XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 125aad

                                           1-Aamusnaanta
qof walba oo aamusnaan badan macnaheeda maahan in uusan hadalka awoodin.
Waxaa jira qof u aamusan in uu ka fogaado darteed in qof kale uu hadalkiisa ku dhaawaco.
Sidoo kale waxaa jira qof aamusnaanta nafis u tahay oo laga yaabo inta badan uu hadlo ay u noqoto in badan uu xanuunsado. Sidoo kale waxaa jira qof is dhahaya hadalka badan macna kuuma saaidinayo.
Sidoo kale waxaa jiro qof aamusa xilliga uu xanaaqo si uusan hadal xun u dhihin qofka uu u xanaaqay oo laga yaabo in uu yahay qof ku dheer oo wax badan kala dhaxeeyaan.
Mmusa

                                           2-Sharaf u dhimasho

Sharaf u dhimasho qiima ma lahan marka aad liidato.
In aad is dhiibto ayaa dhaanta si aad jaanis kale oo kusoo kabsato aad u hesho inta aad god gali lahayd.
Mmusa 

                                          3-Dalbashada waqtiga
Waqtiga ayaa ah kan na bara mar walba xaaladaha xalkeena ku jira.
Dunida maanta aan ku noolnahay waa mid naga dalbaysa sabar, aamusnaan iyo is moogaysiis si nafteena u badbaado.
Mmusa

                                               4-Xaqiiqda naftaada.
Ma ahan in aad naftaada u sheegto wax aan dhabta ku salaysnayn balse dareenkaaga nafsnimo uu jecelyahay. Dhabta nolosha waa lama huraan in lagu noolaado wixii xun in ay xun yihiin u daa.

waxba naftaada ha ku qasbin in wax xun aad wanaag u ekaysiiso, sidoo kale qofka ku karaameeya karaamee kii ku liidana liid oo iskala weynow waxna hala wadaagin.
Mmusa

                                           5-Qaacidada naftaada
Wax kasta oo farax galin noloshaada waa in ay noqdaan wax aadan noloshaada ku qasbin oo ka saartaa muhiimad kaste ha lahaadaan.
Marnaba naftaada ha ku qasbin wax wawal ku beera, qaaciddada noloshaada ha noqoto waxaan i farax galinayn iskuma qasbayo.
Mmusa.

                                        6-Dareen gudbin
Ma lihin doorasha aan qofka aan rabno ku nacno kaan rabnana ku jeclaano, waa dareen saamayn leh oo ka dhasha dareenka dadka nolol ahaan nagu xeeran  iyaga ayaa inagu beera sidaas ayaana iskugu gudbinaa.
Mmusa

                                           7-Laba hadiyadood
Saakay dhamaanteen laba hadiyadood oo qaali ah ayaan kala furnay!!
Waad la yaaban tihiin soo maahan waxa aan ka wado, wax kale maahan dhamaanteen laba indhood aan leenahay waxna ku aragno  ayaan kala furnay, soo hadiyad qaali ah maahan?
Mmusa 

                                    8-Hebel waa xun yahay!!
Waxaad maqashay iyada oo la leeyahay hebel waa xun yahay markaas ayaad adigana hebelkaas nacday umaddii kalana ugu sii sheekaysay in hebel oo aadan arkin uu xun yahay, waa nacasnimo tan ugu xun.
Mmusa

                                          9-Yaa kuu qalma?
Qofkii qalbigaada wax wanaagsan ku dhex samaystaa ayaa ah qofka kuu qalma.
Mmusa

                                                 10-Nafsiyan
Qofkii raba in uu kuu soo dhawaada wuu kuu soo dhawaan karaa.
Qofkii raba aragtidaada wuu kuu imaan karaa kuna arki karaa.
Qofkii doonaya maqalka codkaaga wuu kula soo xiriiri karaa.
Dhamaan intaan waa xaalado aysan duruufta reebi karin balse nafta haddii ay doonto ay samayn karto.
Mmusa

                                   11-Siyaasadda lugooyada

Siyaasadda lugooyada waa mid kooban, dadka wadana waa kuwa kooban, waxa ay qabtaan iyo qaabka ay u qabtaana waa koobantahay, balse intan ayaa u asal ah.
Qabyaalad
Musuq
Khilaaf dhexdooda ah
Is aqbalid la’aan 
Ismagacaabid kooban
Isdiid joogta ah 
Ixtiraam darro
Damiir xumo

Calqigaada
Wax walba oo qabanayso waa in aad ka eegta dhanka munaafacaadkaaga iyo sida aad uga faaiidaysan kartid.

Seefta haddii aadan ka qabsan salka dambe oo ka qabsato dhanka ay sakiinta ka tahay taas macnaheeda waa in aad naftaada qatar galiso balse marka aad ka qabsato halka ay tahay in laga qabsado naftaada ayaad ku difaacan kartaa.

Cadowgaada waxaa jirto xeelad aad uga fiidaysan karto isaga oo cadowgaada ah, caqligaada si dagan haddaad u isticmaasho wax badan ayaad ku qabsan kartaa taasise waxay ku xirantahay heerka uu gaarsiisnaan karo wax fahamkiisa iyo wax aragiisa.
Mmusa

                                            12-caqabadaha

Caqabadahaaga oo yaraada waxay ka dhigantahay korriimadaada oo caajis gasha, si la mid ah cadowgaada oo yaraada waa foojignaantaada oo hawada ka sii baxda, qofka marka uu foojignaanta ka dhintana waa jirkiisa oo difaaca ka dhintay, isaga ayaa si uusan dareemayn iskugu dhameynaya oo is dilaya.
Mmusa

                                        13-cadowgaada

Cadowgaada marka aad saaxiibka ka dhigtid soo ma aadan burburin?
In aad caqabadaha hortaagan noloshaada iska hor wareejiso uma baahna in aad naf goyso ama deegaan burburiso, mararka qaar caqligaada oo si fiican uga shaqaysiiso ayaa xalka noqon kara.
Mmusa

                                             14-Bal is eeg!!!
Qofna ha isku mashquulin.

Qofna ha daba ordin.

Waqtigaada ha lumin.

Naftaada wax badan ka baro.
Awoodaada iyo daciifnaantaada kala garo.

Hadafkaaga daba carar.

Qiimahaaga garo.

Naftaada wax u kordhi.

Isla xisaabtan dhab ahna naftaada la samee.
Mmusa

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN