XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 159aad

                                                                    1- Macrifo
Macrifo samayntu waa fududdahay inta aad rabto oo macrifo ayaad samayn kartaa sanad walba, balse way adagtahay in aad shan macrifo kaliya ka ilaashato, maxaa yeelay danihiina ayaaba is diidaya.
Mmusa 

                                                          2- Yaan lagu helin.
Ha noqon mid heliddiisa ay sahlantahay haddii kale waxaa lumaya qiimahaaga shaqsinimo, dadku ma jecla waxa mar walba farqahooda ku jira waxay daneeyaan waxa ka maqan.
Mmusa 

                                                            3- Oohinta
Oohinta aan lahayn illinta ayaa ah mid ka  xanuun badan midda illinta wadata, sida badan oohintaas waa mid laga dareemo gudaha.
Mmusa 

                                                               4- Jacayl iyo nacay
Waxaan ku dhalanay jacayl, jacayl ayaana ka sameysmanay, xilliga labada na dhashay ay kulmayeena xubnaha aysan caadi iskugu soo dhaweyn jirin isna tusin jirin ayuu qof walba qofka kale la wadaagay iyada oo kalgacayl jiro iyo baahi.
Nacaybka inaga ayaa sameyna, jacaylkase waa wax nagu dhex abuuran.
Mmusa 

                                                     5- Ka taxaddar

Ka taxaddar waxa aad inkirayso, laga yaabee mararka qaar waxa aad inkirayso in ay yihiin waxa aad ugu baahi badantahay.
Mmusa 

                                                               6- Shalay iyo manta

Shalay iyo maanta
Is baddalka dadku badanaa, shalay way ku daneynayeen maantase dantooda kaama arkaan kumana daneeyaan.
mmusa 

                                                    7- Ku noolow noloshaada
Sida badan dadka qaarkii kuma noola noloshooda dhabta ah, waxay ku nool yihiin nolosha qof kale, qof walba oo wax kuu yeersha, waxaaa uu kuu yeershana aad ka aqbasho, waxay ka dhigantahay in aad ku nooshahay noloshiisa, sidoo kale qof aad ku dayato isagana noloshiisa ayaad ku nooshahay.
Ma ogtahay in waqtigaadu uu xaddidan yahay, isku day in aad ku noolaato nolosha aad jeceshahay ee aadan waqti ku lumin ku dayashada iyo dhagaysiga qof wax kuu yeeriya.
Mmusa 

                                              8- Barrito!!!
Nolosha mar walba jaanis labaad ayey ku siisaa aad ku saxdo qaladkaagi shalay, ma garan kartaa magaca jaaniskaas labaad iyo waqtiga uu soo muuqan karo? Wax kale maahan waa haddii aad jaanis u hesho ku noolaanteeda, waxaana lagu magacaabaa (Barrito) barrito mar walba oo nooshahay way kusoo maraysaa xusuusinna waxay u tahay sixidda qaladkaaga shalay iyo sameynta waxa aan shalay kuu suura galin .
Mmusa 

                                           9- Cadow qarsoon
Kuligeen waxaan dagaal kula jirnaa cadow qarsoon kaas oo aanan tilmaami karin aqoona u lahayn, xitaa aan arki karin, laakin guusha waxay ku xirantahay sida aan u aqoonsano oo u fahanno midabkiisa.
Mmusa

                                                      10- Wanaag iyo xumaan
Wanaaga oo samaysaa micnaheeda waa in aad wanaagsantahay, sidoo kale xumaanta oo samaysaa iyana waxay ka dhigantahay in aad xuntahay, balse waa waqtiga aad ku dhex jirto xaaladahaas, ee si guud shaqsiyaddaada waxa aad tahay waxba ugama baddali karaan.
Mmusa

                                                        11- Labadoodaba!
Kii ku caawiyay waqtiga aad u baahnayd iyo kii kaa tagay waqtiga aad u baahanayd labadaba in aad hilmaanto maahan, waa in ay xusuustaada ka mid ahaadaan.
Mmusa 

                                                            12- Dumaekeena
Dhinacaaga ayaa laga abuuray, ee cagtaada hoosteeda lama dhigin si aad ugu tumato ama ugu dul socoto, sidoo kale lama saarin, lamana dhex dhigin maankaaga si ay kuu maamusho oo madaxaaga u qabsato, sababta dhinacaaga looga abuurayna waa in ay kula sinnaataa, kulana qaybsataa wax walba, sidoo kale adiga ayey kaa mid tahay, adigana iyada ayaad ka mid tahay, dhinaca laga abuurayna waa gacantaada hoosteeda, sababta loo dhigay halkaasna waa in aad dhowrtaa oo ka ilaalisaa wax walba oo dhibaatayn kara iska daa in aad adiga dhibaatayso, meesha laga beeray ee gacantaada hoosteeda ahna waxaa dagaan ku leh qalbigaada, kaas oo u samaysan in uu wax jeclaado, iyadana waa in la jeclaado, waa waxa kaliya ay naga mudantahay.
Waxa aan ka hadlayo waa dumarkeena, waa walaalaheen, hooyadeen, gabdhaheena, xaasaskeena.
Xikmadda waa in aanan waxyeelayn oo aan u dhowrnaa sida ay naga mudan yihiin. Waa nagu gafi karaan, waana na xanuujin karaan, balse, ula dhaqan sida cunugaaga oo ku qaniinay aad ula dhaqmi lahayd.
Mmusa 

                                                   13- Waad u baahantahay
Waad u baahantahay qof fahmi kara aamusnaantaada sidoo kalana aamusnaantaada maqli kara .
Mmusa 

                                                      14- Ha shallaayin.
Maxaad uga shallaysaa marka aad samaynaysaba soo kulama maceen, umana arkeyn maslaxaddaada? gadaal ha ugu soo noqon ficil kaa dhacay, horey u soco iskuna day in aad saxdo wixii kaa qaldmay, haddii kale waxaad u dhaxayn doonta waqtigan iyo kan xiga, waxayna ku wada dhaafi doonaan adiga oo waxba ka qabsan.
Mmusa

                                                        15- Noloshaada wado
Waxa aad rabtid ahow, meesha aad rabtidna ka imow, wax walba qabo ama noqo, mar walba waxaa jirayo kuwa kaa soo horjeedo aan arki karin wanaaga aad samayso, sidaa darteed, waqtigaada ha ku lumin qancintooda iyo farxad galintooda, noloshaada ha socoto.
Mmusa 

                                                           16- Daganaanta aqoonta leh
Wanaaga qalbiga ayaa arka indhahana waa eegaan, bushimaha quruxda badan ayagana waxay sii macaan badnaadaan marka ay ku hadlaan erayada naxariista leh ee qalbiga u daadaga.
Aqoonta lagu weheliyo daganaantana waligeeda kali ma noqoto.
Mmusa 

                                                                      17- Sakanka is baddalka
Isbaddalku wuu socdaa sakan walba, laga yaabee in aadan sidaa u arkin laakin markaad muddo kadib dib u milicsato waqtiyadii qaar, waad dareemi karaysaa sida wax isku baddaleen laakin waa shallaayto in sidii la rabay aadan uga faaiidaysan.
Mmusa 

                                                                   18- Yaan lagu sirin.
Waan ku jeclahay, waan kaa walwalayaa, waan ku daneeynayaa, waan ku qiimeeyaa, waan ku dareemi karaa, waan kuu baahanahay, dhammaan erayadaas waad ka maqli karaysaa qof markaa si’ saamayn ugu leh noloshaada, laakin ha aaminin illaa aad ka aragto caddayn muujinayso waxa uu afkiisa ka dhahayo in uurkiisu la qabo.
Yaan lagu sirin oo lagaa tirsan dhibco dhibaato kaa difaaci kara.
Mmusa                                                     19- Quusta

Quustuba marbey qiima yeelataa inkastoo aan marnaba quusta la amaanin.
Mmisa

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN