XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                    XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 151aad

                                                  1-Is maamul
Caqligaada wuxuu abuuraa dhaqankaaga, dhaqankaagana wuxuu abuuraa ficilkaaga, ficilkaagana wuxuu abuuraa natiijada noloshaada.
Caqligaaga, dhaqankagaa, iyo ficilkaaga oo si fiican u hagtaa natiijada ka dhalan karta waa nolol macaan oo aad ku raaxeysato haddii kale waxay noqon karaysaa dhinaca aan la jeclayn.
Mmusa 

                                        2-Kalsooni darrada
Kalsooni darrada naftaada mar walba waxay ka timaadaa sida aad uga falceliso qaabka ay nolosha kuu soo wajahdo, ma ahan qaabka ay nolosha u sameysantahay.
Nolosha qaabka loo sameeyay ayaa ah in aysan adiga ku qancin, taas macnaheedana maahan in aan laguugu tala galin, ee waa in qanaacada qaabka aad u fahmayso ama u rabtid uusan qofka kale u fahmayn una rabin, taasna waa sababta ay qasab kuugu tahay in aad ka fal celiso.
Mmusa 

                                     3-Go’aanso markaad u baahantahay.
Inta aadan go’aansan bal is waydii ma u baahantahay waxaad aad go’aanka ka gaarayso.
Ma ahan in aad go’aansato wax aysan baahi kuu hayn ama macna gaar ah kuugu fadhin.
Go’aan qaadashada mararka qaar waa mid baddali karta wax walba oo noloshaada ah, sidaa darteed, go’aanso marka aad dhab ugu baahantahay.
Mmusa 

                                             4-Dhaqanka iyo shaqsiyadda
Dhanka iyo shaqsiyadda, waa laba macna oo marna la is raacsiiyo marna kala hara, marka la is raacsiiyo ujeedo la fahmi kara ayey yeeshaan laakin marka la kala reebo waxaa ka dhasha jahwareer.
Tusaale, dhaqanka waa astaanta lagu garto qofka, waa tilmaan qofkaas lagu garan karo sidoo kalana ugu dambeynta shaqsiyaddiisa, marka la sheegayana dhaqan ahaan wixii laga bartay ayaa lagu shaqsiyadeeyaa.
Hadaba is waydiintu waxay tahay haddii dhaqanka qofka uu ku biya shubto ugu dambaynta shaqasiyaddiisa, qofka shaqsiyaddiisa maxaa lagu tilmaami karaa, shaqsiyaddiisa sidee ku timaadaa, sideese lagu gartaa?
Qof mala shaqsiyadeen karaa iyada oo la hayn tilmaanta dhaqankiisa?
Mmusa 

                                                         5-garashada

Garashada aan ku garan karo waa inta aad ii ogolaatay oo kaliya, maxaa yeelay, waxaad i tustaa iguna qancisaa, ina bartaa inta aad adigu ii ogolaato, taas macnaheeda kama dhigna in aan aqoon buuxda kuu leeyahay, ma jiro qof garan kara qof kale ilaa in yar mooyee.
Sidaa darteed, aniguna waxaan ku leeyahay ima garanaysid ilaa inta aan kuu ogolaado ayaad i garan kartaa.
Mmusa 

                                                  6-Fahan ha ka sugin
Waxay dhaheen dumar waa in la jeclaado wixii baahidooda ahna la daboolo, marnaba ha filin in sida aad rabto ay kuu fahmaan, luuqadda ay kula fahmi karaan dumarka waa jacayl, daryeel, dareen wanaagsan iyo daganaan kula dhaqan.
mmusa 

                                                  7-Dhib iyo Caqabad
Haddii dhibaatada aan ugu yeeri lahayn Caqabad, sida Caqabadaha aan u fahano oo iskugu taxalujino xallintoodana aan u fahmi lahayn, dhib oo dhan xalkiisa waa la heli lahaa.
Mmusa 

                                                         8-Baahida la cuno

Inaga oo baahi daran u qabno xaqiida ayaan ka door bidnaa cunidda dhalanteedka taas oo waxba ka tari karin baahiyaha jismigeena iyo quluubteena ay qabaan.
Mmusa 

                                                          9-Xaalad Culus
Marka ay kusoo wajahdo xaalad aadan waxba ka qaban karin halkii aad ka fadhiisan lahayd oo gacmaha is dulsaaran lahayd niyad xunna wajigaaga laga dheehan lahaa, naftaada kula dagaalan qaabkii aad u wada wajihi lahaydeen xaaladdaas adag, maxaa yeelay waa halka kaliya aad ka wada heli kartaan awooddiina qarsoon ee aad uga guulaysan kartaan xaaladdan culus.
Mmusa

                                                       10-Kaligiis gar naqdase
Marka ujeedadu noqoto in aan lagu rabin, macnaheeda waa in waxa aad sheegayso aysan dhadhan lahayn, hadal walba aad ku hadashana uu la macna yahay nin kaligiis gar naqsaday.
Mmusa 

                                                            11-Gafkooda badan

Inta badan uu gafkooda kugu bato adigana cafintooda ha kugu badato, maxaa yeelay, Qalad waa sixid, Gafna waa cafin.
Mmusa

                                             12-Danta iyo duruufta yeesan ku joojin.
Go’aanka aad gaartid ka gun gaar ilaa aad guul ka keentid, ma jiri karto sabab aad u quusato inta aad caafimaad qabtid awoodna u leedahay dhaqdhaqaa.

Noqo sida stampo lagu dhuftay Waraaq oo aan ka fuqi karayn ilaa warqadda la jeexo ama la xooro.
Duruufta iyo Danta waa ku hakin karaan balse kuma joojin karaan ee ha ka mid noqon kuwa u fahamo hakinta duruufaha iyo danta joogsi dhab ah.
Mmusa 

Yeelo

Yeelo awood aad kaligaa ku taagnaan karto marka aad kali noqoto, sidoo kale lahow caqli aad ku garan karto marka aad garab u baahantahay, lahow adkaysi aad ku wajihi karto xaaladaha adag.
Mmusa

                                                13-Naftaada xisaabi
Ku dadaal hagaajinta duruufahaaga nololeed xisaabin dhab ahna naftaada la yeelo.
Shalay sida aad ahayd waa in aad maanta ka wanaagsanaata, haddii shalay iyo maantaba aad isku xaalad ama isku heer taagantahay waxaad ogaataa in aysan waxba kuu kordhin oo lagaa doonayo in aad is hagaajiso dadaalna la timaado.

Haddiise maanta iyo shalay aad shalay wanaagsanayd waxaad ogaataa in ay shaqa culus kuu taal oo naftaada hoos u dhac aad ah uu ku socdo.

Dunida horey ayey u socotaa waxbaana soo kordho sakan walba, sidaa darteed, macquul kuuma noqon karto in aad ku qanacdo naftaada oo hoos u socoto.
Mmusa 

                                            14-Waddo u ma waysid
Wuxuu ii muujiyay yididiilo iyo rajooyin uu ku doonayo waxa uu jecel yahay in uu noqdo mustaqbalka iyo qaabka uu u hagi lahaa noloshiisa, aniga oo taas ku dhiiri galinaya ayaan ku iri, wax walba oo aad doonaysid qabashadooda Waddo uma waysid aad ku qabatid, wixi aadan doonayna marmarsiyo ha u waynin.
Mmusa 

                                                  15-Waddo u ma waysid
Wuxuu ii muujiyay yididiilo iyo rajooyin uu ku doonayo waxa uu jecel yahay in uu noqdo mustaqbalka iyo qaabka uu u hagi lahaa noloshiisa, aniga oo taas ku dhiiri galinaya ayaan ku iri, wax walba oo aad doonaysid qabashadooda Waddo uma waysid aad ku qabatid, wixi aadan doonayna marmarsiyo ha u waynin.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN