XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 127aad

                                         1-U diyaarsanaan
Qalbigaada wax uusan u diyaarsanayn ma qaato mana aqbalo, sidaa darteed naftaada been ha ugu sheegin marka wax kugu dhacaan ay natiijadooda kula xumaato in aad dhahdo uma diyaarsanayn, waad u diyaarsanayd waana aqbalsanayd dhabta waa taas.
Mmusa

                                            2- dhagarta

Dhagarta Aadanaha aad ayey u darantahay meel aadan ka filayn ayeyna kaa jirtaa, dad ayey tahay si ay u noolaadaan in ay wax dhagraan oo dad kale dhibane u noqdaan dhagartooda sidaana maleeynaya in ay ku helayaan baraaraha noloshooda.
Mmusa

                                        3- Is waafaqid

Waa in aan fahanaa oo isku raacnaa in aanan mar walba is waafaqi karin, xaqiiqduna ay tahay in qof walba laabtiisa cid baddali kartaa waxa ku jira aysan jirin.
Mmusa

                                       4-Dabeecadda Aadanaha

Waa dabceecadda Aadanaha in ay mar walba wax kaa waydiiyaan qaabka aad u nooshahay, ujeedadooda wax kala maahan, waxay wataan xisaab ah halka ay qiima ahaan ku dhigi lahaayeen.

Dabceecadda aadanaha ayaa iska noqotay in qof walba qofka uu ka ladan yahay dhanka xushmadda iyo qiimaynta uga sarreeyo, sidaa darteed, haddaad aragto qof daneynaya qofka aad tahay hala yaabin xisaabtiisa ayuu wataa .

Mmusa

                                            5-Horey u soco.
Waxaa wanaagsan mararka qaar inta aad u xayirnaa lahayd raja is baddalna ka sugi lahayd qof aanan ku fahamayn una diyaarsanayn ama isku dayeen xitaa in uu ku fahmo in aad horey uga socoto oo noloshaada qayb aadan ka siin, waqtiga ayaa barayo qiimaha aad leedahay.

Qalbigaada mar walba dhaawac qof aanan u qalmin uu dhaawacayo uma adkaysan karo, naftaadana waa in aadan u qasbin qof aanan naxariis iyo kalgacal toona u hayn.
Qiimaha noloshu ku macaantahay waa is qaddarin iyo isku naxariisasho iyo iska warqab, qof aadan intaas ku haysan ma ahan in naftaada uu qayb ku yeeshaa oo dartiis waqtigaada wacan u qarribmaa.

Xusuusnow mar walba in qof aadan ku qasbi karin in uu daacad kuu ahaadaa hadduusan isagu dooran.

Xusuusnow in qof aadan ku qasbi karin in uu kuu naxariisto ama kaa warqabo haddii uusan taas isaga garan.

Xusuusnow in qofna aadan ka dhigan karin qofka aad rabtid in uu kuu noqdo haddii uusan isagu doonayn in sidaas uu kuu noqdo.

Aniga oo daacad kuula hadlayo runtana kuu sheegayo ayaan ku leeyahay mararka qaar qofka aad is leedahay naftaada qaali ayuu ku yahay ayeyba noloshaada ku macaantahay in uu ka baxo oo la’aantiis ay noloshaada socoto.

Waa in aad u fahantaa waxyaabaha qaar in loogu tala galay in ay sidaas u dhacaan adiga oo ku faraxsanayn hadana maslaxaddaada ay ku jirto.

Naftaada ha ku qamaarin adiga oo isku dayaya wax hallaabay dib u hagaajintooda, waxyaabaha qaar waa in aad u fahantaa in aysan mudnayn dib u hagaajin balse, in la iska illaawaa ay mudan yihiin.

Wax walba sida aad rabtid uma heli karitd haddii qofka wax kula wadaagayo uusan sidaa kuula fahamsanayn,  is fahamka ayaa saldhig u ah wax walba, qofka kuugu fahamka badan waa qofka kuugu qaalisan inta noloshaada ku hareeraysan, laga yaabee in qofkaas aadan adigu sidaa u dareensanayn balse, waa xaqiiq aan la dafiri karayn.

Waan ogahay mana ahan wax aan dafirayo in mararka qaar qalbiyadeena ay u ooyaan kuwa aan noo qalmin faham guudna aan ka haysan xaaladaha aan markaa la noolnahay, laakin waa in aan aqbalnaa in dadka nuucaas ah aysan mudnayn in ay nala sii jaan qaadaan inkastoo taas fahamkeeda uu nagu adagyahay oo is waydiin badan uu qalbigeena ka keeno.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Isku xire
Mar walba waxaa jiraya isku xire xiriirsha guusha shaqsiyaddaada iyo dadaalka aad ku bixiso gaaridda hadafkaaga, bal is waydii waa maxay? Jawaabta waa kartidaada oo kaliya, inta badan aad dhabar adayg iyo dadaal dulqaad leh samaysaa waa inta aad gaarto hadafka aad tiigsanayso.
Mmusa

                                                 6-Isla socodka
Isla socodka Labka iyo Dhidiga dhex mara guurka ka hor maxaa macna ahaan la dhihi karaa?
La socod sidiisaba waa eray macna badan, laakin marka uu kulmiyo lab iyo dhidig macnaha uu yeelanayo ayaa ah barasho qofba qofka kale uu baranayo haddii uu nolol ahaan la jaan qaadi karo iyo haddii kale.

Si kale haddii loo dhigana waa baadi goobka qofka ugu jira helidda qofkii nolosha ku wehelin lahaa, sideedaba ma sahlana helidda qof macquul u ah noloshaada marka aad ku jirto baadigoobkan aad ku xulanayso qofka noloshaada ku xasili lahayd, waa baadi goob muhiim ah oo sinnaba u sahlanayn.

Inta aad nolol la wadaagi lahayd qof aan noloshaada sinnaba ula jaan qaadi karin farxadna aadan ku dareemi karin waxaa haboon in aad sugato ilaa inta aad ka helayso qofka kuu qalma, qasab maahan in aad wax dhasho, mana jirto cid Maxkamad kuu soo istaajinaysa maxaad wax u dhali waysay, oraahda ah waarimaysidee wax ha kaa haraan waa oraah qaldan marka loo isticmaalo waqtiga ayaa igu dheeraaday ee aan iska gaarsiiyo, is waydii yaa kuu balan qaaday in aad wax dhalayso, ma jiro qof haysta balanqaad ah waxbaad dhalaysaa, guurka qasabka ah haddii uu Alle kaa badbaadiyo naftaada ha u xulin qof aan kuu qalmin si aad wax uun u dhasho, waa in aad ka fiirsataa qofka aad wax u dhalayso ama wax kuu dhalaya.

Haddii aad wax la wadaagto qof aan noloshaada u cuntamayn waxay ka dhigantahay in aad dhumisay noloshaada oo dhan, naftaadana aad ka tuurtay Hog aysan ka soo laaban karin, noloshaada waa Dheeman aad gacanta ku haysato, mar haddii uu dheemankaas kaa lumana heliddiisa waa mid aan macquul ahayn, qof walba oo naga mid ah wuxuu ugaarsanayaa nolol wanaagsan, ku dadaal jaaniska noloshaada hagaajintiisa inta uu gacantaada ku jiro oo go’aankeeda aad leedahay.

Marnaba qasaara ha u malayn la socodka qof aad la socotay haddii uusan guur farxad leh kuu horseedin, qofka noloshaada wuu soo marayaa sabab walba ha ku soo maro, balse, saamaynta ugu wanaagsan uguna dareen macaan haddii uusan yeelan qasaara kuguma ahan, iska daa ha u shallaayin, maxaa yeelay, noloshaadaba boos kuma lahayn.

Qof waad jeclaan kartaa isaga oo qofkaa ah qof ku qaldan noloshaada booskeeda, hadana qofkaas uusan isagu kuu soo jeedin ama ku xumeeyay, waa dhawaac xanuun badan runtii balse waxaa ka sii dhaawac xanuun leh in aad guursato qof ku qaldan noloshaada wax ku yeelashadeeda, taas ayaa ah xanuun lama illaawaan ah.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN