XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur




                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 141aad
                                              1-Xusuustaada shalay
Shalay xusuusteeda madaxaaga ayey ku jirtaa laakin barito muuqaalkeeda gacamahaaga ayaad ku samaysan kartaa kadib ayey madaxaaga dagaysaa.
Ku dadaal in madaxaaga wax wanaagsan dagaan, si aad nasiino iyo farxad u heshid.
Shalay iyo maanta iyo barrito waa wax aan anaga samaysano.
Mmusa 
                                                2-Ka hadal
Nimcadaada ka hadal inta aad ka hadli lahayd musiibadaada, maxaa yeelay, musiibadaada dad ku farxa ayaa jira, laakin nimcadaada cid farxaddeeda kuu muujisa arkimaysid.
Mmusa 
                                                           3-Go’aanso
Go’aanso waxa aad rabto.
Aamin in aad heli karto waxa aad rabto.
Aamin in aad u qalanto .
Sidoo kale aamin in ay macquul kuu tahay  in aad gaarto halka aad jeceshahay.
Mmusa 
                                                      4-Laba kama shallaaysid
Dhaqankaaga oo wanaajiso marka aad wax walba haysato kama shallaaysid.
Dulqaadkaada oo cuskato marka ay xaakaddu ciriiri kugu tahay isagana kama shallaaysid 
Mmusa
                                                         5-Daacadnimadaada
Daacadnimadaada laga yaabee in aadan ku helin asxaab badan, laakin waa la hubaa in aad ku helayso asxaab wanaagsan haba yaraadaanee.
Mmusa 
                                                             6-Ogaanshiyaha
Ogaanshiyaha in aad wax samayso ayuu kugu hogaanshaa, halka fahamka uu kugu hogaansho in aad wax barato.
Mmusa 
                                                         7-Is faham
Is fahamkeena in uu bato aan ku dadaalno maxaa yeelay, haddii aan is fahamno waan isku naxariisnaynaa, in la isku naxariistana waxay nagu hogaamisaa in aan is jeclaano, hubaal qof aad fahmatay in aadan necbaan karin.
Mmusa 
                                                         8-Sida ay ahayd
Haddii sida aad rabto aadan u fahmin micnaheeda maahan in aysan ahayn sida ay ahayd in ay ahaato.
Mmusa 
                                                   9-Fahamka Cabsida
Inta badan aad isku taxalujiso fahamka waa inta badan ay cabsidaada yaraato, fahamka wuxuu yareeyaa cabsida  halka faham darrada ay badiso Cabsida.
Mmusa 
                                                10-Soo dhawee
Qof walba soo dhawayn ayuu kuu mudan yahay, qasab maahan in aad taqaanaa qofka aad soo dhaweynayso, qof walba oo ku mutaystaa si wanaagsan ula dhaqan, mudan doontidaa barrito Allaa ogee!!
Mmusa 
                                                    11-Fursadda
Fursaddu adiga ayey kaa luntaa oo kaliya ee iyada isma lumisa, marka ay kaa lunta qofbaa hela oo ka faaiidaysta, waa in aad mar walba heegan ugu jirtaa fursadda ku soo maraysa ugana faaiidaystaa shallaayto la’aan.
Mmusa 
                                                     12-Ka duwanaanta
Ka duwanaanta aad dadka ka duwantahay ayaa mar walba waxay ka dhigantahay in aan booskaaga la buuxin karin.
Ha dhibsan in aad ka duwantahay dadka, hubi lee in waxa aad rabto aad dhab u hiigsanayso adiga oo cidna uga heybaysanayn.
Mmusa 
                                                  13-Darajadaada garo.
Adiga hadal xun uma quurtid laakin ayaga sida ay rabaan ayey kuula hadlaan, markaa ayaa inta fakarto is dhahdaa sida ay kuula hadlayaan oo kale ula hadal, xanuunka hadalada xun ha dareemaanee.

Xaq ayaad u leedahay waana ula hadli kartaa sida ay kuula hadleen oo kale, laakin darajada aad dheertahay waxay tahay inta aad wanaaga kula hadlayso, balse, marka afkaaga uu soo tufo inta ay tufayaan oo kale oo xumaan ah daraja aad dheertahay ma jirto.
Mmusa 
                                                           14-Lama filaan!!
Adiga oo dhaawac ka ilaalinayo ayaa laga yaabaa in uu kuu arakaba kan dhaawacaya, waa dhaqanka lama filaanka ah ee dadka aad is leedahay xurmee ama ilaali kaaga yimaada.
Mmusa 
                                                         15-Dooro asturnaanta
Fakarkaaga muuji laakin u muuji fakarkaaga si caafimaad qabta oo xeeladaysan, adiga oo asturnaan waddada ku mari kara ma ahan in aad qaawanaan ka doorato.
Mmusa 
                                                     16-Nolosha macaankeeda 
Nolosha macaankeeda mar walba waa sida aad u jihayso laabtaada, laabtaada haddii aad wax wanaagsan ka buuxsato noloshaada way wanaagsanaataa.
Mmus 
                                                      17-Fakarka badan
Fakarka badan farxaddaada ayuu dilaa, farxaddaada badana fahamka noloshaada ayey kor u qaadaa.
Mmusa 
                                                   18-Waqtiga adag
Waqtiga adag iyo dadkiisaba ma waaraan ee xusuusta lagu wajaho wacnaanteeda ayaa waarto.
Mmusa 
                                                       19-Wax bixin
Noloshaada ma kaamilna haddaadan waxba u qaban qof aad ogtahay in uusan abaalkaaga waligiis kuu soo celinayn.
Waxqabadkaaga iyo filashadaada yeysan isla socon.
Wax ha u bixin in dib wax laguugu soo celsho.
Mmusa 
                                                               20-Dagaalyahan
Dagaalyahn kan ugu fiican marnaba laguma tilmaamin midka xanaaqa badan.
Qofka xanaaqa badan xilkasnimo laguma sheegin, mar walba xaalad xujo ah ayuu naftiisa u sameeyaa.
Mmusa 
                                                     21-Muhiimaddaada
Waqti ay kugu helaan haba u samayn kuwa aan muhiimaddaada iyo waqtigaadaba qaddarin.
Mmusa 
                                                                  22-Xiriirka
Dabcan xiriirku muhiimad iyo awood gaari ah ayuu leeyahay, maxaa yeelay, waa jaaniska aad ku muujin karto wax tabashadaada iyo fakarkaaga adiga oo dagaal iyo muran midna aan galin.
Mmusa 
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
la soco Axad walba
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com
 

SHEEKOOYIN