XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                    XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 156aad

                                           1-Maxaa runta u sheegtay?
Dunida layaabkeeda waxaa ka mid ah in mararka qaarkood dambiga laguu ciqaabo uu noqdo maxaa runta u sheegtay?
Mmusa 

                                                      2-Xaalad iyo Natiijo
Xaalad walba iyo natiijada ka dhalata ma maamuli kartid laakin waxaad haysataa jaanis aad mar walba ku maamusho falcelintaada, taas ayaana ah natiijada dhabta ah ee saamaynta kaaga yeelan karto xaaladda timid iyo natiijada ka dhalatay.
Mmusa 

                                                     3-Hooyo neefta iga fuji!!
“Hooyo neefta ayaa iga fuji” waa erayga ugu dambeeyay ee Farxiyo kula hadashay hooyadeed laakin Najma oo la dhimatay farxiyo iyada nasiib uma yeelan in erayna uu afkeeda ka soo baxo.
Waa laba gabdhood oo da’dooda ay ku sheegtay hooyadood 7 iyo 5 jir, dambiga ay naftooda ku waayeen wuxuu ahaa sida ay hooyadood ku sheegtay aabahood oo dhibsaday hooyada iyo labada gabdhood dhaqankooda kadib markii la oofsaday wiilka kaliya ee reerka kaas oo ay sheegtay in odayga uu ku eedeeyay dhimashadiisa in ay sabab u ahayd dayacaad ay dayacday kadib markii uu ku dhex dhacay kuna harqaday Haan biyaa oo guriga u tiil.
Waxay tiri ” musiibadaas uu wiilkeena ku dhintay sida ay u dhacday ninkayga wuu is baddalay dhaqan xun ayuu nagula dhaqmi jiray, si darana wuu noo ciqaabi jiray aniga iyo labadayda gandhood, waa sababtaas sababta aan u go’aansaday in gabdhahayga aan ka badbaadiyo naxariis darradaas iyo cadaabtaas cawaanimada leh ee uu aabahood nagula dhaqmayay.
Ma uusan u arkayn in aan ehelkiisa nahay, wiilka kaliya ayuu u arkayay in uu ahaa qofka kaliya ee uu reerka ku leeyahay, taasna waa midda igu kalliftay in aan tallaabadan qaado.
Kuma faraxsani runtii falkan iga dhacay oo hadda waan ka shllaaynayaa laakin waxaan u arkayay xilliga aan suubinayay ciqaab  aan ku xanuujin karo ninkayga kuna badbaadin karo gabdhahayga, balse taas hadda iima muuqato.
Waan ka shallaaynayaa runtii waana xannuun inta noloshayda ka dhiman i ugaarsan doono, wali waan maqlayaa codka ugu dambeeyay gabadhayda farxiyo ee ahaa “hooyo neefta iga fuji”.
FG: ragow dumarka uma fakaraan sida aan u fakarno, dunida aan ku noolnahay ee aan wax ka aragnana kuma noola, runta waxay tahay in ay gabi ahaanba naga duwan yihiin, Dadnimo ayaan wadaagnaa waana isku baahanahay, fadlan ha ula dhaqmin sida raga aad ula dhaqmi lahayd, natiijada ka dhalan karto marka aad ka fisho in ay kuula fakaraan ama wax u arkaan sida aad u arkaysid waa natiijo mar walba dhinaca aad filayso ka iman.
Mmusa 

                                                4-Wax walba waa dhammaadaan
Jirrada waa laga caafimaadaa
Maqnaashiyahana waa laga soo laabtaa
Murugadana waa laga farxaa
Kurbadana waa feedantaa.
Mmusa 

                                                       5-Naftaada
Waxay dhaheen naftaada waa waxa aad u sheegtid, haddaad u sheegto in aad daciif tahay daciif ayaad ahaanaysaa haddaad u sheegtid in aad adagtahayna waad adkaanaysaa.
Mmusa 

                                                         6-Caddaalad darro
Isaga oo ku yimid caddaalad darro kuna dhaqma caddaalad darro in caddaaladda uu u hogaansamana aan diyaar u ahayn marka uu ku yiraa caddaalad ayaa loo baahanyahay caddaladna waan sameynayaa maxaa filan lahayd?.
Mmusa 

                                                                   7-Inta badan
Inta badan ay badato danayntaada waa inta badan uu dhaawacaagu bato.
Si la mid ah inta badan ay yaraato danayntaada waa inta badan uu dhaawacaagu yaraado.
Mmusa 

                                                       8-Danaystayaal

Haddii ay daneystayaal kugu noqdaan, ku caawi adigana in ay noqdaan kuwa u fasaxan doorashadooda.
Mmusa 

                                                         9-Xanuun muuqda

Xanuunka murugada daris lama ahan oo kaliya , mararka qaar wuxuu la socdaa dhoola caddayntaa is qarisa.

Mmusa

                                                               10-Waad cafin kartaa

Waad u cafin kartaa qalad qof walba balse isla qaladkii uu shalay qofkaa kaa galay maya.
Mmusa 

                                                             11-Side u dhadhamaysaa?

Sidee u dhadhamaysaa ayaad is leedahay in qof ku aaminay aadan been u sheegim, sidoo kalana qof been kuu sheegay aadan waligaa aaminin.
Mmusa 

                                                                  12-Wanaaga ma fududa!!
Waxaa cajiib leh in wax walba oo xun ay sahlan yihiin in la gaaro, halka wax walba oo wanaagsan ay adagtahay gaaristooda.
In aad wax nacdo waa kuu fududahay balse kuuma fududa in aad wax jeclaato.
Mmusa

                                                           13-Waa hubaal

Waaba hubaal in qof walba uu ku dhaawacayo mar ay noqotaba, ha ka fakarin goormee iyo sidee, ka fakar oo kaliya qofka ku dhaawacaya ma yahay qof aad ka mudantahay dhaawacaas adigase ma muteysatay?
Mmusa 

                                                         14-Ha u ogolaan

Ha u ogolaan xanuunka in uu kugu beero Nacayb.
Dhibaatada iyo duruufaha yeysan qaadan dhadhankaaga macaan.
Mmusa 

                                                   15-U dabacsanow

U dabacaanow dadka, saamaynta duruufaha qallafsan ee xagooda kaaga imaanaya yeysan ku baddalin.
Mmusa 

                                                          16-Wahel la’aan
Waxqabadka, naftaada ha kugu kali noqdo laakin, marnaba ha aqbalin ahaanshiya wahel la’aanta.
mmusa 

                                                    17-Yabooha Nolosha.
Waxaan sawiranaa in aysan noloshu noo yaboohin wax walba oo aan jecelnahay, laakin hubaal macnaha fahamkiisa ma ahan sidaa, waxaad ka heshaa wax kasto oo jeceshahay kan kula jecel waana taas nolosha fahamkeeda.
Mmusa 

                                                       18-Hanti iyo Qiimo

Qiimahaaga waad la dhimanaysaa, laakin hantidaada waad ka tageysaa.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN