XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 128aad

                                         1-Dumarka waa Deeq Alle
Ma ogtahay in Dumarku yihiin Hadiyad qaali ah oo adiga Raga ah Alle kugu mannaystay?
Fadlan qaddari oo qiimee Qasnadda Khayraadka badan ee Alle kuugu deeqay. Waa Hooyadaa, waa walaashaa, waa gabadhaada, waa xaaskaaga, dhan walba ka eeg, waa guushaada iyo waxa aad u nooshahay, sidoo kale waa quruxdaada, raaxadaada.
Xusuusnow adiga haddii maanta ay agtaada qashin ka yihiin in aniga oo rag kula ah ay qaali igu yihiin.

Walaashayda Dumarka ah adigana ogow in aad tahay qaali oo aadan qashin ahayn, in aad tahay Hanti ma guurta ah oo aadan ahayn dulsaar aan qiima lahayn, maanta iyo maalin kalaba ha is qiima tirin, waxaa tahay Mustaqbalka ifaya ee nin walba ku hamminayo hanashadeeda, sidoo kale waxaa tahay carafta iyo raaxada nin walba dunidiisa qurxisa.
Mmusa

                                        2-Waligaa kaama qancayaan
Sida aad rabto u dhaqan wanaagsanow, una shaqsiyad wanaagsanow, waligaa ma qanci karaysid qof aan u diyaarsanayn in uu kaa qanco fahmina kara dhaqankaaga wanaagsan iyo shaqsiyaddaada.
Mmusa

                                        3-Maalin maalmaha ka mid ah
 maalin maalmaha ka mid ah qof ayaa noloshaada kusoo biiri doona, saxa, waxa qof walba noloshaada ka qaldi jiray.
Maalin maalmaha ka mid ah adiga kaliya ma noqon doontid kan wax u baahan ee kan aad u baahantahay ayaa kuu baahan doono.
Maalin maalmaha ka mid ah sida maanta aad u jeceshahay in lagu soo waco ama farrriin qoraaleed kaa farxiya laguugu soo diro ayaa adigana lagaaga sugi doonaa.
Maalin maalmaha ka mid ah ma noqon doontid qofka wax walba sugaya ee waxaad noqon doontaa qofka wax laga sugo.
Maalin maalmaha ka mid ah waad la kulmi doontaa qof noloshaada korrrimadeeda jecel, gacana kugu siiya kuna faraxsan in uu taa kaa caawiyo.
Maalin maalmaha ka mid ah waad la kulmi doonta qof mugdiga iyo murugada aad ku jirtid kaa soo saaro kuna dareensiiya qiimaha noloshaada ay u qalanto.
Maalin maalmaha ka mid ah waad la kulmi doontaa qof aad ku aamini karto noloshaada, dayacaad iyo dareen xumana aan kuu quurin.
Maalin maalmaha ka mid ah is baddalku wuu iman doonaa sida maanta aad tahayna ahaan maysid.

Mmusa

                                                4-Waa tuma Dumar?
Waxaa seexataa adiga oo Go’ isku dadin markaas ayaad ka soo kacdaa adiga oo Go’ huwan, yey noqon kartaa qofka ku huwisay talow? Hooyadaa/ walaashaa/xaaskaaga/gabadhaada.
Adiga oo daalan ayaa timaadaa baahina ku hayso, waxaad la kulantaa cunto miiska kuu saaran oo si wanaagsan loo diyaarshay, faraxal/ biya la cabo/ Istiraasho dhamaan miiska cuntada ayey kuugu dhan yihiin, waxaa laga yaabaa adiga oo intaas haysto in lagu sii waydiiyo maxaa kaa dhiman, hooyo,/ aboowe/ macaane/ aabe.
Xaaladdaada oo xun ayaa timaadaa markaas ayaad la kulantaa Cod macaan oo ku dhahaya “dhib ma lahan way dhamaanaysaa dulqaado”,  dhinaca kale haddaan u dhigo xagooda iyada oo xaaladdu aysan ahayn caadi ayey ku dhahaan waa caadi wax walba, intaas murugo ayey kaa ilaalinayaan.
Dhaawacyo kala gadisan ayaa soo gaaro, markaas ayey u dulqaadataa, waxay gubataa iyada oo cuntadaada diyaarinayso hadana taas kama celiso in waqtiga xiga ay Jikada kuu gasho, maxaa yeelay ma daawan karto adiga oo baahan damiirkeedana ma siin karo!!
Waad ku gaftaa hadana kama daasho cafiskaaga, jacaylkaaga, intaas waxaa usii dheer in dartaa loo aflagaadeeyo, hadana Xushmad, Dulqaad iyo daganaan ayey muujisa si wanaaga usii socdo.
Guriga ayey hagaajisaa, caruurta ayey xannanaysaa, dharka ayey kuu dhaqdaa, kuu feeraysaa, intaas oo dhan waa farxad galinta iyo hagaajinta noloshaada.

Waxay korisaa caruurtaada, waxay qaadataa magacaada, waxay ka mid noqotaa qoyskaaga iyo dadkaaga, waxay dhowrtaa sharaftaada, waxay soo saartaa nin walba oo rag ah, gabar walba oo noqon doonta sideeda oo kale barrito, sidaas ay tahay ayey hadana mahadcelintaada ka daalin, kugu faantaa, ku dhowrataa, ku ilaashataa.

Tani waa tayada dumarnimo, hadana taas macnaheeda maahan qeexid qaas ah oo hal qof oo dumar ah ku socota, dhammaan magaca dumar oo dhan ayaa sidaa ah, hal dumar ah oo xumaataa micnaheeda maahan in dumar oo dhan ay sidaa wada yihiin.

Dumarku waa Jacayl, Naxariis, Nolol, cafiskoodu wuu badan yahay, jacaylkoodu ma dhamaado, naxariistoodu waa joogto, waxay u qalmaan in sida ugu sarrayso lagula dhaqmo, waxay u qalmaan jacaylkeena, dulqaadkeena, naxariisteena, gacan qabadkeena, farxadgalintooda, u duceynteena.

Wixi aan ka tagay waad ku dari kartaan, ka raali noqda haddii aanan meelaha qaar sida ugu mudan aanan u qeexin.

Qore :Mohamed Musa Sh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@hotmail.com

SHEEKOOYIN