si fiican u hagtaa natiijada ka dhalan karta waa nolol

macaan oo aad ku raaxeysato haddii kale waxay noqon karaysaa dhinaca aan la jeclayn.

Mmusa

                                                   14-Kalsooni darrada

Kalsooni darrada naftaada mar walba waxay ka timaadaa sida aad uga falceliso qaabka ay

nolosha kuu soo wajahdo ma ahan qaabka ay nolosha u sameysantahay.

Nolosha qaabka loo sameeyay ayaa ah in aysan adiga ku qancin, taas macnaheedana maahan in

aan laguugu tala galin, ee waa in qanaacada qaabka aad u fahmayso ama u rabtid uusan qofka

kale u fahmayn una rabin, taasna waa sababta ay qasab kuugu tahay in aad ka fal celiso.

Mmusa

                                                   15-Xaalad Culus

Marka ay kusoo wajahdo xaalad aadan waxba ka qaban karin halkii aad ka fadhiisan lahayd oo

gacmaha is dulsaaran lahayd niyad xunna wajigaaga laga dheehan lahaa, naftaada kula dagaalan

qaabkii aad u wada wajihi lahaydeen xaaladdaas adag, maxaa yeelay waa halka kaliya aad ka

wada heli kartaan awooddiina qarsoon ee aad uga guulaysan kartaan xaaladdan culus.

Mmusa

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN