XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 124aad

                                                1-Siriqda Haweenka 

Ragu dumarka mar walba waa u dabacsan yihiin xaalad walba oo markaa lagu jiri karo.

Dareensiinta farxadda dhinacyada kala gaddisan laga dareensiinayo iyo safar raaxo leh oo cirka loola aado waa intaas inta haween walba laga doonayo haddii ay doonayso in ninka ay doonayso ay sida ay rabto ka yeelato ama ay u addoonsato.

Ragu waa kuwa leh daciifnaan xaga muuqaalka dumarka, waxa ugu fudud ee ay haweeney ku qayaani kartana waa muuqaalkeeda sixirka ah qaabka ay u adeegsato.

Haddii haweenayda ay doonayso in ay sixirka muuqaalkeeda ku qabsato ninka ay doonayso waa in ay isticmaashaa sixirka jirkeeda ee uusan sinnaba iskaga caabin karin iyo codkeeda macaan ee dareenkeedu ku laran yahay, intaas haddii ay kulanasato waa hubaal in uu ku dhacayo dabinkeeda, mana baxsan karo.

Mar haddii uu siriqdaas ku dhacana waxaa si tartiib tartiib ah u bilaabanaya burburkiisa.

Hubaal nin haween dabinkeeda ku dhacay micnaha laga awood batay in uusan sinnaba u waareen oo aakhirka uu dhimanayo.

Haweenka in wax laga doono ma jecla ee in wax lala wadaago ayaa looga bad baadaa, mar haddii aad wax doon tahay waa siriqda ay kula raadinayaan marka aad ku dhacdana waad iilatay oo waa kuu dhamaatay soo laabashana ma lihid.

Haweenka waxay leeyihiin awood aysan waligood kuugu muujin waxa ay yihiin, haddii ay awooddaas adeegsatana waa hubaal in ninka shabaqaas ku dhacaaa uu la mid noqonayo nin badda isaga oo dabaalanaya ku dhacay Shamaag, dhan uu uga baxsadana aysan jirin, wuu hirqanayaa ilaa uu ka naf baxo.

Mmusa 

                                         2-Dhaawac ayaan la noolahay

Waxay dhaheen wixii dhacay dib ha u eegin haddaad rabto hor u socd, dhabtase in ay sidaas ahayn ayaan dareemayaa.

Oraahdaas qofka dhahay wuxuu ahaa qof naftiisa ku dhiiri galinaya in ay iska hilmaanto dhaawacya badan ay soo martay dhabtuse aysan ahayn in aysan hilmaami karin.

Dadka qaar ayaa ah kuwa ku nool dhalanteed iyo dhiiri galin been ah oo ay naftooda aalaaba u sheegaan.

Sidee ku dhici kartaa in dhaawac ama dhib jirkaaga ama qalbigaada ku yaal aad ka soo qaado in uusan xanuun kugu hayn.

Nabar muuqdo waa run waa la dhayi karaa wuuna raysan karaa, balse midka aan muuqan ma raysto xanuunkiisana waa mid joogto aad ula nooshahay.

Naftayda wax badan ayey tabanaysaa nolol aanan gacantayda ku samaysan sababteedana aanan waxba ku lahayn ayaa la igu qasbay ilaa maantadan la joogo xanuunkeeda ayaan la noolahay mana u malayn karo in aan hilmaami karo.

Dhabtu waxay tahay dhaawacyada qalbiga kaa gaara in aysan bogsan balse si ku meel gaar ah loola noolaado xanuunkooda.

Nolol fiican waan haystaa hadda balse taas macnaheeda maahan in aan tii hore ku hilmaamay.

Ikraan Cali ayaa sidaas farriin iigu soo dirtay.

Mmusa                     

                                        3-Bulshada xiran iyo tan furan.

Siday ahaataba, culumada bulshada oo uu ugu horreeyo feylasuufkii Karl Popper (1902- 1994), waxay ka hadlaan waxay ugu yeeraan bulsho furan iyo bulsho xiran. Bulshada furani waxay la mid tahay biyo socda, tan xiranna waxay la mid tahay biyo fadhiya. Bulshada xiran waa midda aan isbeddelka oggolayn, oo wax kastaa agteeda ay sugan yihiin –siyaasad, saynis, diin, dhaqan, iqk. Bulshada furanna waa midda aan isbeddelka dhibsan ee u aragta in uu yahay dabeecadda koonka iyo waxa horumarka keena. bulshada xiran waxaa ku badan baqdinta iyo waxyaabaha lama taabtaanka ah, qofka la noolina wuxuu noqdaa neef xayn duunyo ah la daaqaya, oo hadba dhankay u didaan ula didaya (=Tolkaa iyo kabtaadaba waa lagu dhex jiraa). Bulshada furan qofka waa u kala caddahay waxa la wadaago iyo waxa qofka u goonnida ah.

Cabdisiciid cabdi ismaaciil

                                                4-Waa cusub

noloshu waa Webi socda oo si joogto ah isu beddela. Quruxda iyo wanaagga noloshuna wuxuu ku jiraa isbeddelkeeda, oo haddii aan habeen jirin dharaarta lama qiimeeyeen, haddii aan cudur jirinna caafimaadka lama qaddariyeen, haddii aan dhimasho jirinna dhalashada laguma farxeen. 

Si dunida loogu noolaadana, waxaa loo baahan yahay in isbeddelkeeda la la qabsado. Mar kale, Hiraqliidis wuxuu yiri: “In aan helo hal fikrad oo aan hal walax ku beddelo, ayaan ka jeclahay hantida dunida taal oo dhan.”

Waa cusub ——-> nolol cusub ——> aragti cusub.

Cabdisiciid cabdi ismaaciil

                                                   5-Quruxda iyo dhaqaalaha

Dadka si guud waxay uga simam yihiin jacaylka ay u qabaan quruxda iyo dhaqaalaha.

Laakin fahamka quruxda iyo dhaqaalaha la wada raadinayo sida uu u egyahay ayaa lagu kala duwanyahay.

Maxaa u taqaanaa Qurux, maxaase u taqaan Dhaqaale?

                                              6-Sida aad rabto.
Waa laga yaabaa in Alle xagiisa waxa aad rabto iyo sida aad u rabto uusan wax ku siin, balse sida uu wax kuu siiyo ayaa ah sida aad u baahantahay.
Mmusa 

                                                7-Riyo iyo Hammi

In aad riyootaa waa in aad hammisaa, in aad hammisaana waxay ka dhigantahay in aad u dhaqaaqday dhanka guusha.

Mmusa 

                                 8-Xaaladaha xun yeysan soo saarin xumaantaada.

Ahow qofkii wanaagsanaa ee Alle abuurtay mar walba, daganaantana ku dadaal.

Mmusa 

                                  9-cabsida meel yeysan noloshaada uga yeelan.

Wax walba oo la gaaro isku day ayey ka bilowdaan, cabsida meel yeysan noloshaada uga yeelan , isku daygaada ha bato, gaariddaada way badanaysaa insha allah.

Mmusa 

                                              10-dhaqaaqa

Dhaqaaqa aad samayso ayaa go’aamiyo waxa aad calfan doonto.

Mmusa 

                                       11-Niyad wanaaga waa naruurada noloshaada.

Shaqadana waa sharaftaada.

Labadaas ku dadaal, macaanka nolosha waad helaysaa.

Mmusa 

                                  12-Meeshaada ayaad taagnaanaysaa

Haddii aadan tallaabo horey u qaadain meeshaada ayaad taagnaanaysaa.

Mmusa 

                                               13-Doono

Waxa aad doonayso waa la doontaa.

Mmusa 

                                     14-waxa aad qabsan doonto

La tag sariirtaada qanaaco aad ku qanacsantahay waxa maanta kuu qabsoomay, kalana soo toos subixii go’aan geesinimo leh oo ku qotoma waxa aad qabsan doonto maalinta ku xigta.

Mmusa 

                                          15-Saddex sirrayso

1-Jacaylkaa

2-Dhaqaalahaaga

3-Ficilkaaga.

Mmusa 

                                   16-Wax walba oo aad u dhibtootid

Wax walba oo aad u dhibtootid samayntooda waa wax aad ku raaxeysato marka aad soo gunaanado samayntooda.

Mmusa 

                                           17-Qasab dalab!!
Wax walba in qalbiga laga sameeyo ayaa wanaagsan quruxda afcaasheenana waa mid taa ku jirta.
Ma ahan in qof aad ku qasabtaa in uu kuu sameeyo wax naftaada ay jeceshayay balse tiisa aysan rabin.
Quruxda waxa la isku sameeyo ama la isi siiyo ayaa ah waxa qalbigu garto, garasha qalbi haddii aysan jirin ma jirayso wax laguu sameeyay oo qasab aad ku dalbatay oo dhadhan yeesha.
Mmusa.

SHEEKOOYIN