XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                  XASIL OO ILA GARO. Qaybtii 17aad     

                                                                                    SIRTA FARXADDA

Sirta farxadda waa qaabka aad u garan lahayd istcmaalka xanuunka iyo caafimadka, inta aad u ogolaan lahayd in labadaas ay adiga ku isticmaalaan, macnaha guud ayaa ah in caafimaadkaadana aad uga faa’iidaysato mahad naqa Allah, xanuunkana aad uga faa’idaysato samirka iyo badinta baryada Allah. Mmusa                                             

                                                                        MURUGADA WAA JIRRO

Noloshaada u dhoola caddee sidoo kale inta noloshaada ku hareersan, iskuna day in aad ka fakarto mar walba wax walba oo ku farax galin karo aadna iska indha tirto wax walba oo ku murjin kara. Ogow rajadu waa Daawo, murugadana waa Jirro, si wacan wax u fahannimadana waa Farxad. Mmusa                                                                MURUGO MEEL LAGUMA GAARO

Muruga waa sida kursiga fadhiga ah ee dhaq dhaqaaqa, wuu ku dhaq dhaqaajin karayaa, oo wuu kaa dhigi karayaa qof jiifa marna qof fadhiya, balse meelna kuma gaarsiin karo, oo ma tihid mid toos u fadhiya ama jiif looga xisaabtamo. Sidaa darteed, waxaa badan khalkhalka murugada ay nagu reebto, balse waa in aan maanka ku haynaa in meelna aysan na gaarsiinayn murugada, oo waxa aan u murugoonayna xalkooda aanan ku gaari Karin tiiraanyada oo aan badsano. Mmusa

                                                                      ADAAB XUMIDA 

Is qurxinta uu qofku is qurxiyo lama dhihi karo waa dhaqan xumo ama adaab xumo, waxaa adaab xuma ah kan carrabkiisa aan koontaroolin ee ku dhaawaco hadaladiisa dadka qalbiyadooda, qofka aadaabta xun waa qofka marka uu hadlaba u gaysta Gaf dadka uu la hadlayo. Mmusa

                                                          HEBEL REER HEBEL MAAHAN

Haddaad maqasho hebel waa reer hebel micnaheeda maahan in uu sito astaanta reer hebel xumaan iyo wanaagba waxa lagu sifeeyo, qofka isaga ayaa is ah qasab maahan in uu noqdaa ciddiisa sida ay tahay kala duwanaanta dadka garashadeeda waxaa inoogu filan shanteena farood sida ay u kala duwan yihiin, sidaa darteed, ha ku shaabadayn qofka cidda uu ka tirsan yahay dhaqankeeda. Mmusa

                                                 WAX WABA SIDA AY U MUUQDAAN MAAHAN

Dhibicda biyaha ah waxay ula simantahay Quraanshada xajmiga Badda oo kale oo maba xamili karo guri quraansho haddii dhibic Biya ah ay ku dhacdo, xikmaddaas waxaanu ka qaadan karnaa kartida qof walba leeyahay iyo waxa uu qaadi karo marka laga hadlo dhibaato iyo imtixaanaadka kale. Waxaad ogaataa in qof walba qofka uu ka dhibaato iyo imtixaan badan yahay in uu ka awood badan yahay, Alle waa kan inagu yiri “ma saarno naf wax aysan qaadi Karin”. Waxaa kaloo laga fahmi karaa xikmaddaas in wax walba sida ay u muuqdaan aysan ahayn awooddooda, waxaa la dhihi karaa hebel waa awood badan yahay balse adkaysigiisa waxaa laga yaabaa in uu aad uga liito hebel kale oo lagu tilmaamo daciifnimo. Marka xikmadda waxaan kusoo koobayaa ficilada uu qofku gaysanayo waa in uu eegaa qofka uu u geysanayo culaab ahaan ma qaadi karaa mise dhaawac ayay u geysanaysaa, sidaas si la mid ah waa in uu eegaa qofku in uu isaga naftiisa ficilkaas uu geysanayo uusan kusoo laaban micnaha uu dhibaato ku noqon. Mmusa

                                                                                 SAAMAYNTA WAA XIKMAD

Waad u muuqan kartaa Aqoonyahan ama qof Caaqil ah, amaba qof laga haybaysto, taas macnaheeda ma ahan mid kaa dhigayso waxa aad u egtahay, mar walba waxa saamaynta yeesha ayaa ah afcaashaada iyo qaabka aad u hanato howsha aad markaa ku dhex jirto, Waxaa la yiri ma ahan shayga sida uu u weynin badan yahay amaba u muuqdo ee waa sida uu u saamayn badan yahay, qof walba qofka uu ka saamayn badan yahay wuu ka tayo badan yahay, saamaynta qofka uu sameeyo ayaa ah midda mar walba macna u yeesho howsha uu ku dhex jiro iyo bulshada uu ka dhex muuqdo, hadaba saamaynta qofku uu leeyahay ayaa ah xikmadda qofka lagu sifeeyo. Mmusa                                            

                                                                                      AKHLAADA WANAAGSAN

Kula dhaqan Akhalaaq wanaagsan qofka kaa mudan iyo qofka aan kaa mudnayn, maxaa yeelay, hadafka aad u nooshahay wuu ka wayn yahay guri ku yeelashada qalbiga Aadanaha, oo waxaad doonaysaa in guri aad ka dhisato Jannada, qof walba oo inaga mid ahna hammiga jannada wuu ku jiraa oo waaba waxa qaarkeen ay habeenkii saqde dhexe hurdada uga soofeen in ay janno heelaan darteed, hadaba akhlaaqda wanaagsan waa camal ka mid ah camalada jannada lagu galo ee aan ku dadaalno. Mmusa

                                                                                               WAARID MA JIRTO

Imaamu Shaafici wuxuu yiri “ ma jirto Murugo waarta, mana jirto Farxad waarta, waxaa kaloo jirin Abaar lagu waaro,  sidaas si la mid ah Barwaaqo waarto ayaaba jirin, oo dunida ayaaba ahayn mid waaraysa, haddii aad tahay mid u saaxiib ah qalbi qanaaco, adiga iyo adduunyadaba waad siman tihiin” Xikmadaas waxaan ka garan karnaa maadaama wax walba oo aan haysana ama aan helnaa aysan nagu waareen, in aan qanaaco qalbi la nimaano oo qalbigeena ku qufulnaa in wax walba sida ay inoogu yimaadeen ay inoo dhaafaan , taa marka uu qofku ogaadana uu meel iska dhigayo muragada dunida iyo isku buuqeeda. Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN