XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur



XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
 
Qaybtii 134aad     
1-Lama kala tago!!!
Isaga oo wax xumee islahayn ayuu ficil ka dhacaa markaas ayey xanaaqdaa oo ka falcelisaa ficilkiisa iyada oo dareenta in si aan munaasab ahayn loola dhaqmay.
-isaga oo is lahayn wax u geyso xaaskaaga, dhaawac ama xanuuji toona ayey sidaas dareentaa, markaa ayuu isna dhinaciisa ka xanaaqaa isaga oo iskula hadlayo maxay xaaskaaga mar walba dhanka wanaagsan waxa aad dhahdo xitaa haddii ay xun yihiin ugu fahmi la’dahay.
– xanaaqeeda ayaa sii laba jibaarma marka ay aragto iyada oo la dhaawacay hadana loo sii xanaaqayo, isagana markaas ayuu hadana cirka isi sii geeyaa isaga oo isku arka in mar walba xaaskiisa aysan u fahmin, xaaladaha sida uu u jecelyahay in ay isku aragti uga noqdaan, xaaskiisana u arka qof xun oo mudan in laga foojignaado la kaftankeeda.
– halkaas marka ay taagantahay iyada waxaa u muuqdo oo ay is waydiinaysaa sababta ninkeeda u fahmi la’ahay dareenkeeda oo uu uga maslaxayn la’ahay hadalada ay dhibsatay ee uu ku dhahay
– isagu dareenkaas ah in hadal la dhibsadaba uu dhahay maba qabo, wuxuu la yaaban yahay sababta xaaskiisa ay ugu soo dabci la’dahay oo mar walba oo uu damco la kaftan ay jawiga u hallayso
– saacado isaga marka uu howlihiisa maalmeed soo dhamaysto ayuu soo laabtaa isaga oo sida ay arrintooda ku bilaabatay aan warba u hayn oo wixii dhacay ay la tahay wax aan sidaa u weynayn, iyana sidaas oo kale iyada oo dareen ahaan qabto ayey ninkeeda mar kale meesha kala sii wadaa, labadoodaba markan waxay wada doonayaan waddo ay uga baxaan jawigan xun, qof walba goonidiisa ayuu arrinta u danaynayaa xanuun ahaana u dareemayaa.
Sidaas marka ay tahay oo la abuuro jawi yara macaan la iskuna nasto ayey xaasku iyada oo laabtiisa ku jirto waydiisaa sababta uu mar walba sidaas ugu dhaawaco isaga oo awoodo in uu mar walba laabta sidan ugu hayo waxa uu rabana uga dhaadhacsho?
Isaga oo shallaaynaya raali galina bixinaya ayuu laabta ugu qaboojiyaa hadala macaan oo qalbi ahaan laabtiisa ka soo baxa.
Xaqiiq ahaana labadooda ma jiro qof jacel in jawi hallaysan lagu dhex jiro mar walba, hadana xaasku ma ahan mid hadalada qaar ee ninkeeda afkiisa ka soo baxa sida uu isaga jecel yahay u fahanta, isaguna kaftan iyo guubaabo ayuu ka wadaa ee kama ahan xaaskaaga dhaawac ama jawi xun abuur.
Jawi dagan oo is faham leh ayaa sidaas lagu galaa, raali galin ayuu mid walba kan kale ugu yaboohaa, sidaas ayeyna kusii wataan safarkooda nololeed.
Mmusa
                        2-Xushmad.
Waxaan xushmad u hayaa nin walba oo daweeya dhaawaca qalbi uusan dhaawicin, sidoo kale soo barbaarsha cunug uusan dhalin.
Mmusa 
                                             3-Inta aad haysatid
Inta aad haysatid macna ma samayso ee inta aad haysatid waxa aad ku samayso ayaa macna sameeya.
Mmusa 
                                                     4-Noloshaada.
Ma ahan in sinnaba aad sharraxaad uga bixisaa noloshaada go’aankeed iyo difaaciddeeda qofna, waa noloshaada, ugu noolow sida ay tahay adiga oo qofna ku raali galinayn.
mmusa
                                                             5-Dadaal.
Waxa aad haysatid kama qaadaysid dunida ee waxa aad ku samayso ayaad kala tagaysaa dunida wanaag iyo xumaan kuu doona ha noqdee.
Nolosha qiimaheeda waa in aad dadaal badan samaysaa adiga oo ka filayn dadaalkaaga in aad ku gaarto buuro dhaadheer balse ku faraxsan in aad dadaal badan samaysay.
Mmusa 
                                                          6-Qiimaha wax walba
Wax walba waxaa lagu qiimeeyaa muuqaalkooda iyo muhiimaddooda, wax aan la arkayn xisaabtooda waa in aysan waxba ahayn.
Mmusa
                                                        7-Saddex ma soo laabtaan 
Kalsooni luntay
Dareenka koowaad
Qof dhintay.
Mmusa 
                                                              8-Enerji.
Haddaad la nooshahay energy oo mar walba aad tahay mid u diyaarsan sida waqtigu usoo wajaho in aad ula tacaasho, micnaheeda waa in aadan ka lumayn jahada hadafka aad nolosha ka leedahay.
Aan kuu daba raaciyo xusuusta ah in dunidu ay tahay mid ku shaqayso energy, waa middan maalin iyo habeen dhinac walba u dhaqaaqayso, adigana waa in tusaalaha noloshaada uu sidaa ahaado kana shidaal qaadataa qaabka nolosha dunidu isku waddo.
Mmusa 
                                                            9-sku dheeli tirka Nolosha
Wanaaga samayntiisa waa waxa ay dadku isku wada raacsan yihiin, is waydiintu waxay tahay nolosha dhabta ah ma u baahantahay culays hal dhinac ah, micnaha in qofku sameeyo wanaag oo kaliya ama xumaan oo kaliya.
Jawaabta saxda ah ayaa waxay tahay in noloshu ay u baahantahay in la miisaamo, marka aan sidaa leeyahay ujeedadayda maahan in aan kugu dhiiri galinayo in aad xumaan samayso ee waa in aan kugula dardaarmayo in aad ilaaliso isku dheelitirnaanta nolosha.
Xitaa diinteena waxay na fartay in haddii ay xumaan naga dhacdo aan wanaag ka daba geyno, tusaalahaas waxaan ka qaadan karnaa in xumaanta in ay kaa dhacdo mararka ay tahay miisaanka nolosha qiimana u u yeesha macaanka wanaaga aad samaynayso.
Noloshaada mar walba ha noqoto mid dhinac walba ka miisaaman, midna xusuunow in Alle wax walba laba ka abuuray si mid walba qiimihiisa uu u muuqdo.
In xumaan ay kaa dhacdo wanaagna aad ku baddasho, wanaagna kaa dhaco xumaana sidoo kale kaa dhacdo, waa iaku dheeli tirka nolosha dhabta ah.
Waad igu raaci kartaa waana igu diidi kartaa balse sababtaada raacsii
Mmusa
                                                                 10-Raja ku nool
“Waxaanu nahay dad ku fakara oo kaliya waxa ka maqan sida ay ku heli lahaayeen balse aan Alle uga shukrin waxa ay haystaan, sidoo kale waxaan wax ka eegnaa dhanka mugdiga ee nolosheena oo kaliya oo maba inoo muuqdo dhanka ifaya ee nolosheena.
Ahow mar walba mid raja wanaagsan fisha.”
Ibraahi Al fiqi
11- ha isku mashquulin
Ha isku mashquulin wanaajinta waxa dadku kaa aaminsan yihiin, muhiimaddu waa in aadan hilmaamin in abuurahaaga (Alle) uu daalacanayo Qalbigaaga intaasna ay kugu filantahay.
Mmusa 
                                                         12-Alle u daa.
Alle u daa dhamaan inta aan ku aqoon.
Alle u daa inta xumaan kaa aaminsan.
Alle ku daa inta aad niyadda wanaagsan u hayso balse qayaanadaada maleegaya.
Alle ku daa inta aan fahmi karin in dhaqankaaga xagooda ku aaddan ay la macna tahay jacayl aad u hayso.
Alle ku daa inta jabkaaga sugaysa si ay kuugu maadsadaan, waqtiga ayaa u sheegi doono qofka aad tahay.
Mmusa 
                                                        13-Niyad xun.
Niyad xun inta aad leedahay waligaa nolol dagan ma helaysid.
Mmusa 
                                                         14-Muhiimadda nolosha
Muhiimadda koowaàd ee nolosha waa samaynta waxa ku faraxgalsha iyo ka fogaanta waxa aan ku farax galin.
Mmusa 
                                                                    15-Aamus
Qof aan qiimahaaga garan karin waqtiga ha isaga lumin, sidoo kale qof aan ku fahmi karayn aamusnaata ugu dadaal.
Mmusa 
                                                                16-Waan goobayaa
“Waxaan baadigoobi doona inta aan noolahay raaxada laabtayda, maxaa yeelay ma haysto wax ka badan hal cimri”
Jabraan Khaliil Jabraan.
                                                               17-Is dhis
Inta dad kale aad dhisi lahayd qaabka noloshooda marka hore taada dhis, haddii kale waxay kusoo dhamaan doontaa xaaladdaada in aad ahaato waligiis qof guul darro ku nool.
                                                          18-Alle ku xiran.
Haddii marka aad Alle u baahantahay oo baryeysid ay noqonayso waqtiga aad qasantahay oo kaliya, markaas xaaladdaada sidaas ayey u qasnaanaysaa si laguu edbiyo oo aadan uga suulin xusuusta Eebe.
Alle mar walba waa in aad ku xirnaantaa xaaladdaada sida ay rabto ha ahaato.
Mmusa 
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com
 

SHEEKOOYIN