XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                    XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 154aad

                                         1-Go’aanso markaad u baahantahay.
Inta aadan go’aansan bal is waydii ma u baahantahay waxaad aad go’aanka ka gaarayso.
Ma ahan in aad go’aansato wax aysan baahi kuu hayn ama macna gaar ah kuugu fadhin.
Go’aan qaadashada mararka qaar waa mid baddali karta wax walba oo noloshaada ah, sidaa darteed, go’aanso marka aad dhab ugu baahantahay.
Mmusa 

                                                  2-Dhaqanka iyo shaqsiyadda
Dhanka iyo shaqsiyadda, waa laba macna oo marna la is raacsiiyo marna kala hara, marka la is raacsiiyo ujeedo la fahmi kara ayey yeeshaan laakin marka la kala reebo waxaa ka dhasha jahwareer.
Tusaale, dhaqanka waa astaanta lagu garto qofka, waa tilmaan qofkaas lagu garan karo sidoo kalana ugu dambeynta shaqsiyaddiisa, marka la sheegayana dhaqan ahaan wixii laga bartay ayaa lagu shaqsiyadeeyaa.
Hadaba is waydiintu waxay tahay haddii dhaqanka qofka uu ku biya shubto ugu dambaynta shaqasiyaddiisa, qofka shaqsiyaddiisa maxaa lagu tilmaami karaa, shaqsiyaddiisa sidee ku timaadaa, sideese lagu gartaa?
Qof mala shaqsiyadeen karaa iyada oo la hayn tilmaanta dhaqankiisa?
Mmusa 

                                                                         3-Garashada

Garashada aan ku garan karo waa inta aad ii ogolaatay oo kaliya, maxaa yeelay, waxaad i tustaa iguna qancisaa, ina bartaa inta aad adigu ii ogolaato, taas macnaheeda kama dhigna in aan aqoon buuxda kuu leeyahay, ma jiro qof garan kara qof kale ilaa in yar mooyee.
Sidaa darteed, aniguna waxaan ku leeyahay ima garanaysid ilaa inta aan kuu ogolaado ayaad i garan kartaa.
Mmusa 

                                                          4-Fahan ha ka sugin
Waxay dhaheen dumar waa in la jeclaado wixii baahidooda ahna la daboolo, marnaba ha filin in sida aad rabto ay kuu fahmaan, luuqadda ay kula fahmi karaan dumarka waa jacayl, daryeel, dareen wanaagsan iyo daganaan kula dhaqan.
mmusa 

                                                          5-Dhib iyo Caqabad
Haddii dhibaatada aan ugu yeeri lahayn Caqabad, sida Caqabadaha aan u fahano oo iskugu taxalujino xallintoodana aan u fahmi lahayn, dhib oo dhan xalkiisa waa la heli lahaa.
Mmusa 

                                                                   6-Baahida la cuno

Inaga oo baahi daran u qabno xaqiida ayaan ka door bidnaa cunidda dhalanteedka taas oo waxba ka tari karin baahiyaha jismigeena iyo quluubteena ay qabaan.
Mmusa 

                                                              7-Xaalad Culus
Marka ay kusoo wajahdo xaalad aadan waxba ka qaban karin halkii aad ka fadhiisan lahayd oo gacmaha is dulsaaran lahayd niyad xunna wajigaaga laga dheehan lahaa, naftaada kula dagaalan qaabkii aad u wada wajihi lahaydeen xaaladdaas adag, maxaa yeelay waa halka kaliya aad ka wada heli kartaan awooddiina qarsoon ee aad uga guulaysan kartaan xaaladdan culus.
Mmusa 

                                                                 8-Kaligiis gar naqdase
Marka ujeedadu noqoto in aan lagu rabin, macnaheeda waa in waxa aad sheegayso aysan dhadhan lahayn, hadal walba aad ku hadashana uu la macna yahay nin kaligiis gar naqsaday.
Mmusa 

                                                            9-Gafkooda

Inta badan uu gafkooda kugu bato adigana cafintooda ha kugu badato, maxaa yeelay, Qalad waa sixid, Gafna waa cafin.
Mmusa 

                                                    10-Danta iyo duruufta yeesan ku joojin.
Go’aanka aad gaartid ka gun gaar ilaa aad guul ka keentid, ma jiri karto sabab aad u quusato inta aad caafimaad qabtid awoodna u leedahay dhaqdhaqaa.

Noqo sida stampo lagu dhuftay Waraaq oo aan ka fuqi karayn ilaa warqadda la jeexo ama la xooro.
Duruufta iyo Danta waa ku hakin karaan balse kuma joojin karaan ee ha ka mid noqon kuwa u fahamo hakinta duruufaha iyo danta joogsi dhab ah.
Mmusa 

                                                       11-Adiga ayaa leh go’aankaaga
Waxay duufsan karaan aragaaga, maqalkaaga, qalbigaada iyo dareenkaaga, taas oo haddii aad u ogolaatid kaa dhigaysa mid ayaga u hogaansan oo aan jiha uu raaco aan lahayn.
Ku qaddari dareenkooda iyo fikradahooda, ku diid ama ku ogolow waxa ay sheegayaan ama ay soo bandhigayaan, balse yeysan saamayn ku yeelan jihada aad u jeedo.
Qof walba xaq ayuu u leeyahay jihaynta hadafkiisa, sidaas si la mid ah waa dabicii in qof walba uu jecelyahay in dadku maqlaan, u riyaaqaan, arkaan, dareemaan, ugu dambayntana ku raacaan yoolkiisa, taasna qof ku qaldan ma jiro oo dhammaanteen madaxa ayaa inoo wada duuban, doonistaasna waa darajada uu ku hamminayo qof walba, adiga ayaa leh go’aankaaga mar walba.
Mmusa 

                                                     12-Iftiin iyo Mugdi
Dunida waa dareen, sida mar walba uu dareenkaaga yahay ayuu muuqaalkeeda noqdaa, iftiin isaga oo jiro ayaa hadana laga yaabaa in aad mugdi dareento si la mid ah mugdiga in uu iftiin kula noqdo.
Mmusa

Jahwareer.
marka aad dareenkaaga iyo rabitaankaada aad si dhab ah u raaci wayso oo aad noqoto qof marka xaalad ay lasoo darasto xaaladdaas ku qiimeeya naftiisa, waxaa kugu dhacaya jahwareer nololeed waana midka hadda ku haysta.
Mmusa 

                                                        13-Sugashada
haddii waxa aad rabtid oo dhab u dareemayso aad sugan lahayd wax badan oo maanta aad ka shallaysantahay kama shallayseen.
Mmusa 

                                                           14-Daciifnimada dumarka

Daciifnimada dumarka ayey ka mid tahay in aysan garan karin halka qalbigooda u sido.
mmusa 

                                                          15-La yaabka Nolosha
La yaabka nolosha wuu badan yahay, laakin la yaab haddaad maqasho waa wax aan aqoon loo lahayn oo garasho dhab ah loo lahayn, wax la yaqaan ama filashadooda la wada sugayo la yaab ma yeeshan.
Dadku waa kuwa u taagan jawaab celinta wax walba oo ay noloshu la soo darrisaa,
Laga yaabee marka hore in ay la yaabaan laakin marka ay gartaan ayey isu diyaariyaan jawaab celin
Waxaanu nahay Umad u taagan in ay ka jawaab celiso wax walba oo noloshooda ku dhaco.
Way wanaagsantahay mararka qaar in laga gaabsado amaba aan wax jawaab ah loo celin Nolosha,.
Mmusa

                                                                    16-Isha iyo Dhagta
Isha ayaa kaa aaminsan dhagta, maqalka sidiisaba xaqiiqda kama tarjumo, indhaha waxay farriinta xaqiiqda ah u gudbiyaan Qalbiga, halka dhagaha ay farriin aragagax iyo nacayb ah u gudbiyaan sida badan gudaha.
Mmusa

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN