XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 135aad

                                                             1-Baryada Eebe

Baryaada aad Eebe baryayso ha badato ma xuma, balse waxaa wanaagsan inta aadan baryo galin in aad marka hore ka mahad celiso waxa aad haysato, kaidb markaas Alle wax waydiiso.

Laakin yeysan waydiintaadu badan, shurkintaaduna yaraan, xusuuso ina Alle yiri ” haddaad shukrisaan waan idiin badin”.

Mmusa 

                                                    2-Dumarku waa baddalmaan 
● magacooda ayaa baddalma marka ay na guursadaan
● gurigooda ayaa baddalma marka laga soo guursado.
● qoyskeeda ayey kaaga soo tagtaa
● adiga ayey kuu soo guurtaa
● guri ayey kula dhistaa
● Uur aad leedahay ayey qaaddaa
● Uurku jirkeeda ayuu baddalaa
● uurka kadib way buurataa ( cayishaa)
● dhalmada dhallaankaaga ayey nafteeda qatar u gashaa
● Caruurta ay kuu dhashana magacaaga ayey qaataan ilaa maalinta ay ka dhintaan,
Wax walba ayey kuu qabataa, kuu karisaa, kuu nadiifisaa, jirkeeda kuugu raaxaysaa, waalidkaaga haddii ay kula nool yihiina kuu xannaanaysaa, caruurtaada kuu korisaa, raaxadaada iyo niyad wanaagaga ayey mar walba u taagantahay, in aad faraxsantahay ayaa farxad u noqoto.
Waxay kaloo u taagantahay isku xirka qoyskaaga iyo dhamaan ehelkaaga, waa muraayadda laga eegto qofka aad tahay, ceebtaada ayey asturtaa, gurigaaga muuqaalkiisa bulshanimo waa qofka laga eegto, waxay u taagantahay wax walba oo dantaada ah……
Quruxdeeda iyo waxa ay ka hesho dhaman ayey mararka qaar ka tagtaa si ay kuu qurxiso una dhowrto hirgalinta waxa ku farax galsha.
Intaas oo dhan haddaad igu raacsantahay waxaa is waydiin mudan waa kuma qofka guriga tiirka u ah? 
Dabcan waad igula doodi kartaa in raguba qaybtooda ka qaatan oo ayaguba tiir muhiim ah u yihiin jiritaanka guriga, taa aniga oo kugu diidayn ayaan haddana dib kuugu celinaya su’aasha ah inta qofka haweenayda ah dhib ahaan u marto ma u maraan raga?
Rag haddaanu nahay waa in aan ku faraxsanaanaa dumarka nolosheena qaybta ka ah, haddii ay hooyo, abaayo, gabadhaada iyo xaaskaagaba ahaan lahayd.
Runta ayaa waxay tahay in xaqiiq ahaan aysan sahlanayn in dumar la ahaado.
In dumar la ahaado waa mid qiimaheeda wax lagu gadan karo ama lagu gudaa aysan jirin.
Dumar macanahooda waa:
Hooyo wacan
Saaxiib wanaagsan 
Gabar qaali ah 
Abaayo loo riyaaqo
Deeqda ugu wanaagsan ee Alle u hibeeyay Rag oo dhana waa Dumar.
Aan xushmayno dumarka haddii ay nagu xumaadaan iyo haddii ay noo wacnaadaanba.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
                                      3-Naftaada baro

Haddiiba caay ama diidmo uu qof ku diiday ay kugu ridayso fakar badan iyo hurdo la’aan sababna ay u noqonayso in aad naftaada ku kalsoonaan wayso shakina naftaada aad ka qaado, markaas waxaad ogaataa in aadan aqoon isku lahayn oo dib u eegis ku samayso naftaada barashadeeda.

Mmusa 

                                             4-Sanadka cusub

Haddii aad rajaynayso ama sugayso in samadkan cusub uu noloshaada u noqdo sanad farxad leh oo hadana wax aad qabsato aysan jirin, markaas waad qaldantahay.

Nolosha kuma samaysanto in meel la iska fadhiisto waxna la fisho/la rajeeyo.

Nolosha waa mid u baahan halgan hagar la’aan loo sameeyo, falka aad samaynayso iyo sida aad u dhaqdhaqaado natiijada ka dhalato ayaa noqon karta mid ku farxad galiso ama ku raja tirto.

Sidaa darteed xooga saar in aad dhaq dhaqaaq badan samayso, falka aad samaynaysana uu mar walba yahay fal aan naftaada wax u dhibayn balse farxad u abuuri karo. Haddii aad sidaa samayso, markaas waan ku dhihi karaa wax wanaagsan ka rajee sanadkan, maxaa yeelay wax badan oo wanaagsan ayaad qabsatay, balse haddii aysan taas dhicin , rajadaada filashadeeda waxay iska noqonaysaa riyo aan rumoobin oo habeen walba aad ku riyooto.

Mmusa 

                                                         5-Qof aad is fahamtaan
Haddii aad jeceshahay in wax walba loo arko sida aad jeceshahay oo dadka kale aadan qaddarin aragtidooda, hubaal markaas in aad la harjadi doonto sida aad ku hesho qof aad is fahamtaan.
Mmusa 

                                                          6-Muxuu sameeyaa? 
Laba usbuuc ayuu aroos ahaa hadana wuxuu damcay in uu xaaskiisa iska furo sababtana wuxuu ku macneeyay dhaqan xumo daran oo ay kula kacday hooyadiis.
Hooyadiis waxay taagantahay maandhow gabadha aniga ayey igu gaftay waana iska cafiyay ee reerkeeda ha ka dumin ee u dhaaf.
Isagana wuxuu taaganyahay naag garan waysay in carrabkeeda ay kaala xishooto waxa ay dhalayso wax fiican maahan ee inta aysan cudur camal iigu faafin aan iska soo gunaanado xarigeeda ileen duul wanaagsan laabteeda kama soo socdaan.
Haddii booska aad ninkaas taagantahay maxaad kula talin lahaydeen ragow?.
Dumarow idinkana haddii ninka ku qabo laba usbuuc oo hooyadaa sidaas ula dhaqmo maxaad samayn laheedeen?

Mar dambe ayey ogaan doonaan!!

Maalin ay noqotaba wuu kuu xiisi doonaa/ kuu xiisi doontaa, waxaan ula jeedaa qof qaali kugu ah oo aad naftaada ku aamintay dhabna u jeclaatay kaas oo kuugu abaal guday qiyaano iyo dibindaabyo aadan ka mudnayn, kaaga daranee qofkaas indha adeegiisa inta ku horyimid kugu yiri ” kuuma baahni ee fadlan cariiriga iga dhaaf” isaga oo kugu maaweelinya marmarsiyo aan jirin, dhulkana kugu jiidaya sabab la’aan.

Qofka nuucaas ah waa hubaal in waqti aan munaasab ahayn uu garan doono in aad ahayd qofka ku haboon noloshiisa, markaasna waxay noqon doontaa mar ay xaaladdu faraha ka baxday oo qalbi ahaan aad meel kale u jeesatay.

Mmusa 

                                                     7-isfaham

Is faham darrada iyo farqiga idiin dhaxeeyo macna ma yeesho marba qofka hadduu qaali kugu yahay.
Mmusa 

Sii

Wax sii kan kaa mudan iyo kaan mudnayn, alleba wuu ku siiyaa waxa aad mudantahay iyo waxa aadan mudnayn.

Yusuf zaydan

                                                        8-Niyad jabka

Niyad jabkaaga wuu badanayaa haddaaba dadka ka filaysid in ay kuu sameeyaan ama kuu noqdaan sida aad u samayso ama u tahay, maxaa yeelay qofna ma lahan qalbigaada oo kale.

Mmusa

                                                9-Maxaan dhimasho raadshay!!!!
Bilowgii sanadkii tagay ayey ahayd markuu igu bilowday cudurka isku buuqa oo aan ka qaaday shaqada aan ka shaqaynayay, maxaa yeelay aad ayuu noogu adkayn jiray ninka madaxda ka ahaa qaybta aan shaqada ku lahaa.
28 jir ayaan ahaa, waxaana lahaa qorsho aan doonayay in marka aan intaas gaaro aan wax badan qabsado, balse ma dhicin oo waxay noqotay in aan cabsi ku noolaado aniga oo u baqaya shaqadayda.
Iyada oo taas i haysato ayaa waxaa ii sii dheeraa buuq iga qabsanayay dhanka xaaskayga oo gabar yar ii haysay, sidaas ay tahay hadana xanuun dhanka maskaxda ah oo igu dhacay ayaa sababay in fasaxa shaqadayda uu bato.
Aniga oo awalba caga adag uga taagnayn dhanka shaqada hadana maadaam uu fasaxaygu batay ayaa shaqada la iga eryay.
Dunidayda oo dhan ayaa qallibantay xitaa biilka ayaan iska bixin waayay, xaaskayga oo awalba buuq igula joogtay waa iga tagtay, noloshayda oo dhan meel cidlo ah ayey kusoo dhacday.
Waxaa ii muuqatay in aan xaq ugu lahayn dunida in aan ku sii noolaado sida darteed ayaan go’aansaday in aan isku xooro waddada baabuurta ku cararto.
Qorshaha aan isku dilayo iyada oo sidii loogu tala galay u socdo ayaan tel ka helay saaxiibkay oo i dhahaya shaqada waa lagugu soo celshay ee subixii soo shaqa gal, telkaas ayaa bad baadshay habeenkaa naftayda aniga oo raja ka qaba in aan dib u shaqo bilaabo noloshaydana dib u hagaajiyo.
Nasiib wanaag shaqadayda ayaan dib ugu laabtay balse waxay ahayd oo kaliya mid la igu qayaanayay oo qolada aan u shaqeeyo ay ku raadsanayeen qof booskayga buuxiya inta laga helayana aan sii shaqeeyo, cid ii sheegtay qorshahaas ma jirin, muddo bil ah markii aan shaqeeyayna albaabka ayaa la i tusay.
October dhammaadkeeda sanadkii la soo dhaafayay ayey ahayd markii aan hadana is tusiyaya in aan nolosha u qalmin.
Waxaan ahaa shaqa la’aan, buuq ayaa meel walba iiga furnaa, xitaa guriga kiradiisa waan iska bixin waayay, kaydkayga oo dhan waa hore ayaan ka laacay wax faraqa iigu jiray ma jirin, xaaskaygana waa hore ayey iga lugaysay oo gabadhaydiina la tagtay..
Waxaan soo gatay kaniiniyaal badan aan ku doonayay in aan dunidan uga rawaxo, waan ka dhargay oo si xad dhaaf ah ayaan u laqay aniga oo rajaynaya in si nabdoon aan uga tagi doono dunida ayaan subixii ka soo kacay aniga oo waxba qabin oo caafimaad qaba, kuma farxin runtii oo waan ka naxay, subixii marka aan soo toosayay waxaan u haystay in aan aakhiro ka soo toosayo oo buuq iyo dhiba iga haray balse markaa arkay dariishaddayda iftiinka ka soo galaya hareerahaygana eegay oo xaqiiqsadsy in aan wali dhex joogo dunida aan dhibsaday joogisteeda ayuu mar labaad qarracan ii bilowday.
Gaaja xun ayaa i haysay wax cunta ahna iima diyaarsnayn oo maba haysan, rooti is maris ah oo aan xalay inta aanan kaniiniyaasha isku dal dalin cunay ayaan arkay in uu iga hor muuqdo, mar labaad ayaan ka laacay, waxaana go’aansaday in dunidan aysan saaka ila dhaafin oo caawaba aan qabri u hoydo.
Kadib markii aan afka ku qabsaday rootigii haraaga ahaa ayaan ku istaagay balakoonka si aan isaga tuuro dabaqa sagaalaad oo aan markaa daganaa.
Nasiib darro halkii la rabay in aan horey isku tuuro ayaan gadaal isku soo tuuray taas oo sababtay in aan madaxa qaybta dambe ka daqramo meeshana ku suuxo, waqti kadibna aan isbitaal ka soo toosay.
War ileen tan oo kale, maxaa dunida wali i dhex dhigay aniga oo is waydiinaya ayey gabadhayda yar albaabka qolka aan isbitaalka ka jiifo ka soo gashay.
Waxaan gartay in wali aan xag alle la iga so fasixin oo gabadhayda ay ii baahantahay, kadib waxaan go’aansaday maadaama saddex jeer ay dhimashada i diiday in aan dunidayda iskaga noolaado oo la halgamo noloshayda inta waqtiga iiga imaanayo.
Alle mahadii maanta waxaan ahay qof isku filan, xaas kale iyo caruur kalana waan yeeshay, dunida haddii ay wax kuugu dhiman yihiin kama tagaysid aniga ayaa taas dhab u ogaaday.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                                                     10-Ma ihi

Ma ihi sida aad ii malayso, mana noqon doono sida aad jeceshahay, maxaa yeelay anigu adiga ma ihi adiga, adigana la iima kaa keenin dunidan.
Mmusa

                                                           11-Ku gaar 
Ku gaar hadafkaaga ficil iyo waxqabad aad la timaado, maya muran iyo xeelad xaaraan ah.
Mmusa

                                                          12-Fadlan kala garo.

Waxay waydiisayay sababta uu mar walba la xanaaqsan yahay hoosna ugu fooraro.

Wuxuu ugu jawaab celshay in uusan mararka qaar xanaaqsanayn balse uu dhaawac tabanayo, fadlan kala garo farqiga dareenkayga xanaaqa iyo murugada.

Mmusa

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN