XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 133aad

                                                  1-Dabeecadda Aadanaha

Waa dabceecadda Aadanaha in ay mar walba wax kaa waydiiyaan qaabka aad u nooshahay, ujeedadooda wax kala maahan, waxay wataan xisaab ah halka ay qiima ahaan ku dhigi lahaayeen.

Dabceecadda aadanaha ayaa iska noqotay in qof walba qofka uu ka ladan yahay dhanka xushmadda iyo qiimaynta uga sarreeyo, sidaa darteed, haddaad aragto qof daneynaya qofka aad tahay hala yaabin xisaabtiisa ayuu wataa .

Mmusa

                                                    2-Horey u soco.
Waxaa wanaagsan mararka qaar inta aad u xayirnaa lahayd raja is baddalna ka sugi lahayd qof aanan ku fahamayn una diyaarsanayn ama isku dayeen xitaa in uu ku fahmo in aad horey uga socoto oo noloshaada qayb aadan ka siin, waqtiga ayaa barayo qiimaha aad leedahay.

Qalbigaada mar walba dhaawac qof aanan u qalmin uu dhaawacayo uma adkaysan karo, naftaadana waa in aadan u qasbin qof aanan naxariis iyo kalgacal toona u hayn.
Qiimaha noloshu ku macaantahay waa is qaddarin iyo isku naxariisasho iyo iska warqab, qof aadan intaas ku haysan ma ahan in naftaada uu qayb ku yeeshaa oo dartiis waqtigaada wacan u qarribmaa.

Xusuusnow mar walba in qof aadan ku qasbi karin in uu daacad kuu ahaadaa hadduusan isagu dooran.

Xusuusnow in qof aadan ku qasbi karin in uu kuu naxariisto ama kaa warqabo haddii uusan taas isaga garan.

Xusuusnow in qofna aadan ka dhigan karin qofka aad rabtid in uu kuu noqdo haddii uusan isagu doonayn in sidaas uu kuu noqdo.

Aniga oo daacad kuula hadlayo runtana kuu sheegayo ayaan ku leeyahay mararka qaar qofka aad is leedahay naftaada qaali ayuu ku yahay ayeyba noloshaada ku macaantahay in uu ka baxo oo la’aantiis ay noloshaada socoto.

Waa in aad u fahantaa waxyaabaha qaar in loogu tala galay in ay sidaas u dhacaan adiga oo ku faraxsanayn hadana maslaxaddaada ay ku jirto.

Naftaada ha ku qamaarin adiga oo isku dayaya wax hallaabay dib u hagaajintooda, waxyaabaha qaar waa in aad u fahantaa in aysan mudnayn dib u hagaajin balse, in la iska illaawaa ay mudan yihiin.

Wax walba sida aad rabtid uma heli karitd haddii qofka wax kula wadaagayo uusan sidaa kuula fahamsanayn,  is fahamka ayaa saldhig u ah wax walba, qofka kuugu fahamka badan waa qofka kuugu qaalisan inta noloshaada ku hareeraysan, laga yaabee in qofkaas aadan adigu sidaa u dareensanayn balse, waa xaqiiq aan la dafiri karayn.

Waan ogahay mana ahan wax aan dafirayo in mararka qaar qalbiyadeena ay u ooyaan kuwa aan noo qalmin faham guudna aan ka haysan xaaladaha aan markaa la noolnahay, laakin waa in aan aqbalnaa in dadka nuucaas ah aysan mudnayn in ay nala sii jaan qaadaan inkastoo taas fahamkeeda uu nagu adagyahay oo is waydiin badan uu qalbigeena ka keeno.
Mmusa

                                                        3-Isku xire
Mar walba waxaa jiraya isku xire xiriirsha guusha shaqsiyaddaada iyo dadaalka aad ku bixiso gaaridda hadafkaaga, bal is waydii waa maxay? Jawaabta waa kartidaada oo kaliya, inta badan aad dhabar adayg iyo dadaal dulqaad leh samaysaa waa inta aad gaarto hadafka aad tiigsanayso.
Mmusa

                                                 4-Dagaalka nafsaaniga ah
Dagaalka waa mid nuucya badan, balse dagaalka ugu badan ee qofka aadnaha uu galo ma ahan midka faraha la isi saaro, waa midka maskaxda la iskala diriro.
Isma ogid meel walba dagaal ayaa kaaga socdo, ha ahaado dagaalkaas mid kaala dhaxeeyo qoyskaaga ama qofka aad wax la wadaagayso lab iyo dhidig tuu doono ha noqdo, sidoo kale asxaab, baraha bulshada, saxaafadda kala duwan, dowladdaada iyo guud ahaan inta noloshaada ku xeeraan.
Qof walba si ayuu kuu cuuryaaminayaa, si ayuu kuula diriryaa, si ayuu u doonayaa in waxa uu doono uu laabtaada ku shubo, wuxuu kaloo doonayaa in uu si dadban kuu yeesho oo wax isaga raali galsha aad samayso, sidoo kale nolosha qaabka uu isagu kuugu jeexay in aad u noolaato ayuu doonayaa, inta badan aad qof wax uga baahato waa inta badan oo dagaalka lagugu hayo aad la liicdid.
Hadaba si dagan oo laab furan u dagaal gal adiga oo qofna cadaawad u muujin naftaada iyo danahaagana difaacanaya.
Mmusa

                                                 5-Dunida

Dunida diidmada ayaa ku badan daacadnimadana waa ku yartahay.

Mmusa 

                                                   6-Waxaa doonto same.

Waxaa doontid samee, way kaa faaloonayaan waliba faalo xun.

Waxaa doonto ahow, mar walba way ku xukminayaa, waliba xukmin qaldan ayey kugu shaabadeynayaan.

Sida aad rabto ayaga ugu wanaagsanow, mar walba way kaa shakinayaan.

Dunida diidmada ayaa ku badan daacadnimadana waa ku yartahay.

Mmusa

                                                        7-Maya

Erayaga “MAYA” waa eray aysan wada jecelayn dadka oo dhan waa eray muujiya niyad xumo iyo diidmo, balse dhabta waxay tahay eraygaas dhihiddiisa in uu noloshaada toosinteeda qayb muhiim ku leeyahay.

Is waydiintuse waxay tahay goormee ku haboom in aad adeegsato iyo halka ay tahay in aad ku adeegsato, maxayse tahay sababta aad u adeegsanayso?

Mmusa 

                                                  8-Qofna ha aamin.

Qofna ha aaminin ma ahan wax fiican, balse waxaa ka fiican adiga oo qof walba aamina hadana taxaddar ku darsada.

Abraham lincoln ayaa yiri in aad qof aaminto waa qatar, hadana waxaa kasii qatar badan in aadan qofna aaminin.

Mmusa 

                                                   9- Taxaddar

Xitaa haddaad xaq ku taagantahay micnaheeda kama dhigna in aan lagu dardareen.

Xaqa adiga oo ku taagan hadana taxaddar muuji.

Mmusa 

                                                               10-Aqoonta.

Waxay dhaheen aqoontu waa qayb loogu diyaar garoobo nolosha, anigana waxaan dhahay aqoonta iyada ayaaba nolol ah.

Qof aan aqoon lahayn Nolol ma lahan.

                                                          11-Qiimahaaga.

Qiimahaaga qofka aan garan karin waa qof jiritaankaaga xaqiraya.
Mmusa 

                                                      12-Yaa ku fakaryo sidan

Duni ilmaha dhashaa uusan caano iyo caafimaad waayin, lix jirna waxbarasho seegin, labaatan jirna shaqo la’aan noqon, lixdan jirna cayr iyo cudur la saxariirin.

 

13-Cabsida mustaqbalka.

Dunida wax walba oo noloshaada adkeeya waa cadowgaada kowaad ee la doonayo in aad ka adkaato.

Mmusa

                                                           14-Safarka Nolosha

Ma ahan in naftaada aad cadaab ugu sii haysaa cabsi aad ka cabsanayso mustaqbalka Safar marka aad galayso waa in aad ku tala gashaa caqabado badan iyo xaalad aan fududeyn, nolosha waa sidaas oo kale, sida safarkaada hadafkiisa u yahay meesha aad rabto gaar, waa in noloshaaduna ay sidaas hadaf u leedahay.

Marka aad quusato ama caqabad kusoo wajahday darteed aad u hakato waxaad ogaataa markaas in safarkaaga nolosha uu meel dhexe ku banjaray, gadaalna aadan u laaban karin horayna aadan aadi karin.

Mmusa 

                                                             15-Sida aad rabto.

Waa laga yaabaa in Alle xagiisa waxa aad rabto iyo sida aad u rabto uusan wax ku siin, balse sida uu wax kuu siiyo ayaa ah sida aad u baahantahay.

Mmusa 

                                                               16-Ha u isticmaalin

Ha u isticmaalin hadalkaaga si aad u muujiso awooddaada balse iticmaal saamaynta uu ficilkaaga waxqabadnimo leeyahay mar walba.

Mmusa 

                                                                        17-Hadalku.

Hadalku dadka wuu dhaawici karaa balse mararka qaar aamusnaanta ayaa si ka daran sida hadalka dhaawac u geysata.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN