XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 136aad

                                                               1-Dumarow.

Dumarow ma ahan in nin walba uu galma idinkaga baahan yahay, raga qaarkood waxay idinkaga baahanyihiin taageero niyadeed iyo maskax dhisid xagiina ay ka rajaynayaan, fadlan maskaxdiina iyo laabtiina u fura oo fahma baahida ragiina in aysan galma kaliya ku koobanayn.

Mmusa 

                                                               2-Faqri

Wuxuu ahaa mid saddex dhibaato ka cabanayay, aad ayuuna ula murugaysnaa saddexdaas dhibaato.

1: wuxuu ahaa Faqri.

2: wuxuu lahaa Xaas aan waligeed caruur u dhalin.

3: hooyadiis oo indha la’na waa u joogtay.

Isaga oo la daala dhacaya rafaadka faqriga iyo murugada hooyo iyo tan ilma la’aanta ayuu habeenkii hurdo cajiib leh seexday.

Isaga oo hurdadiisa dhex mushaaxaya ayuu riyada ku arkay qof kula hadlaya oo dhahaya hal duco oo kaliya ayaa lagaa doonayaa in aad doorato allena wuu kaa aqbalayaa ee codsigaada muxuu noqon lahaa haddii lagu kala dooransiiyo saddexdan.

Xaaskaaga waxay rabtaa in ay ilma kuu dhasho.

Hooyadaana waxay rabtaa in aragtideeda loo soo celsho.

Adigana waxaad rabtaa in faqriga aad ka baxdo, Haye, hal xabo dooro waa lagaa aqbalayaa.

Maba sii fakarin ismana mashquulin , jawaabtana meel kale kama raadin, si kalsooni ka muuqato ayuu u yiri ” waxaan doonayaa in hooyaday aragto ciyaalkayga oo saxan dahab ah ku cuntaynaya..

Isla markiiba waa laga aqbalay ducadiisa, saddexdii dhibna waa laga qaaday, waxaase cajiib lahayd sida uu saddexdiisa dhibaato hal dhibaato ugu soo koobay, hal xalna ugu helay.

Alle qofka uu rabo xikmaddiisa ayuu haleeshiiyaa, xikmadda waa garashada ugu fiican ee qof helo, qofka xikmad helaa xalka dhibkiisa meel gaaban ayuu ka helay.

Mmusa 

                                                        3-Ragu ma dhamaystirna.

Rag marka laga hadlayo micnaheeda waa in wax walba laga hadlayo, maxaa yeelay nolosha dhan ayaga ayey ka bilaabataa isla ayaga ayeyna ku dhamaataa, wax walba ayaga ayaa kala socodsiiya, sidaas ay tahayna ma dhamaystirna.

Waa kuwa qaladaad badan mar walba, dumar haddaad tahay waa in aad barataa sida loo cafiyo raga maadaama janna iyo naarba aad kala kulmi karto la noolaantooda.

Waa aabaha oo noloshaada isaga ayey ka bilaabataa, waa walaalkaa oo waa garabkaaga waa kan kaa difaaca weerar walba oo kaaga yimaada yeyda kale, waa wiilkaaga oo waa dheecaankaag waana kan aad ku ciil baxdid waan kan wax walba kuu ah, waa ninkaaga hadana waa aabaha ilmahaaga oo waa kan noloshaada horey u wado oo ku dareensiin kara macaanka iyo qaraarka Nolosha.

Waa sida ay tahee, waxaa jira hadana waqtiyo ay kugu adkaan karaan in aad wax cafiso, laakin haddaad rabto in aad farxad ku noolaato waa in aad barataa sida loo sabro loona cafiyo.

Dabcan waad ku dhaqaaqi kartaa dhaqanka wax cafintana waad la qabsan kartaa, balse waxaan la hilmaami karin ayaa jira taas oo ah in wax walba ay xad leeyihiin dulqaadka iyo cafintuna ay leeyihiin xad lagu sabri karo laguna cafin karo haddii la gudbana ay meesha ka wada baxayaan.

Ninka haddii uu yahay nin xadgudub badan ma ahan mid u qalma dulqaad iyo cafis, waxaad u baahantahay in aad farxad heshid, ninka nuucaas ahna sabab aad ula sii joogto ma jiri karto, qofka marka uu ku xushmeeynayo qiimaha aad leedahayna fahmi karo ayuu mudan karaa in la cafiyo ama loogu dulqaato marka qalad uu ka dhaco.

Waxaa kaloo sii adkeeya cafinta iyo u dulqaadashada haddii ninkaagu yahay mid gacan qaad badan.

Xiriirada ama wada noolaashaha qaar waxaa caadi ka ah in la isku gacan qaado oo raga qaar ay u gacan qaadaan xaasaskooda taas oo ah foolxumo tan ugu xun ee daawashadeeda aan loo dulqaadan karin.

Ninkga gacan qaadka badan waa mid qatar badan haddiiba ay gacantiisu marka ay rabto kusoo gaari karto waxaad qatar ugu jirtaa in uu marka dambe kaa takhaluso oo nolosha ku dhaafaiiyo adiga oo is dhahayn way ka suuroowdaan in uu nafta kaa qaado ayey sidaas kusoo idlaan kartaa, sidaa darteed nin gacan gaad yaqaan noloshiisa in aad kusii nagaato waa khalad , hadii ay taa dhacadana naftaada adiga ayaa qatar galshay.

Dulqaad iyo cafis toona ma mudna ninka u gacan qaada xaaskiisa oo garan waayo xushmadda iyo qiimaha ay ku leedahay noloshiisa.

Waa in ninka nuucaaa ah uu ogaadaa in xaaskiisa ay gurigiisa ugu soo raacday in ay farxad ka hesho ee aysan usoo raacin in uu ka ilmeesiiyo ama murug kula noolaato.

Nuucyada raga hal qalin ama qormo laguma soo koobi karo, qormadan inkastoo aan si kooban uga hadlayo nuucyadooda aan mudnayn in la cafiyo ama loo sabro.

Waxaa kaloo jiraa nin lagu magacaabo bahdile, kaas isagana ma ahan in aad noloshaada u ogolaato, qof ku hayb soocayo ama hoos u dhigayo shaqsiyaddaada waa mid mar walba si joogta ah kuu dhaawaco dhaawacyada uu ku badana aysan lahayn dhamaad.

Ninka nuucaas ah waa in uu ogaadaa in jacaylka ay tahay in uu ku jeclaado uusan ahayn mid uu ixsaan kuugu falayo balse ay tahay in uu xaalada oo dhan iyo duruufo oo dhan uu kugu xushmeeyo.

Daryeelka dumarka waa mid ay tahay in aan gorogortan laga galin, ma ahan in ay u muuqato in mid ayaga si gaar ah loogu xushmeeynayo ee waa in ay noqotaa asal ama saldhig lagu abuurayo naxariista qoyska.

Dumarka waa naxariis iyo jacayl, inta badan oo naxariis iyo daryeeel jacayl aad siisana waa inta badan oo farxad qoys laga helaa gurigaas.

Jacaylka iyo daryeelka aad siiso xaaskaaga saamayn waxay ku yeelataa caruurta aad dhalaysaan iyo dhamaan inta gurigaas kusoo hoyata ama ku nool.

Sidaa darteed ninka raga ah waa kan u naxariis badan xaaskiisa una daryeelka badan.

Dumarka ayagana waxaan ku baraarujinayaa in nin aan naxariis lahayn iyo mid gacan qaada iyo mid bahdilaba aysan sakan noloshooda ah la sii noolaan, maxaa yeelay waxa meeshaas ka soo baxaya ayaa ah miro aan dhadhan lahayn.

Daacad isku ahaada.

Qasab maahan in xiriirku caafimaad qabo mar walba waa la is qabanayaa, waana la is fahmi wayn karaa, muhiimadda waa in daacad la isku ahaado.

Mmusa

                                                            4-Guurka.

Guurku ma ahan mid caruur oo kaliya in lagu dhalo loo sameeyo, waa mid intaa ka macna badan, haddaadan fahmi karin macnaha dhabta ah ee guurka una dulqaadan karin qaab darrada dumarka iyo caqli xumada raga, fadlan kaliga iska ahow.

Nolosha waa mid caqabad badan oo buuq badan shallaaytana aan boos ku lahayn, isku day in aad fahamto xalka dhabta ah ee dhibka aad tabanayso.

Mmusa 

                                                        5-Maanta qaali ayaa ku tahay

Maanta qaali ayaa ku tahay, maalin kalana macna u ma lihid, waa sida ay isku baddalaan dadka kugu xeeran xaaladahooda.

Mmusa

                                                        6-Waad is baddashay.

Qof ku dhahaya waad is baddashay haddaad maqasho micnaheeda waa in uusan kaa arkin u dhaqmidda sida uu kaa ravay.

Mmusa 

                                                                 7-Hal abuurnimo
Inta wax garataa way wada ogtahay haddaadan ogayna hadda ogow.
Dunida hormartay siyaasiyiinteeda eray walba ay ku hadlayaan ma ahan hal abuur maskaxdooda ka soo maaxday ee waa mid loo soo abuuray loona soo qoray waqtina la galshay, xitaa sida ay jumla ahaan hadalka u dhex galinayaan uguna dhawaaqayaan.

In yar ayaa maanta eray bixintooda ama codkarnimadooda Cod ku heli lahayd haddii aysan jiri lahayn dad cod karayaal ah oo hadalka dhihi og kuna takhasusay shukaansiga jamaahiirta.

Maxaa diiday in siyaasiyiinta soomaalida ay uga faaiidaystaan dadka aqoonta leh sidaa oo kale, waan hubaa in maanta meel sare uu siyaasi walba gaari lahaa lana heli lahaa siyaasi soomaaliyeed oo hadal iyo howlba laga dhaxli lahaa.

Hogaamiye walba oo dunida soo maray maanta waxaa lagu xasuustaa oraah caan baxday oo u gaar ah, hadana ma ahayn isaga kan allifay oo maskax ahaan xikmaddaas iska lahaa, dad u shaqaynayay ayaa usoo qoray una keenay isagana manfaca ayuu qaatay oo maanta waxaa la leeyahay hebel xikmaddiisa ayey ahayd.

Waligaa shaqo dad kale ay kuu qaban karaan naftaada ha ku daalin.
Mmusa

                                                         8-Maamuus
Waxay dhaheen magac aan maamuus lahayn waa sida dab aan holac lahayn.
Magac dheeridaada haddii aan qiima loogu labisin waxba ma dhaantid dab la shiday oo iska qaacayo.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN