XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 121aad

                                                            1-Xiriirka
Xiriirka labada qof ka dhaxeeyo mar walba waa Akhlaaqda xitaa haddii uu dhamaado xiriirkaas.
Mmusa 

                                                       2-Shahaadada

In aad wax baratay shahaado waad u qaadan kartaa balse in aad wax fahamto mar walba shahaado uma qaadan kartid.

Fahamka ma ahan sida tacliinta ama Aqoonta la barto oo kale, waa garasho aan shahaado mar walba laga qaadan.

Shahaadada waxay caddayn u tahay in aad Mutacallim tahay ama qof wax bartay tahay, balse uma ahan in aad tahay Faahim.

Mmusa 

                                                         3-Qalbiyada dadka 

Meel la dago dunida waxaa ugu wanaagsan qalbi ku jecel, hadana sidaa ay tahay qalbiyada dadka ma ahan meel lagu waarayo oo sida Janna oo kale ah, sidaas darteed, waxba ha isku daalin in aad baaqi kusii ahaato Qalbiyada Dadka.

Mmusa 

                                                          4-Qalbigaada
Ha daba socon qalbigaada mar walba, qalbigaada mar walba ha ahaado mid kaa dambeeya oo aad sidatid, maxaa yeelay qalbigu maahan mid Luga lagu socda leh.
Mmusa 

                                                     5-Nolosha
Nolosha waa mid aad adiga ku nooshahay ee ma ahan mid iyada kugu nool, sidaa darteed, nolosha ha ka quusan iyada ha quusato inta adiga ku nool aad ka quusan lahayd.
Mmusa 

                                                         6-Sabar, jacayl, farxad 

Nin sabar kaashaday nolosha kuma jabo.

Nin jacayl kaashadayna naf huris badan ayuu diyaarsaday.

Ninka farxadda la qaybsada dadka kalana wuxuu fahmay qiimaha insaanimada.

Mmusa 

                                                               7-Qofna
Qofna ha uga lulan sida geed camal maxaa yeelay dadku ma ahan sida geedka oo kale adigana ma tihid sida Daanyeer mar walba ku nool geedaha korkooda.
Mmusa 

                                                          8-Ha aaminin 

Ha aaminin waanaaga iga muuqdo, waan hubaa in wax iga xun aysan jirin marka qalbigu i xanuunayo!!!

Mmusa 

                                                             9-Cabsida

Cabsida dhimasha kaama hor istaagto ee nolosha ayey kaa hor istaagtaa.

Mmusa 

                                                  10-Farriin gudbin

In aad wanaag baahinta afka ka sheegto waxaa ka wanaagsan in dhaqankaaga laga arko.

Dhaqankaaga waa ka farriin gudbin dheeryahay waxa aad afka ka sheegato.

Mmusa 

                                                      11-Duruufo

In duruufa nololeed dartood aad ula noaato qof mar walba agtiisa aad xanuun ku dareemayso waa dullinimo tan ugu xun.

Ma jirto wax la dhaho waxaas dartood ayaan u noolaanayaa ama wax u samaynayaa.

Wax walba oo ku qancin ama ku xanuujiya xaq waxaa u leedahay in aad iska soo gunaanado, maxaa yeelay dhaxalka aad ka helayso ayaa ah mid sii abuuraya murugo iyo dullinimo kale oo noloshaada kusii joogtowda.

Mmusa 

                                                        12-Ehelnimada

Ehelnimada waa is fahamka, qofka mar walba ku fahmi karo ayaa ah kan ehelka kuu ah.

Ehel laguma noqdo wada dhalasho ama is dhalid ee waxaa lagu noqdaa is fahamka iyo isku iimaan sheegashada.

Mmusa 

                                                     13-Baahidaada

Qofka mar walba ku wanaajiya haddii aadan wanaagiisa uga abaal gudi karin waxaa ka wanaagsan in aad ugu abaal guddo mahadnaq iyo dhiiri galin waxa uu kuu qabtay, ma ahan in aad usii tilmaanto baahidaada.

Mmusa 

                                                            14-Xusuus

Haddaadan ka tagayn xusuus wanaagsan waxaa dhaanta in aadanba xusuus ka tagin, sidoo kale in aan lagu xasuusan ayaa ka wanaagsan inta xusuus xun lagugu xusuusan lahaa.

Mmusa 

                                                          15-Qalbi qurxoon

Qalbi qurxoon doorashadiisa ayaan kugu ogahay ee qaab qurxoon ha ku qaldamin.

Mmusa

                                                 16-Raja u yeel kuwa aan rajada lahayn

Guushaada waxay waxtar leedahay marka aad raja u yeesho kuwa aan rajada lahayn ee quustay.

Jacayl aad siiso kuwa cadowtinimada caadada ka dhigtay.

Khayr ugu deeqdo kuwa xaasidiinta kugu ah.

U wanaagsanaato kuwa u baahan wanaagaaga.

Mmusa 

                                              17-Qabasha ma leh

Qabasha ma leh ficilka iyo hadalka maangaabka.

Balse qofka caaqillka ah eray walba uu dhaho waa mid loo xisaabin karo.

Mmusa

                                                    18-Ha is riixin

Inta badan uu is riixaagu bato waa inta badan oo meel qaldan aad ku dhacdo.

Mmusa

                                                 19-Xoog doofaar lagu eryay 

Waad jeclaan lahayd ama jeclaan kartaa in aad wax badan wanaajiso/hagaajiso, balse qofka aad u wanaajinayso ama u hagaajinayso haddii uusan baraarug ku ahayn taas, dadaalkaga wuxuu noqonayaa xoog doofaar lagu eryayay.

Laakin in aad wax walba si daacad ah u qabatid waxay raali galisaa naftaada.

Mmusa 

                                        20-Wahelka noloshaada

Wahelka nolosha ugu macaan waa lamaanta naftaada balse waxay kasii macdahay marka lamaanta naftaada ay tahay qof caqli badan.

Wax ugu haboon ma jiraan ninka raga ah lahaanshiyaha wahel caqli iyo sabar u saaxiib ah, taas hadduu helana waxaa soo muuqato quruxdiisa iyo guushiisa.

Mnusa 

                                          21-Waaliduba marbey Janno noqotaa!!

Mararka qaar waalida waa Janno oo kale, balse inaga sidaa uma dareeno.

Waad dhihi kartaa qofka waalan nolol ma haysto, waxaasa ogaataa in noloshada dunida mid ka fiican oo murug la’aan ah uu haysto.

Muuqaalka kaaga muuqda qofka waalan ha iska ahaado muuqaal aan falcelin wanaagsan bixinayn, balse waxaad ogaataa inta adiga dambi kugu socota iyo inta culays ku saaran in aysan qofkaas ku socon saarnayna.

Mmusa 

                                                   22-Quruxdaada

Quruxdaada waa dhaqankaaga iyo dabeecaddaada.

Mmusa 

                                              23-Ugama fakarno

Sida aan uga baqano in sharafteena ay lunto ama lagu ciyaaro ugama baqano dhimashada mana uga fakarno.

Mmusa 

                                      24-Ugu deeq riyo wanaagsan

Inta dunida aad ku nooshahay ka warqabta waa in aad ugu deeqdaa riya wanaagsan oo ay kugu xusuustaan.

Mmusa 

                                  25-Aqoontu way hadashaa

Aqoontu way hadashaa xikmadduna way dhagaysataa.

Mmusa 

                                                   26-Waan ku inkaarayaa

Kkkkkkkk maanta waan kaa qoslinayaa waana ku inkaarayaa, maxaan kugu inkaarayaa ma taqaanaa? 

in inta noloshaada ka dhiman ay ilmaha kuu dhalan doona dhashaan ayaga oo qaawan.

Mmusa 

                                                   27-U noolow.

Waad dhimanaysaa waad ogtahay oo waa hubaal taas marka waqtigaada soo galo, balse waxaa nasiib darra ah in adiga oo sida aad rabto u noolaan aad dhimato.

Ugu noolow noloshaada sida aad doonto ee ku farax galisa.

Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN