XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 36aad                

                                IS GARASHADA MA AHAN IS DHIIBIS

Mararka qaar in aad saxdid khaladaadkaaga micnaheeda maahan in aad isku dhiibtay qofka aad ka khaldantahay, khaladka ma ahan cidda uu wax yeeleeyo qofka aad ku samaysay ee adiga naftaada ayuu wax yeeleeyaa, marka in aad garato in aad khaldantahay waa in aad horey u socotay oo horumar samaysay, ee ma ahan in aad is liidday oo isku dhiibtay qofka kaa soo horjeeda.

Garshadaada waa horumarkaaga, fahamka aad fahamtid taasna waa korid aad ka kortay dhanka Maanka. Sidaa darted, marka aad khaldantahay waa in aad garataa. raali galin ama dib u sixidna aad ku milantid khaladkaaga.

Mmusa

                                                  MAXAA KAA MAQAN?

Wax badan waxaad arkaysaa in qof ladan oo caafimaad qaba, cunaya, cabaya, xiranaya, hadana ku dhahaya nolol ma haysto, maxay tahay nolosha uu raadinayo qofkaas, xitaa Taajirka soo ma cabo, oo ma xirto, oo ma cuno, oo ma seexdo, muxuu ku dheeryahay?

Qanaacada aad naftaada ku qabto waa in mar walba ay joogta tahay, balse marka ay naftaada isku kaa tusiso in aadan waxba haysan, waa marka aad ka door bidayso adiga oo Biyo iyo badqab haysta in aad baahi iyo balaayo lugahaaga ku doonato.

Dhimashada lama hurayo, Waqti walba waa mid taagan, balse waa in aad is waydiisaa qaabka aad u dhimanayso iyo waxa aad u dhimanayso, wax ka xun ma jiraan adiga oo duni u haajiraya in aad dhimato, waa marka qiimayntaa laga sameeyo dhanka Dadk Ahlu iimaanka ah ee aaminsan Qaddarta.

Mmu

                                          QALBIGAADA NADIIFI.

Arag marka laga hadlayo dadka qaar waxaa u sawirma labada indhood oo waxay wax wax lagu arko u yaqaanaan ayaa ah indhaha, balse sidaas ma ahan dhabta, aragtida dhabta ah ee qofka waa mid kasoo butaacanta Qalbiga,  indhaha marka aysan nadiif ahayn, waxaa yaraada aragtidooda sidaas si la mid ah qalbiga, ma ahan in qalbigu uu wasaq kaa noqdaa si ay u yaraato aragtidaada gudaha, hadaba su’aashu waxay tahay maxaa lagu nadiifiyaa qalbiga, maxaasa wasaqeeya?

Jawaabtaas aniga ayaa ku siinaya. Waxaa qalbiga wasaqeeya Xaaraanta, Xasadka iyo Cuqadadda, waxaa nadiifiya qalbiga Dikriga Alle, Jacaylka, Calool fayoobida, iyo Naxariista, inta wasaqaysa aragtidiisa ayey duugaan, inta nadiifisana waxay sifeeyaan aragtidiisa.

 Mmusa 

                                                    Xalli dhibka

Dhib marka aad ku dhex jirtid ama aad aragto, waxaa kuu furan laba waddo oo kala ah in aad dhibka xalliso ama aad ka tagto halka uu ka socdo, dadkeena qaarse ma ahan labadaas oo waxaa la dhihi karaa waa kuwa qayb ka ah dhibka jira.

Dhib sidiisaba cid uu u fiican yahay ma jirto, sidaa darted, waa in la xalliyaa dhibaatada ee ma ahan in qayb laga noqdaa laguna noolaadaa, hadaba, haddaad dhib aragtid xalli, ama ka carar hana ku noolaan oo qayb ha ka noqon.

Mmusa

                                            MA ADIGAA MISE AYAGA?

Mar walba waxaa jiraya sabab ka dambaysa la kulanka dadk aad la kulantid, kulanka laga hadlayo ma ahan mid ku yimaada waqti kooban oo arrimo gaar ah la kala fushada sida ganacsi oo kale ama waxyaaba kale.

Kulanka laga hadlayo ayaa ah dadka saamaynta ku yeelan kara noloshaada, kulankooda mar walba ujeeddo ayaa ku jirta, kuwaas oo kala ah in aad dadkaas baddasho oo saamayn ku yeelato noloshooda, ama ay adiga ku baddalaan oo saamayn ay kugu yeeshaan.

Hadaba qofka saamaynta kugu yeelanaya inta uusan kugu yeelan awood ayaad u leedahay in aad iska xakamayso, balse marka uu saamaynta kugu yeesho, waa mar ay middi calool gashay, ugu yaraan dhan ayuu kuu tuurayaa dhanka ay ahaataba.

Mmusa 

                                   QALIBGA, BALANTA, AAMINAADDA

 

In qofku aamin noqdo waxay marka hore anfacdaa isaga, kadib ayay Bulshada saamayn ku yeelataa, marka qofka haddii uu aaminaadda naftiisa uusan ka bilaabin uma u gudbin bulshada kale, micnaheeda waa in uusan muujin waxa uu yahay iyo waxa uu aaminsan yahaba.

Ballan oofinta dhinac walba oo dunidan waa lagu amaanay, waxay qayb wayn ka qaadataa hor u socodka Nolosha, waana lagu hormaraa runtii, Qofka balanta oofiya mar walba wuu ka shaqsiyad wacan yahay kan burriya.

Balanta oo la oofiya waxay yaraysaa isku buuqa dadka ka dhex dhaco ama qofka shaqsiga ah ku dhaca, maxaa yeelay, qofka balanqaadka badan hadana ay ku yartahay oofinta balanta mar walba waa mid isku buuqsan oo cadaadis aan la aqoon halka ka yimid uu saaran yahay, sidaa darteed si aad u hesho Qalbi dagan, Dad ku jecel iyo naftaada oo aad is jeclaataan, ku dadaal oofinta balanta aad qaadid mar walba.

Qalbiga waa in laga ilaalshaa dhaawac kasta oo ku imaan kara, maxaa yeelay waa bart ay ay kasoo butaacanto nacaybka iyo jacaylkeena, si taa looga fogaado qalbigu maadaama uu u nugul yahay dhaawaca mar walba waxaa wanaagsan in aaminaadda iyo balantiisa oo la oofiyo lagu dadaalo, labada kore haddii la sameeyo hubaal in qalbigu uu dagayo.

Mmusa

                                   WAQTIGA IYO JACYALKA

Dadka dhanka garaadka ka hor maray waxay Waqtiga iyo Jacaylka ku tilmaameen labada ugu qiimaha badan Nooloha Caqliga leh, dhabta marka laga hadlo qof walba qof ayuu u baahan yahay oo nolosheena ayaaba ku xiran isku baahni la isku baahan yahay, hadana sidaas ay tahay waxaa jira baahi qof walba si gaar ah uu isku leeyahay waa ay kaa maqantahay, hadaba dadka garaadka leh ayaga oo kala dhigaya mid walbana xlliga ku haboon in la raadsho sheegaya ayey dhaheen raadso jacaylka kaa maqan ama aad u baahantahay marka aad waqti u hayso, taas oo marka runta laga eego qof waqti haysan uusan isku mashquulin Karin in uu wax jeclaado, maxaa yeelay, halka wax laga jeclaado waa Qalbiga, marka waa in uu jiraa waqti uu qalbigu wax ku dareemi karo waxna ku jeclaan karo, sida taas ay ku dhacaysana ay noqon karto in qalbigu uu waqti helo, sidaa darted, waa in waqti marka la haysto la raadsadaa baahida jacaylka.

Marka aad jacaylka gacanta ku dhigtidna waxa lagaaga baahan yahay ayaa ah in aad waqti siiso jacyalkaaga, maxaa yeelay, waa wax qaali ah oo caqabada badan iyo dhibaatooyin badan oo tijaabo u ah sii jiritaankiis ay ku horgudban yihiin, hadaba waa in marka Jacayl la baadi goobayo waqti la haystaa, marka jacaylka la helana waqtiga la baadi goobaa, marba mid ayaa maqan oo la baadi goobayaa.

Mmusa 

                              WAX KA WANAAGSAN MA JIRAAN  

Wax ka wanaagsan ma jiraan marka aad diyaarsato Qorshe nololeed oo aad muhiim kuugu ah hadana aad fuliso adiga oo wax dhibaato ah ama ku niyad jabsha aadan kala kulmin, waxaasa ka sii wanaagsan marka aysan ku cajab galin guushaas aad gaartay oo aad garato in halganka kugu sugaya waddoyinka nolosha uu yahay mid dhib badan oo aan la saadaalin Karin, sidaa darteed waa in aad u garataa guulaha aad gaartay in ay yihiin qayb ka mid ah Yabooha laguugu yaboohay Nolosha maankana aad ku haysaa guul darrooyin badan in ay kugu sugayaan isla waddooyinkaas lagaana doonayo in aad lahaato adkaysigooda.

Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN