XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur





                    XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
 
Qaybtii 152aad
                                                          1-Doqon
Doqon dareenkiisu waa dulmi iyo dood aan macna lahayn, danta kaliya ee doqomada kulmisana waa dulmi iyo dood aan xikmad ku dhisnayn taas oo marka si dhab ah loo dhaba galana aysan shaqadooda ahayn.
Mmusa
                                         2-Wajihidda waqtiga adag.
Waqtiga wanaagsan iskuma kaa raac raaco mana lahaan kartid Karti aad uga faaiidaysatid farxadda aad markaa dhex maquurto laakiin waxaa wax lagu farxa ah in aad mar walba karti u leedahay la tacaalidda waqtiga adag iyo duruufihiisa.
 
Nolosha quruxdeeda ayaa ah in waqtiga adag loo yeesho dareen iyo karti lagu wajaho halka waqtiga wanaagsan uu nagu dhaaafo dareen la’aan iyo ka faaiidaysi darro.
Mmusa 
                                          3-Aamin waa dhabtoodee.
Wuxuu yiri, ” hebel oo aan saa ogaa u dhaqaaleeyay, iyo hebel oo saan ogaa u agaasimay in ay waddada iiga tagayaan ma aaminayn, ismana lahayn sidaas ayey kuula dhaqmi doonaan markaad u soo baahatid”
Aniga oo warka usoo gaabiyay ayaan ku iri” marka dadka saan aad u aragtid aamin waa dhabtoodee”.
Mmusa
                                            4-Duruufaha
Duruufuhu sabab waa u noqon karaan is baddal kugu dhaco laakin qofka aad tahay waxba kama baddali karaan.
Waxay dhaheen Biyaha kulul ayaa Bataatiga adag ka yeela mid la muudsado halka Ukunta dareerta ee sida biyaha oo kale loo cabi karo ay ka dhigaan mid gooska la saaro.
Macnaha u jeedada ayaa ah in biyaha ay ka dhigan yihiin Duruufta ukunta iyo bataatiga baddashay balse aan magacooda iyo halka ay ka yimaadeen waxba iska baddalin, adigana sidaas ayaa lagaa doonayo in duruufta is baddalkeeda uusan saamayn ku yeelan shaqsiyaddaada iyo waxa aad tahay.
Mmusa 
                                                     5- waydiimaha.
Haddii waydiimahaaga aadan jawaab u helayn amaba ay yartahay jawaab heliddooda taas macnaheeda waa in la iska kaa indha tirayo amaba aan loo baahnayn waydiimahaaga.
Mmusa 
                                                         6-Dowdar
Daacad ahow waa wax fiican balse marka daacadnimadaada ay kuu ekaysiin karto dowdar aan damiir lahayn, macna ma yeelato muujinteeda.
Mmusa 
                                                       7- wax bixin
Waxa aad bixinayso marka aad bixinayso in aad dib u hesho laabta ha u sheegin, maxaa yeelay qof walba ma lahaan karo qalbigaada oo kale.
Mmusa
                                                       8-Daacadnimada
Daacadnimada waa hadiyad qaali ah oo aan laga filan karayn in aad ka hesho kuwa raqiiska ah
Mmusa 
                                                   9-Faqri iyo faasiq
Faqri ayaa guur usoo bandhigtay markaas ayey ka gaabsatay guurkiisa, muddo kadib waxaa hadana guur usoo bandhigtay mid ladan balse aad u dhaqan xun ama faasiq ah, saa waa taas ka aqbashay, markii la waydiiyay sababtana waxay kusoo gaabsatay ilaahay ayaan hanuun uga tuugayaa.
Waxaan is waydiiyay marka, maxaa faqriga maskiinka ah inta guurkiisa la aqbalo in Alle arsaaqo loogu tuugi waayay? 
                                                10-Qaarkood
Qaarkood kumaba yaqaan ilaa maalinta ay kuu baahdaan!!!
mmusa
                                               11-Waa dariskeena
Hooyadiis ayuu ka maqlay iyada oo dariska ka codsanaysa Cusbo, markaas ayuu ku yiri hooyo cusbo maxaad u u waydiisanaysaa dariska waa tan noo taal, teeda kale haddii aad wax u baahatahayse maad aniga i waydiisatid?
Waxay ugu jawaabtay waxaan ku dhiiri galinayaa in ay mar walba wixii ay doonaan na waydiistaan, waan ogahay in ay faqri yihiin, waxaan kaloo rabaa in aan ogaado in aysan haysan cusbada aan waydiisanayo si aan ugu geeyo.
Muhiimaddayda waa in aan ku abuuraa kalsooni ay wax nagu waydiisan karaan oo aysan nooga xishoon, maxaa yeelay waa masaakiin dariskeena ah.
Mmusa 
                                                         12-Wajiga Qof dhintay.
Xaqiiqaha qaar qaabka ay u dhacaan ayaa ah mid nagu reebto xanuun daran, taas waxaa ka sii daran go’aanada qaadashadooda oo noo yeela Waji aan keena ahayn.
Waxaan maqli jiray runtu waa Dhaawac, go’aan qaadashada qaarna waxay leedahay wajiga qof dhintay.
Mmusa
                                                                      13-Tusaalayn
Waxaad u socotaa sida maalmaha, waad is badashaa, maxaa yeelay is baddalka waan kan kaliya ee sugan, waa dadaashaa maxaa yeelay dadaalka waa waddada hanashada nolosha aad rabto, waad faraxdaa, waad murugoonaysaa, waad jeclaanaysaa, waana nacaysaa, waad guuleysanaysaa, waana guul daraysanaysaa, waad bixisaa, waana qaadataa, waad xanuunsataa, waana caafimaadaa, noloshaada wey socotaa waxaadna ugu nooshahay sida ay iyada isku kaa tusiso.
Mmusa.
                                                   14-Laguma saadaalin karo!!
Waad is baddal badantahay, suuragalna maahan in aad hal xaalad ku sugnaataa , lagase yaabee mararka qaar, mase badna, maxaa yeelay, maba ahan qaabka lagu abuuray in aad nagaato.
Mararka qaarkood waxaad u dhadhantaa sida sokorta  oo kale, marna waa u qabowdahay sida Jir nafta ka baxday oo kale, marna waad ka Olol badantahay Bir markaa dabka laga soo saaray birbirka iyo kulaylka ay qabto darteed, in lagu saadaaliyo suuragal maahan, maxaa yeelay, waxaad isku baddashaa sida sakanada saacadaha ay iski baddalaan waxaadna u qarxi karta sida Miino dhulka lagu aasay, waxaad noqotaa mararka qaar Askari amar qaadashadiisa u daacadsan, mararka qaar waad u dagantahay sida bad  lagu jiro xilligeeda daganaanta, hadana mugdigaada ayaa ii muuqda sida habeen uusan jirin Dayax ifiya, kaftankaada waan u riyaaqaa marark qaar, laakin mararka qaar ayaad i fahmi weysa sida in aan ahay Noole kale oo dunida kugula nool balse aan dad kula ahayn.
Mmusa
                                                 15-Daganaan nafsaani ah.
In naftaada aad u aaminto in ay tahay mid aan ka wanaagsanayn ama ka sarrayn Noolaha kale, sidoo kalana ka liidan ama ka hooseyn, sifaha nuucaas wuxuu ka tarjumayaa in aad aqbashay in lagula simman yahay, adigana dadka aad la simantahay. Sidoo kale garashada iyo aqbalidda in uu khalad mar walba kaa dhici karo ay tahay qayb nolosha ka mid ah oo in la aqbalo ay tahay.

Qof walba ayuu qalad ka dhici karaa, waana xaalad iska dabiici ah in dhammaanteen aan wada gafno ujeedadeena ama qasadkeenana aysan ahayn doorashada fal xumaan samayn ah.
Gafafka iyo qaladka waxaan u galnaa mararka qaar sida inaga oo xal ama qanaaco ka raadinayna, in natiijada ka dhalatana ay noqoto mid aan lagu farxin macnaheeda maahan dhammadka Dunida.

Ma jiro qof qaladkiisa dunida ula dhammaato, waa dhici kartaa in Ciqaabo rabbaani ah ama dabiici ah ay ka dhashaan, kalsoonida iyo qanaacada nafsaaniga ah jidka lagu helaa waa in uu qofku aaminaa in aysan jirin wax kala sarrayn iyo kala hoosayn la dhaho oo qof qof ka baraka badan uusan jirin, dhammaanteena aan hal meel ka nimid una wada socono.

Daganaan nafsaani ah iyo qanaaco waxaad ku heli kartaa aqbalidda qaabka nolosh ay tahay iyo iska diidida wax dulmi la dhaho oo dafiraya qof kale xaqiisa.

Ku noolow nolol sinnaan jidkeedu yahay si aad u hesho Qanaaco aad ku raaxeysato inta yar ee dunida aad ku neefsanayso.
Mmusa 
                                                   16-Isbaddalkeena
Waa mid la isku raacsan yahay in aysan jirin Jaho sugan oo dadka loogu imaan karo, dhamaanteen waan is baddalnaa waxaa na baddala xaaladaha joogtada u  guur guura ee nolosheena, sidoo kale waxaa na baddala dhawaqa afafkeena ka soo baxa iyo go’aanada qaar, ha ka reebin tan ugu muhiimsan waa ayaamaha oo ayagana xaaladahooda qaaska ah ay qayb ku leeyihiin is baddalkeena.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN