XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 150aad

                                                     1-Duruufaha iyo dadka

Duruuftu wax ma baddasho ee dadnimada ayaa wax badasha, tusaala ahaan biyuhu marna waa

kululaadaan marna waa qabow, mar walbana waa biyo, laakin labada xaaladood marka ay kala

yihiin baddalka iyo saamaynta ay yeeshaan waa mid muuqata, sidaas si la mid ah adigana isla

adiga ayaa tahay ee natiijada aad samayso marka xaaladaha ku gad gaddiyaan ayaa macna u

yeesha shaqsiyaddaada.

Mmusa

                                                   2-Garashada

Garashada aan ku garan karo waa inta aad ii ogolaatay oo kaliya maxaa yeelay, waxaad i tustaa

iguna qancisaa ina bartaa inta aad adigu ii ogolaato, taas macnaheeda kama dhigna in aan

aqoon buuxda kuu leeyahay, ma jiro qof garan kara qof kale ilaa in yar mooyee.

Sidaa darteed, aniguna waxaan ku leeyahay ima garanaysid ilaa inta aan kuu ogolaado ayaad i garan kartaa.

Mmusa

                                               3-Qabso noloshaada

Wax walba oo noloshaada ku saabsan waa shaqo qabashadeeda adiga lagaa doonayo, qofna

marti ha uga noqon shaqada noloshaada, sugashada, filashada, iyo isku hallayntaba waa dib u dhaca iyo dibindaabyada noloshaada.

Mmusa

                                                4-Xaalad iyo natiijo

Xaalad walba iyo natiijada ka dhalata ma maamuli kartid laakin waxaad haysataa jaanis aad

mar walba ku maamusho falcelintaada taas ayaana ah natiijada dhabta ah ee saamaynta kaaga

yeelan karto xaaladda timid iyo natiijada ka dhalatay.

Mmusa

                                       5-Farxad iyo kaamilnaan

Kaamilnaan waxaa ka qanaaco badan Farxadda, qof walba wuxuu dooran lahaa Farxadda haddii

lakala dooransiiyo farxadda iyo kaamilnaanta.

Mmusa

                                                       6-Cafi

Inta badan uu gafkooda kugu bato adigana cafintooda ha kugu badato maxaa yeelay, Qalad waa sixid, Gafna waa cafin.

Mmusa

                                                  7-Daganaan nafsaani ah
Ma aqaan mana rabi in aan ogaado waa hannaan ka mid ah hannaanaada lagu helo daganaanta nafsaaniga ah.
Mmusa 

Sida aad doonto wax u fahan, laakin qofna ha u saarin faham xumadaada natiijadeeda.
Mmusa 

                                                              8-Dad iyo Duunyo
Waxaad awood u leedahay in aad maamusho dhaqankaaga iyo awoodda dadaalkaaga.
Waa kuu doqonnimo labadaas wax ka baxsan maamuliddooda in aad ku riyooto, maxaa yeelay, waa Dad iyo Duunyo, dad iyo duunyana lama maamuli karo oo awooddaas Alle ayaa iska leh, laakin kartidaada iyo dhaqankaaga waad ku xakamayn kartaa ugu yaraan.
Mmusa 

                                                     9-Cafinta badi
Inta badan uu gafkooda kugu bato adigana cafintooda ha kugu badato, maxaa yeelay, Qalad waa sixid, Gafna waa cafin.

Mmusa

                                                    10-Hurdada cabsida leh.
Hurdo midda la seexda waxaa ugu xun midda uu qofku seexdo kadib marka uu waayo qof noloshiisa qaali ku ah.

Wuxuu si lama filaan ah oo daal leh kadib indhiihiisa isugu qabtaa si uusan awood iyo maamul toona ugu lahayn maamulidda waqtigiisa iyo dareenkiisa, maxaa yeelay, wuxuu dareemayaa xanuun gudaha ah, xanuunka gudaha marka lala barbar dhigo kan banaankana kan gudaha ayaa xanuun badan.

Wuxuu soo toosaa isaga oo ogaal u lahayn sida uu u hurday maleenayana in wax walba ay sidooda yihiin, laakin xaqiiqda sidaa maahan.

Riyo cabsi badan ayuu habeenkaas oo dhen dhex jibaaxinayay, xubin walba oo jirkiisa ka mid ahna waxaa gaarayay farriinta murugada, qof uu jecel yahay oo qoyskiisa ka mid ah ama si kale uu u jeclaaday ayaa noloshiisa ka faaruqay, waa cabsids riyada intaas, isaga oo sidaas u salalaya noloshuna aysan u hagaagsanayn, kuna taamaya riyadan baas in ay been iska noqoto ayuu hurdada ka soo toosaa, rajadiisuna waa in aysan riyadu jirin, laakin markuu ogaado in riyadu aysan been ahayn ayuu u diyaar garoobaa wajihidda dhabta dareenkaas murugada leh.
Mmusa

                                                    11-Qabso noloshaada
Wax walba oo noloshaada ku saabsan waa shaqo qabashadeeda adiga lagaa doonayo, qofna marti ha uga noqon shaqada noloshaada, sugashada, filashada, iyo isku hallayntaba waa dib u dhaca iyo dibindaabyada noloshaada.
Mmusa 

                                                    12-Ula dhaqan
Ha ula dhaqmin qofka sida aad rabtid ee sida uu kuu soo wajaho ama kaa keensado ula dhaqan.
Mmusa

                                                     13-Duruufa iyo Dadka
Duruuftu wax ma baddasho ee dadnimada ayaa wax badasha, tusaala ahaan biyuhu marna waa kululaadaan marna waa qaboobaan, mar walbana waa biyo, laakin labada xaaladood marka ay kala yihiin baddalka iyo saamaynta ay yeeshaan waa mid muuqata, sidaas si la mid ah adigana isla adiga ayaa tahay ee natiijada aad samayso marka xaaladaha ku gad gaddiyaan ayaa macna u yeela shaqsiyaddaada.
Mmusa 

                                             14- Kan xun ficilkiisa

Kan xun ficilkiisa iyo hadalkiisaba waa muuqdaan kan wanaagsan se ficilkiisa iyo hadalkiisaba ma muuqdaan  maxaa yeelay,  caloosha ayuu ka hadlayaa oo ka ficiltamaa, waa sababtaas sababata dadka sharta badan ay dunida ula magac noqdeen.

Mmusa

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN