XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 160aad

                                                            1- Xusuusta xun.
Xusuusta xumaanta badan ayaa nooga raagid badan tan wanaagsan, isla taas ayaana nagu reebto tiiraanyo iyo muuqaalo uurkutaalo leh oo inoo muuqda, xitaa mararka qaar mugdi galsha qaabka uu inoogu muuqan karo mustaqbalkeena.
Waxa macaan oo quruxda badan ee aan haysano mar walba qiima nooma yeeshaan inta aan xusuusan karno xusuusta murugada, waasa dabeecaddena in aan waxba u arkin wanaaga, maadaama aan mar walba xumaanta ka baqayno.
Khayr wax kaama dhibee shar u tooghaay ayaan maqli jiray.
Mmusa

                                         2- Jeclow kan ku arka waqtiga aan lagu arkin.
Waxaa jira qof ku arki kara xilli aysan dadka dhan ku arki karin kuna yaqaan xilli aysan dadka dhan ku aqoon, qofkaas ayaa u qalma jacaylkaaga iyo waqtigaada, laakin is waydiintu waxay tahay ma garan karnaa dadka nuucaas ah qiimaha ay ku leeyihiin nolosheena xilliga ku haboon ee ay noogu baahi badan yihiin ?
Mmusa 

                                                               3- isbaddalka
Is baddalka ayaa ah hagaajiyaha wax walba, sidaas oo kale noloshaada, way wacnaa lahayd haddii markii xoogaa la joogaba aad qalinka iyo warqadda inta qaadato xoogaa yar oo xisaabin ah aad ugu dhaqaaqdo qaabka ay u socoto noloshaada, wixii hagaajin u baahana aad dib isaga saxdo.
Noloshaada fursad kusoo martay kuma baddalanto ee is baddal aad samaysay ayaa saamayn balaaran ku yeesha, kaas ayaana u muujin kara qaabka ay u ekaan karayso.
Mmusa 

                                                                   4- Raali galin
Haddiiba raali galintaada aysan waxba ka baddalayn qaladka aad gashay, markaas raali galin ma ahan waxaaga ee waa ku digasho.
Raali galintu waa in ay samaysaa isbaddal, haddii aan taa lagaa helina waa raali galin aan run ahayn.
Mmusa 

                                            5- Filashada Mustqabalka
Waxa aad abuurato ama maanta samayso ayaad ku saadaalin kartaa mustaqbalkaaga kuna qorshayn kartaa, balse, haddiiba wax aad abuurato ama haysataba aysan jirin waa rajo markaas mustaqbalkaaga.
Mmusa 

                                                          6-Nagaasho
Ballanta waa la wada qaadaa, laakin sida loo kala qaado looma kala qiima badna ee sida loo kala oofiyo ayaa loo kala qiima bataa. Si kale haddaan u dhigo macna ma lahan, sida loo ballan qaado ee waa sida la iskugu nagaado.
Mmusa 

                                                 7-Naxariista
Naxariistu way ku qurxisaa sida uu doono muuqaalkaagu ha u keedo,
Mmusa 

                                                            8-Naftaada ku amaan
Naftaada ku amaan maalmaha adag ay kula soo martay ee aad sida wadajirka ah uga soo guuleysateen marka ay xaaladuhu adkaayeen.
Mmusa

                                            9-Dhaawac aadan u qalmin
Qaddarinta ay u qalmaa  ka badan marka aad siisid ayey ku dhaawacaan dhaawac aadan u qalmin.
Mmusa 

                                                           10-Sida ay doonto ha noqoto .

Qalbigaada sida uu doono ha u wanaagsanaado, wanaagu xad ayuu leeyahay, waana ku qasbantahay dadka qaar in sida ay kuula dhaqmaan aad ula dhaqanto xaaladdu sida ay doonto ha noqoto.
mmusa 

                                                              11-wanaag beero.

Beero wanaag, xitaa meel uusan ku haboonayn ku beero, maxaa yeelay wanaag waa wanaag mar walba, marnaba kuma qasaaraysid.
mmusa 

                                                     12-Kor u qaad qiimahaaga
Laga yaabee qaarkood in ay kaaga haybaysan labiskaaga, gaarigaaga, gurigaaga, iyo qaabka guud ee noloshaada.

U sheeg oo dareensii in aad leedahay qoys quudin kaa sugaya ee aadan lahayn bulsho aad indhahooda quruxdaada ku farax galiso.

Qiimahaaga maahan cajab galinta indhaha dadka ee waa kor u qaadidda damiirkaaga, haddii aad leedahay damiir wanaagsan waxaa kor u qaadma qiimahaaga.
Mmusa 

                                                            13-Dhagar iyo dhoola caddayn!!
Waxay dhaheen dhoola caddayn walba dhab maahan, dhiila iyaga oo wata ayey dhoola caddeeyaan.
Waxay kaloo dhaheen illin walba xanuun la hubo maahan, xitaa farxaddaba waa lala ilmeeyaa, sidaas si la mid ah dhagarta.
Mmusa 

                                            14-Maya, Baraha Bulshada.
Dhibkooda ayey bulshada u sheegtaan, dhibkooda ayey baraha bulshada noogu sheegaan,dhibkooda iyo isku digashadooda ayey noo soo bandhigaan, dhibaatadooda ayey iskula dhaga hadlaan ayaga oo adeegsanayaa baraha bulshada iyo Aaladaha kale ee lagu xiriiro.
Waa hubaal in ay xanuunsanayaan, doonayaana in ay xanuunkooda xal u helaan, balse xalka marka aad ka raadisid halka uusan kaa jirin, micnaheeda waa in aad abuuranayso xaddiga in la eg dhibka ku haystay mid la mid ah ama ka badan.
Waxaan ku dhihi lahaa, ” dhibkaaga Alle u sheego, maya Baraha Bulshada”
Mmusa 

                                                    15-Taas igu dhicimayso!!
Taas igu dhici mayso micnaheeda waa in aad la baratamayso awooda aan muuqan ee kuu qorshaysa sakanka dambe ee noloshaada sida aad ahaan doonto.
Sidoo kale waxay la macna tahay ku digashada qof awoodaada oo kale lahaa balse duruufta iyo waqtiga ay halkaa dhigeen.
Dunida waa weerto kolba dhinac ku doorta ama ku wareegaysata, shalay qofka aad ahayd maanta ma tihid, maanta sida aad tahay shalay ma ahayn, taasna macnaheeda waa in aadan haysan damaanad kaa difaaci karto xaaladda uu qof kale ku jiro, lagana yaabo in aad ku digato.
Mmusa 

                                                        15-Dulqaadka
Dulqaadka ma ahan inta aad wax sugi karto ee waa dhaqanka iyo dhiiranaanta aad la timaado inta aad dulqaadanayso.
Mmusa 

                                                             16- ha aaminin

Ha aaminin waligaa waxa aad iskula sheekeysatid marka aad kaligaa tahay iyo marka aad tiiraanyeesantahay.
Mmusa 

                                                          17- Dulqaad

In aad tahay qof dagan misana sugashada ku fiican kama dhigna in aad tahay qof dulqaadan badan.
Inta aad sugashada ku jirtid qaab dhaqankaaga wanaagsan iyo dulqaadka aad samayso ayaa ka dhigan ama tilmaan ka baxsha sifada in aad qof dulqaad leh tahay.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN