XASIL OO ILA GARO Q-123 W/Q: Maxamed Muuse Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO (XIKMADO KOOBAN)

JacylkaagU ha bato: Cafiskaaga iyo jacaylkaaguba ha bataan, aaminaaddaadu ha yaraato, sidoo kalena qaladka aad dadka ka galayso iska ilaali. Aqris iyo aamus: Aqriska iyo dhagaysigaada oo ad badisaa waxay kuu siyaadiyaan cilmi iyo aqoon nafsi ah. Hadalkaaga oo yaraadaana wuxuu asturaa ceebtaada wax badan oo lagaa ogaan lahaana lagaama ogaado, wuxuuna kordhiyaa ammaantaada. Raadso: Ha raadsan qof aad rajaynayso in uu kaa dhigayo addoon, raadso qof aad agtiisa ka noqon karto boqor. Yey macna ugu fadhisaa? Inta badan oo ay ku xantaan xummaan ha u arkin waa inta badan oo ay maanka kugu hayaan kaana fakarayaan. Qof lagu mashquulo in aad tahay waxay caddayn u tahay jiritaankaaga iyo saamaynta aad leedahay, balse dabeecadda Aadanaha ayaa iska ah in haddii la xamanayo wanaaggiisa la sheego oo xummaantiisa aan la taaban, balse,, taas yey macna ugu fadhisaa marba haddaadan joogin meesha lagugu qalanayo?

Iska hilmaan: Wax kasta oo ku dhaafay waa sida ay kuu dhaafeen gadaal ha u eegin. Ka taxaddar sida waxa wanaagsan ee kuu soo muuqda aysan kuu dhaafi lahayn ugana faa`iidaysan lahayd. Dhibkiisa ayuu ku fakaraa: Qofka marka uu naftiisa kaliya ka fakaryo waxaa u muuqanayo dhibka haysta iyo caqabadaha uu kala kulmo nolosha, maxaa yeelay, waa waxa kaliya ee uu ka fakarayo. Ha caroon: Haddii aad u oggolaato dadka qaar in ay kaa careesiiyaan waxaad oggolaatay in ay kaa guulaystaan. Ma ogtahay in carada ama xanaaqa qaabka ay wax u daaweeyaan uu yahay mar walba qaab aan wanaagsanayn. Rasuulkeena Csw run buu ku sheegay marka uu yiri: “ha caroon, ha caroon, ha caroon”. Ha qasbin: Saddex haddii ay jabaan ha isku qasbin. Qalbi kaa jabay ha isku qasbin. Qof qatar ku galshay ha qasbin. Kalsooni luntayna ha qasbin soo celinteeda. Xalka kaliya ee saddexdaan aad uga guul gaari karto waa adiga oo abuura kuwa cusub, micnaha dib u soo billow wax walba.

Waa ii dhammaatay! Iyada oo muddo ilma raadis ahayd ayaa lagu beeray ilmo, qarash badan ayaana ku baxay beeriddaas, in sidaa la sameeyana ammin ayey ku qaadatay in ay u calool galaan. Kadib markii ay ku guulaysatay in ay hesho wixii ay doonaysay oo ay wallacday ayey u dirsatay ninkeeda oo shaqa kasoo rawaxaya jallaato in uu u keeno. Nasiib darro guriga ayuu yimid isaga oo soo hilmaamay jallaatadii, markii uu dhunka is yiri islaantiisa ayey waydiisay jallaatadii, in uu soo hilmaamay ayuu u sheegay, kadib waxay ku qasabtay in uu laabto oo jallaatada keeno kor iyo hoosba. Nin samir badan ayuu ahaa, isla markiiba wuu laabtay gaarigiisa ayuu furaha ku rogtay jaallaatadiina waa soo qaaday, isaga oo waddada kula soo jiro ayuu gaarigii shil la galay halkaas ayeyna ku qurbaxeen isaga iyo jallatadii uu siday. Iyada oo si fiican u fadhiiisatay calooshana salaaxayso ayuu teleefonkeedu soo dhacay waa isbitaalka ninkaaga ayaa shil galay fadlan kaalay ayaa lagu yiri. Isla markiiba iyada oo nafta ka socoto ayey sii gaartay, nasiib darro markii ay hubsatay in uu ka hadaafay dunida ayey naxdin darteed iyadana soo xoortay ilmihii qarashka badan uga baxay, sidaasna ku waysay ilmihii lagu beeray iyo ninkeedaba. Sariirta isbitaalka markii ay kasoo kacdayna hadalkeeda wuxuu ahaa waa ii dhamaatay 43 sano ayaan jiraa ninna ma haayo ilmana ma haayo, nolol kalinnimo ayaa i sugaysa!.

Noqo sida aad tahay:

In aad tartan gasho ama qof sida uu yahay noqoto dunida sababta laguu keenay maba ahayn. Xusuusnow in kaligaa lagu abuuray, qofna aan laguu ekaysiin, laguna dhihin qof ku dayo, waxaa lagu yiri: noloshaada adiga ayaa iska leh, laba wadda oo midna xuntahay midna wanaagsantahayna waa laguu sheegay, midda aad rabto qaado. Adiga qof kula mid ah lama abuurin, waxaa tahay qof loo abuuray si ka duwan dadka kale, sidaa darteed, qofna ha u ekaan hana isku ekaysiin ee noqo sida aad tahay. Dastuur la iskuma fahmi karo! Hadal sidiidaba waa margi, halka loo qaado ayuuna noqdaa, qofka dhahaya ama dhigaya ujeeddo ayuu u dhahaa ama u dhigaa, balse, qofka loo dhigayo ama lagu dhahayo isagana si ayuu u qaataa taas ayaana keenta qilaafka mar walba ka dhex jira laga billaabo labada qof ee hadalka midna yiri midna loo yiri una sii gudubta malaayiin qofood. Umaddu isku faham maahan isku ujeeddana maahan, isku meelna uma wada socon karto, isku aragtina kama noqon karto hal wax, waana taas tan keenta kala duwanaanta mar walba taagan iyada uu qof walba ku adkaysanayo ama caddaynayo in uu isagu saxan yahay waddada toosanna uu ku taagan yahay. Waxaan intaas usoo garguuranayay ayaa ah in dastuurka dalkeenna ee maalin walba kooxi la taagantahay warbaahinta leedahayna waa lagu tuntay kii lagu eedaynayay in uu ku tuntayna taagan yahay in uu isagu yahay kan ilaalinaya waxa uu ka difaacayana ay tahay kuwa isaga eedaynaya. Haddaba waxaan is waydiiyay dastuurka soo ma ahan mid meel ku qoran oo af lawada yaqaan ku qoran, qof walbana qayb qormadiisa ka haysto, haddi ay sidaas tahayna maxaa keenay qilaafka? Mey isku aqriyaan qodobbada markaas la isku qilaafsan yahay inta bulshada iyada uu qof walba leeyahay anaa saxsan kan kalaa qaldan la hor imaanayo.

Aniga oo waydiintaas igu taagantahay ayaan subxii dambe salaadda subax markaan tukaday kala furay kitaab quraan oo markaas aan aqrisanayay, si lama filaan ah ayey iigu soo dhacday in quraankan aan aqrinayo qaab aqriskiisa aan la isku qilaafin oo inta muslimiin dunida ku nool isku si u aqristaan, balse, la isku qilaafay qaabka loo fasirayo taas oo qof walba sida uu doono u fasirtay. Waydiintayda ayaa sii socotay haddii diintu hal tahay quraankuna hal yahay maxaa keenay madaahibtan faraha badan ee is daba yaacaya iyo Urur diimeedyadan midba dhinac ka haysto darafka kuna doodayo in aan isaga laga saxsanayn. Waxaa ii soo baxday; in wax la isku raaci karo aysan jirin oo waxa la qortay ilaalintooda ay ka muhiimsantahay is fahamka, fahamkuna uu yahay waxa kala qaybiya umadda oo muranka dhalsha. Waxaa la dhihi karaa cid dastuur qilaaftay ma jirtee, dastuurka ayey qolaba si u fahamtay, marka qolo qaldan ma jirtee xalka waa is faham darrada ee maa is fahamka la raadiyo?
Mmusa  

Kalluumaysatada: “Kalluumaysatadu waxay Alle ka baryaan in uu kalluunka indhaha tiro si uu shabaagta ugu soo shubmo; kalluunkuna wuxuu Alle ka tuugaa in uu kalluumaysatada aragga tiro si ay shabaagaha meel qaldan u dhigtaan, balse, Eebbe maadaama uu kalluunka iyo kalluumaysatada labadaba Ilaah u yahay, kol wuxuu maqlaa ducada kalluumaystaha, kol kalena ducada kalluunka, sidaa awgeedna maalin waxaa la qabtaa kalluunka, maalin kalena waxaa qada kalluumaystaha.” Nikos Kazantzakis “Haddii Eebbe dadka ducada ka aqbali lahaa dunida dad laguma arkeen, maxaa yeelay, weligeed iyo waaqeed dadka qaarba qaar buu habaarayey.

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN