XASIL OO ILA GARO (XIKMADO KOOBAN) Q-126AAD W/Q:-Maxamed Muuse Sh. Nuur

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Q-126AAD

                                       Umad la yaab leh!
Waxaynu nahay ummad kooda guul darraysta guul u raadisa, kooda guulaystana in uu guul darraysto ku dadaasha. Qasaar iyo dhibaato: Laba sabab oo kaliya ayey ku dhacaan qasaarada iyo dhibaatooyinku;
1: in aad samaysaa wax aadan ka fakarin.
2: iyo in aad ka fakartaa wax aadan samaynayn.

Erayga “Beenlow” iyo Saxaafadda:


Sideedaba siyaasi laguma yaqaanno daacadnimo oo mar walba wuxuu ballan qaadaa wax uusan fulin karin, wuxuu sheegtaa wax uusan ahayn, wuxuu tilmaama wax macaan, balse, aan xaggiisa laga dhadhamin, wuxuu noqdaa wax uusan u muuqan, siyaasi sidiisaba waa tuug af macaan beenna ehel u ah. Madaxweyne Nixon waxaa lagu xasuustaa fadeexaddii Watergate sidoo kale Bill Clinton isagana wuxuu ka been sheegay xiriirkii kala dhaxeeyay Monica Lewinsky labadii sano ee madaxweyne Donald Trump uu madaxweynaha ahaana Washington Post ayaa soo warisay in uu been sheegay in ka badan 8,000 waa siddeed kun oo jeer. Talevishinka CNN shalay cinwaan uu soo qaatay ayuu ku yiri: “ma ogtahay in Madaxweyne Trump uu been sheego maalintii in ka badan inta aad farahaaga xasho ama dhaqdo. Ku darso marka intaas jeer ay siyaasiyiinta soomaalidu been sheegeen ballan qaad been ahna noo sameeyeeyn, tan iyo markii la waayay dowladdii dhexe ee soomaaliya 1990 kii ilaa maantadan madaxweyna walba oo noo yimaado waxyaaba badan oo ayuu noo ballan qaadaa waxna kama fulaan waliba wax badan. Aan tusaala gaaban ku siiyo, waxay dhammaan ka wada simanaayeen soo celinta qarannimada iyo ammaanka dalka gaar ahaan Muqdisho bal is waydii maxaa ka fulay taas 29 kii sano ee la iska daba wareegayay? Sidaas oo ay tahay haddana waa dhif in la arkaa cinwaan loogu yeerayo madaxweyne ummadeed beenlow, sababtaasi maxay ku dhacday?

Marka ugu horrayso aan is waydiinno waxa ay la macna tahay in been la sheego?

Erayga been waa erayga marka naxwa ahaan la macneeyo ficil iyo magacba wada yeelan kara, waa eray labada dhinac dhinicii loo dhigaba ku qaabaysan oo loo isticmaali karo. In been la sheego waxay la macna tahay in runta la qariyo ama laga cararo iyada oo la ogyhay in waxa lagu hadlayo ay been yihiin qofka ku dhawaaqayana uu ogaal ahaan u samaynayo. Haddaba marka uu qof been sheegayo ma ahan oo kaliya in uu nala wadaagayo beentiisa ee waa in uu doonayo in aan run u aaminnaa beentiisa, qofka haddii uu beenta mar walba ka caada yeesho nafsiyan isaga xitaa wuxuu aaminayaa in uu mar walba run sheegayo oo naftiisa ayaa qabatimayso wax aan jirin salna lahayn, marka maba jirayaan wax u kala soocma run iyo been, qofka nuucaas ah magaca aan u yeeli karno ayaa ah beenlow.

Hadaba maxay saxaafaddu u isticmaali la’dahay erayga beenlow?

Sababta ugu weyn ee saxaafaddu uga fogaato isticmaalka erayga “beenlow ayaa lagu macaneeyaa in ay tahay in ay ku adagtahay ku xukminta shaqsiga beenta sheegay maadaama uu yahay shaqsi awood ku dhex leh bulshada iyo ayaga oo aan isla markaas caddayn u heli karin in been la sheegay xitaa haddii loo hayana qiyamka qofkaas awoodda leh ayaan u saamaxayn, marka waa duni caddaaladdeedu ay sidaa tahay iyada oo qofka waxa uu yahay la ogyhay in haddana bulshada aan loo sheegin loona sheegi karin sabab dhab ah oo taas looga maarmayna aysan jirin.

Ayaga oo macnaynaya beenta sida ula kaca ah loo sameeyo si bulshada loo marin habaabiyo ayey waxay u yeeleen macna kale oo ah in haddii qofkaas beenlow la dhahaa ay la mid tahay in aad ogayd wax walba uu sheegayay sababta uu sheegayay iyo ujeeddada uu ka lahaa taas oo ah wax aad u adag marka macna ahaan la sifaynayo, sidaas darteed ayey ka digeen kula dag dagidda qofka siyaasiga ah in lagu sheego beenlow maadaama xaalada badan oo adag uu dhex jibaaxayo, si kale ayaga oo qiil u yeelaya ayeyba dhaheen: “siyaasad sideedaba waa marin habaabin iyo been la qurxiyey” Marka waxay uga digeen saxaafadda in ay marr walba ku dag dagto gunaanadka iyo sifaynta waxa shaqsiga afkiisa markaas ka baxaya.

David Greenberg oo ahaa professor taariikhda iyo saxaafaddaba ku xeel dheer waxna ka dhigayay jaamacadda Rutgers University isla markaana ahaa mid wax ka qora siyaasadda iyo saxaafaddaba ayaa sanadkii 2017 dood uu qayb ka ahaa ku sheegay haddii saxaafaddu u adeegsato Madaxweyne erayga “beenlow” ay saxaafaddu ku tahay mid xadkeeda gudubtay. Ma ahan in ay taas dhacdaa mana ahan in ay waligeed dhacdaa oo xitaa lagu fakaro. Isaga oo dib eegaya baaritaanna ku samaynaya sida ay saxaafaddu ula falgashay waqtigii fadeexadda ayuu yiri: “iyada oo wax kala caddaadeen waqti ay dowladda Nixon ugu dadaashay si aan horey loo arag in ay u xakamayso saxaafadda xannibaad badanna u saartay si loo qariyo fadeexaddaas ayey ahayd waaga kaliya ee taariikhda dunida lagu arkay saxaafad ku sheegaysa Madaxweyne dal dhan in uu beenlow yahay. Haa waa run beenlow ayuu ahaa haddaan sharciga iyo anshaxa saxaafadda ayaan dhigayn in la adeegsado eraygaas, balse, waan fahmi karnay xilligaas sababta saxaadaddu u adeegsatay eraygaas aargudasho ayey ahayd ayuu ku macneeyay.


Haddana intaas oo dhan ayada oo ay jirto oo caddaymo dhan walba ah lagu hayay Madaxweyne Nixon ma ahayn in Erayga Beenlow la adeegsado ee waxaa ka wanaagsanayd ayuu ku doodayaa in erayo kale la adeegsado”. Greenberg isaga oo dooddiisa sii wata ayuu yiri “xilligan la joogo sida saxaafaddu isku xakamaysay aad ayey u wanaagsantahay isaga oo tusaale u soo qaatay sida loo maareeyo beenta ay hadda sheegaan madaxda caalamka sida Trump iyo kuwa kale ee la midka ah inkastoo xoogaa loo fasiran karo in arayga Beenlow adeegisgiisa madaxdaas looga cabsanayo intaa la adeegsan lahaana la adeegsado hadda ‘Been iyo war aan run ahayn iyada oo aan waxba loo dhibin shaqsiyadda qofka madaxda ah.

Ma qasab baa in saxaafaddu isticmaasho erayga beenlow?

January 21, 2019, the Washington Post ayaa soo warisay in MadaxweyneTrump uu labadii sano ee uu xilka hayay been ka sheegay dhaqaalaha, Muhaajiriinta, Ganacsiga, Siyaasadda Dibadda iyo arrimbada badan oo kale iyada oo beentiisa cadad kusoo koobaysa ayey tiri : “madaxweynuhu wuxuu been sheegay made 8,158”. Hal tusaale ayey soo qaadatay Washington post waxay ku sheegtay bishii March 2019, uu madaxweyne Trump si qaldan ugu sifeeyay Patrick Moore, oo ahaa nin si dadban ugu lug lahaa dhaqdhaqaaqa Hay’ad markaas lagu magacaabayay Greenpeace, in uu ka mid ahaa Aas aasayaasheeda isaga oo markaas tilmaamayay in cimilada is baddashaa ay tahay mashruuc ay hay’addaas ku qaraabto wax hawa kululaataan aysan jirin. Greenpeace isla markiiba hadalkaas Trump jawab degdeg ah ayey ka bixisay iyada oo caddaynaysay in Moore uusan ka mid ahayn aas aasayaasheeda, balse, taas waxba kama baddalin xaqiiqda in dad badan ay rumaysteen marin habaabinta Trump.

                               Hadal sidiisaba kuma dhaawaco:

Hadal sidiisaba kuma dhaawaco hadduusan ka iman qof qaali ku ah qalbigaada. Hadallada ka soo baxa qof noloshaada qayb ku leh ayaa mar walba ku dhaawici kara. MILGO: Mararka qaar in aan dhab u qiranno dhabta laabteena way xanuun badantahay inaga oo u baqanayna sharafta ubadkeeNna iyo waalidkeenna. Is waydiintu waxay tahay sharaftaada iyo tooda tee baa muhiimsan?.

W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN