XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                    XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 155aad

                                                               1-Baahida
Waxaa la yiri baahida kuwa aan kuu baahnayn boholyow ayey u leedahay laabtaada , Boog aan laga kicina waa kugu yeelataa.
Mmusa

                                                              2-Farxad iyo xanuun
Farxadda qaarkeed murugo ayey kuu horseedaa, fadlan farxaddaada farahaaga yeysan ka dheeraan.
Waxaa la yiri “wax walba oo xadkooda la dhaafiyaa xanuun ayey dhalaan”.
Mmusa 

                                                    3-Waxba ha filan

Waxba ha filan, filashada aan fartaada ku jirin farxad la’aan iyo fakar xumo ayey faafisaa.
Mmusa

                                                  4-Waqtiga iyo Hadafka
Hadafka adiga bartilmaameedso inta uusan ku bartilmaamaydsan, si kale haddaan u dhigo waa tii la lahaa waqtiga inta uusan ku kala goyn kala goo.
Mmusa 

                                                    5-Adiga ayaa ah
Adiga ayaa ah kan is bili kara.
Adiga ayaa ah kan is liidi kara
Adiga ayaa ah kan go’aansan kara waddada uu qaadayo.
Adiga ayaa ah kan lagula xisaabtamayo waxa uu sameeyay.
Adiga ayaa ah kan guranaya Miraha waxa uu beertay.
Adiga ayaa ah kan waxa uu doono isku ekeysiin kara.
Mmusa 

                                                     6-Maalmaha macaan

Maalmaha macaan haddii ay dhadhan isku mid ah lahaa lahaayeen hubaal in aad dhibsan lahayd.
Waxaa mahad iska leh Weynaha dhadhanka noo kala dareensiiyay dhinacya badan.
Mmusa 

                                                               7-Aamin naftaada
Naftaada oo iimaanka iyo aaminaada aad ku qabto waxay kaaga filnaataa wax walba oo dunida ay kaa sheegto.
Mmusa 

                                                         8-Sababta dhibkaaga
Waad is moogaysiisay adiga oo fahmi kara.

Waqti in la murugooda ay ahayd ayaad qososhay!!

Waqti in la hadla ay ahaydna waad aamustay!!

Intaas ficil aad suubisayna dhammaantood gadaal dambe ayey kaa ugaarsadeen oo waa sababta dhibaatada aad maanta la daalaa dhacayso.
Mmusa

                                                  9-Maladaada maaree
Ma jirto wax ka dhaawac kulul maladaada dunida, inta badan oo maladaada xumaataa waa inta badan uu dhaawaca ku xanuujiya sii bato.
Mmusa 

                                                                    10-Runta
Runta iyada oo la ogyhay, hadana la arkaya, walina aan la aaminayn oo laga door bidayo aaminaada beenta, waa dhabta ay maanta Soomaalida ku nooshahay!!! 

                                                           11-Macna yeelo
Macna ma lihid ilaa aad macna isku samayso, macna marka aad isku samayso ayaad macna yeelataa.
Mmusa 

                                                        12-U ogowlo
Ma jiro qof u qalmo in uu ogaado dhabta shaqsiyaddaada, u ogolow in ay kugu dhaleeceeyaan qofka ay kugu maleeynayaan.
Mmusa

                                                            13-U diyaar garow
Waxay dhaheen qof walba wuu tagayaa ee mar walba u diyaar garow sida kali ahaansho loogu badbaado.
Mmusa 

                                                             14-Tiiraanyo

Tiiraanyadaada joogta ma noqoto, sidaas si la mid ah falcelintaada joogtada ah yeysan ahaan mid Doqonnimo.

Mmusa 

                                                        15-Qaybaha noloshaada
Qaabka falcelinta noloshaada saddex ayaa loo qaybiyaa.
1- noloshaada bulshada, waa qaabka aad ula macaamisho bulshada aad ku dhex jirto.
2- noloshaada qaaska ah, waa qaabka aad u maarayso noloshaada qaaska kuu ah.
3 waa noloshaada sirta kuu ah, waa nolol qof kula og uusan jirin, waa nolol adiga iyo Allaha ku abuurtay kaliya aad isla taqaanaan, waa nolol aysan jirin cid kaa garan garaysa, xittaa labada ku dhashay.
Mmusa 

                                                         16-Daacad kuuma ahan.
Adiga daacad kuuma ahan ee danahooda ayey daacad u yihiin, inta badan aad danahooda daacad u noqotaa waa inta badan ee ay daacad kuu sii ahaadaan.
Mmusa 

                                                                 17-Qaab dhaqankaagaa
Qaab dhaqankaaga mar walba waa jiheeyaha dhabta ah ee noloshaada.
Haddii aad rabtid ogaanta halka noloshaada u jiheysantahay hoos u eeg dhaqankaaga, waad garan karaysaa markaas halka aad u socoto.
Mmusa

                                                            18-Gumaysiga qarsoon.
Marka aragtidaada iyo fakarkaaga lagu milmo waxaad noqotaa qof isaga isku eg, balse dhab ahaan aan isaga is ahayn, waxa aad sheegto iyo waxa aad ku fakaraysaba ma ahan yoolkaaga, waa fakar qof kale leeyahay.
Gumaysiga muuqdo waxaa ka daran gumaysiga laabta lagaa qabsado, kaas oo aad ugu shaqayso qof kale dantiisa adiga oo moodaya in aad u halgamayso danahaaga gaarka, sidaas ay tahayna jahada aad hayso maba ahan jahada noloshaada ku hagaagi lahayd.
Soomaaliya maanta waxa haysta waa in maskax ahaan loo wada qabsaday mid walbana uu u shaqaynayo danaha gaarka ah ee qolo kale isaga oo ku carrab dhabanayo danta soomaaliyeed.
Mmusa 

                                                          19-Qurux muuqata

Quruxda muuqaalka waa mid aan la inkiri karin, waana xaqiiqda taal maanta dunida, dadku waxay daneeyaan waxa u muuqda, balse waxa mar walba qarsoon ayaa qiima badan.
Quruxda qalbiga ayaa ka qiima badan run ahaan tan muuqata ee qofka, laakin inta danaysa ayaa yar.
Mmusa 

Qaylshe.

Wuu ku qayliyaa mar walba uu doonis daneed ka yeesho si uu wax uga helo, balse waxaa jira mid aamusnaantiisa ku daryeela, nasiib darrada se waxay tahay in uusan kaa danayn.
Dooro kan aamusnaantaada fahmi kara maya kan qayladaada maqla.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN