XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 140aad

                                                          1-Quruxda iyo Qalbiga
Nafta Aadanaha oo dhan waxaa jira wax ay si guud u wada jeceshahay waxaas oo lagu magacaabo Qurux.
Quruxda tilmaanteeda iyo fahankeeda mar walba waa lagu kala duwan yahay isku sina looma wada arko loomana wada fahamsana, laakin midda la isku raacsan yahay ee qofka aad waydiisaba uusan maya kuugu jawaabeen waa jacaylka iyo rabitaanka qofku u qabo Quruxda.
Hadaba is waydii maxay tahay Qurux, sideese u tilmaami lahayd haddii lagu waydiiyo?
Quruxda dadka qaar waxay u yaqaanaan wax ay ka arkaan muuqaalka qofka ha ahaato jir dhisnaantiisa iyo suuradda wajigiisa. Aniga waxaan quruxda ku tilmaami lahaa in ay tahay iftiin ka soo butaaco qofka qalbigiisa kaas oo laga arko dhaqankiisa iyo shaqsiyaddiisaba.
Quruxda waa il ka soo burqata qalbiga qofka, mana ahan wax uu qof walba leeyahay.
Mmusa

                                                     2-Col ayey la yihiin

Oraah ayaa dhahaysa dadku mar walba col ayey la yihiin wax walba oo aysan aqoon, hala yaabin marka xaaladaha aad ku dhex nooshahay ee aad marqaatiga ka tahay.
Mmusa 

                                                        3- Xor ayey isu haystaan

Dadka ayaga oo meel walba ka dabran ayey isu haystaan in ay xor yihiin, waxa aad aaminsantahay dhab ahaan ugama tarjumayaan xaqiiqda aad la nooshahay.
Mmusa 

                                                 4-Saamaxaadda

Saamaxaadda ma ahan in aad u aragto mid aad ugu danayso dadka kale, balse waa mid naftaada aad ugu raadinayso daganaan iyo qanaaco nafsaani ah si aad horey ugu socoto.
Mmusa 

                                                           5- Damaca sare
Wuxuu ku farxsan yahay damiciisa hoose oo uu ka gun gaaray halka saaxiibkii uu wali guul u raadinayo sidii uu u gaari lahaa damiciisa sare.
Damace sare oo aad gaari wayso ayaa ka qiima badan mid hoose oo gaarto.
Mmusa 

                                                        6- Maxay kula tahay?

Waxay dhaheen daqiiqad ayuu qof qaali kugu ah kugu soo mari karaa.
Saacadna wuu kugu farax galin karaa.
Maalina waad ku jeclaan kartaa, laakin in aad hilmaanto qofkaas waxay kugu qaadan kartaa inta aad nooshahay oo dhan.
Maxay kula tahay?
Mmusa 

                                               7-Runta ka sheeg.
Wax walba sixid kaliya uma baahna ee in runta laga sheego ayey u baahan yihiin.
Waxaanu ku noolnahay Duni 24keeda saacadood daqiiqad kaliya runta laga sheego, wax walba oo maqashaa aragtaana been ayey u badan yihiin.
Mmusa 

                                                    8-Qalbi ku fahmo

Mararka qaar gacan qabasho iyo Qalbi na fahma ayaan u baahanahay.
Mmusa 

                                                   9-Maxay kula tahay?
Waxay dhaheen Nolosha dhabta ah waxay ka bilaabataa halka ay ku dhamaato Raaxada, maxay kula tahay? 

                                                         10- Mahadnaq
Mar walba sabab ayaa jirayso ku tusta in aad mahadnaqdo, hareerahaaga eeg, dibna isu xisaabi.
Mmusa 

                                                            11-Illinta
Ma is tiraa mararka qaar illin ayey u baahan yihiin indhahaaga si ay nadiif uga noqdaan xumaanta ay arkeen?
Mmuaa 

                                                               12-Lumid
Marka farkarkaaga uu kusoo aruuro shalay maxaa iga dhacay, barrito maxaan ahaan doono, markaas waxaa ogaataa in noloshaada ay tartiib kaaga sii lumayso, maxaa yeelay, maba tihid mid maanta uu ku nool yahay u jeeda.
Mmusa 

                                                         13-Dhib xallis
Haddii maskaxda iyo qalbiga aan ka shaqaysiino dhib badan wuu xallismayaa, laakin marka hadalkeena uu bato dhib saa’ido mooyo dhib xallisma ma jirayo.
Mmusa                                                              14-Is qaabilid
Haddaan isku qaabilno Qalbi wanaagsan iyo shuruud la’ aan, dhexdeena waxaa ka abuurmaya Kalsooni iyo Naxariis.
Mmusa 

                                                           15-Ahow qofka aad tahay

Nolosha macnaheeda waa in aad ahaato qofka aad jeceshahay in lagugu tilmaamo, samaysaa waxa aad jeceshahay in aad ku faanto tilmaantooda, fahamtaa naftaada sida aad u jeceshahay in ay dadku kuu fahmaan.
Mmusa 

                                                      16-Dadka xanuunsan
Waxy ku tilmaamaan in uu waalan yahay dadka yaqaano, laakin sidaa iilama muuqan.
Subax ayaan goob laga shaaheeyo ku kulanay isaga oo gacamaha u hoorsanayo dadka, micnaha tuugsanayo, kolkaas ayaan jeebka inta gacanta u galshay ku iri “fadhiiso shaah cab”.
Wuu iga aqbalay, xoogaa ayaan meesha ku sheekaysanay, kolkaas ayuu igu yiri
“Dadkan in aan ka duwanahay darteed ayey iigu qoslaan mar walba, anna waxaan la yaabanahay in ay dhamaantood isku mid iigu muuqdaan”.
Dadka xanuunsan ee dagan xikmadda ka qaata.
Mmusa 

                                               17-Nabad bey ku baaqaysaa!!!
Goobaha madaxa lagu jaro ayaan kula kulmay, nin dagan ayuu iila ekaa ilaa aan arko qaabka madax jarriinka uu u dalbanayo markaas oo aan ogaaday in wax badan ka qaldan yihiin.

Wuxuu dalbaday in dhexda laga bixiyo timaha madaxda qaybtiisa dhexe uga yaalo si uu u yeesho Bidaarta loo yaqaano Jacaylka. (Bidaar love)

Kadib markii uu Timajaraha sidaa ugu jaray ayaan waydiiyay macnaha uu ula jeedo, kuyeh “Nabad bey ku baaqaysaa”!!!!
Mmusa                                                              18-Dallad ayuu sitaa

Dallad ayuu sitaa mar walba, marka aad waydiisid maxaa dhacayna wuxuu kugu dhahayaa roob ayaan sugayaa!!!! 

Mmusa                                                         19-Ha ku dag dagin.
Qof kaamilan ma jiro, qof kaamilnaan u qalmana ma jiro oo kaamilmaanta Alle ayaa iska leh.

Qof walba xaaladdiisa ayaa qoorta ugu jirta, ma jiro qof ay mar walba wax u sahlan yihiin.

Ma garan kartid xaaladda uu qof la noolyahay, sidaa darteed, is qabo oo ha ku dag dagin dhaleecayntooda iyo xukmintooda, qof walba dagaal isaga u qaas ah ayuu noloshiisa kula jiraa.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN