XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

xf

                                                XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 15aad

                                                    U OGOLOW NAFTAADA

Waa in aad naftaada siisaa ama u ogolaataa awood ay uga gudubto wax walba oo dhibaato ku aha ha noqdaan waxyaalaha waxyaabaha la xiriira nafta dad kale ama dareenka guud uu keeno inta aysan duruufto kugu qasbin in aad aqbashaa wax badan oo aadan aqbali lahayn.

Mmusa

TALA SAARASHADA ALLE BADI

Hadduu Alle kuu qoray farxad, ma jirto cid kaa xadi ama kaa xoogi karta, wax walba waa Qaddar xaga Eebe ah iyo dadaal xagaaga ah, qalbigaada haddii loo qoro in uu jabo ama murugooda wey ahaanaysaa, ma tihid mid dadaal uu sameeyo ku joojin kara Qaddarta, awoodse waad u leedahay in aad ugu yaraan ku dadaasho tala saarashada Alle.

Mmusa

                                                QURXI ADABTAADA

Awood uma lihid samaynta quruxda qaabkaaga si dadka aad ula muuqatid mid qurux badan, waxaase awood u leedahay qurxinta akhlaaqdaada iyo edebtaada, taas ayaa kaa dhigi karta mid dadka oo dhan ay indhaha la raacaan quruxdiisa, noqo mid wanaagsan aad qurxanaatidee, quruxda waa wanaagaaga.

Mmusa

                                                             HA DULMIN

Ha hororin ama ha yasin qofna si aad naftaada u farax galiso, hana dulmin qofna adiga oo daboolaya gafkaaga, isku day mar walba in aad dhisto farxadda naftaada adiga oo ka fogaanaya dulminta dadka ama dhibaateyntooda.

                                       AADAABTA WANAAGSAN

Adaabta wanaagsan waxaa ka mid ah in aadan ku qasbin qof wax uu kaa qarinayo in uu kuu sheego, haddii uusan jeclaysan in uu kuu soo bandhigo, micnaheeda waa in aysan arrintaas ku qusayn, qofka doonaya in uu wax kula wadaago mar walba waxaas uu kula wadaagayo wuxuu u arkay in ay ku quseyso waxna aad kala qaban karto.

Mmusa

                                       WANAAJI GO’AANKAAGA

Inta badan ee aad awood u yeelato sixidda go’aanadaada waa inta badan ee aad guulaysataa, wax walba oo lagu guulaysto waxaa saldhig u ah go’aan qaadasho wanaagsaan inta badan oo aad wanaajisaa go’aamadaadana waa inta badan ee ay badataa guushaada.

Mmusa

   RUNTA IYO AMAANADA 

Kula dhaqan dadka dhaqan wanaagsan oo ay ugu muhiimsantahay runta iyo amaanada, maxaa yeelay, labadaas sifo waa labada sifo ee ugu qaalisan tilmaanta qofka, waxayna kuu suura galisaa in aad saamayn wanaagsan ku yeelato qalbiyada dadka, ogow hadda oo ha hilmaamin xisaabtana ku darso in labadaas sifo ay ahayd sifooyinkii Rasuulkeena scw .

Mmusa

                                             ADKEE DACIIFNAANTAADA

Waan ogahay in aad wax uun u taagantahay, ku dadaal waxa aad u taagantahay meel marintooda kuna qanacsanow daciifnaataada inta aad awood u yeelan wayisd oo dadaalkaaga ha noqdo daciifnaantaada sida aad u adkayn lahayd, adiga oo niyadda ku dhisanaya in Nibiriyada waaween ee Badda aysan wax awood ah ku lahayn Dhulka saxaraha ah ama dhulka aad ku nooshahay, qof walbana awooddiisa ay tahay mid xaddidan oo leh meel ay ku dhamaato iyo meel ay ka bilaabato.

Mmusa

                                     MEELEE DHIBKA MARKA HORE

Marka aad meeleeyso halka ay dhibaatada ka taagantahay, waxaad gaartay qayb ka mid ah xalka aad kusoo afjari lahayd dhibaatada, balse adiga oo ogaan xaddiga ama meelayn dhibaatada meesha ay ka timid iyo waxa ay tahay haddaad xalka raadiso, waxaad halis ugu jirtaa in aad dhibaato kale sii abuurto taas oo saamaynteeda dambe aadan mahdin.

Mmusa

                                             DURUUFAHA IYO DADKA

Duruufaha adag ma sameeyaan qofka ama wax uusan ahayn kama dhigaan ee waxa ay soo saaraan shaqsiyaddiisa dhabta ah, sidaa darteed inta duruufaha aysan kusoo saarin naftaada bal garo oo soo saar, si halka ay ka xuntahay aad u hagaajiso.

Mmusa

                                     XUSUUSNOW MAR WALBA INTAN

Haddii aad u maleysay in farxadda hebel ama heblaayo ay wax yeeleynasyo farxaddada hadaba waa khladantahay ee isi arag.

Haddii aad u maleysay ladnaanta dhanka maaliyadda ee hebel ama heblaayo in ay liddi ku noqonayso ladnaantaad waad khaldantahay ee isi sax

Haddii aad moodday caafimaada iyo xaragada hebel ama heblaayo in ay jirradaada tahay, markaas ayaaba jirrantahay ee caafimaadkaaga goobo.

Mmusa

DUCADA KU DADAAL

Hadduu ilaahey doonayo in uu ku siiyo waxa aad doonayso inta ay rabaanba hala ekaadaanee, wuxuu carrabkaaga haleeshiiyaa ducada ku saabsan arrinkaas.

Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN