XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                                  XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 18aad                                                                       

                                                    HA ISKU HALLAYN

Qofka isku halleyaa tirade maalkiisa darteed, waa qof caqli gaaban

Qofka isku halleeyaa guusha badan ee caqligiisana, waa qof lusan

Qofka isku halleeyaa horumarka noloshiisa u jihaysata ee dhanka dunidana, waa qof dullaysan

Qofka isku hlleeyaa dadkana, waa qof murugo usoo hoyatay

Qofka isku halleeyaa Allaha abuurtayana, ma caqli gaabna, ma lumo, ma dulloobo, mana murugooda.

Mmusa

                                                        U HAGAR BAX

Waqtiga noloshaada ma ahan mid ku filan in aad wax walba qabato, sidaa darteed, waxaa wanaagan in marka aad wax qabanayso aad muhiimadda ka eegto, micnaha inta muhiimka ah aad wax walba ka qaadato, howsha aad shaygaas ka qabanaysana ay ahaato howl aad, aad ugu hagar baxday, intaas oo aad samaysaana waxay kaa caawisaa in wax badan oo guul ah aad noloshaada gaarto.

Hadaba qasab maahan in aad howl badnaataa, waxaa muhiim ah in aad howl yar qabataa, balse aad u qabataa si hufnaan leh oo farax galisa naftaada iyo kuwa wax kula wadaagayaba, inta badan ee aad wanaajisaa shaqada aad qabanaysid, waa inta badan ee aad gaarto guusha hanashada noloshaada.

                                                          XANAAQA HA KU HADLIN

Ma wanaagsan in qofku marka uu xanaaqsan yahay uu hadlaa, maxaa yeelay, waxaa dhici karta in uu tuuro hadalo uu ka shallaayo inta noloshiisa ka dhiman amaba uu geysto ficil uu ka shallaayo, sidaa darteed, waxaa wanaagsan in marka uu qofku xanaaqo in uu aamunsaanta kaashado, maxaa yeelay, waxay ka kaalmaynaysaa in uu ka asturnaado wax badan oo xumaan ah oo uu ku dhici lahaa. Hadaba xanaaqaaga koontarool haddiiba aad awooddaas leedahay, haddaadan lahayna ugu yaraan ku dadaal in uusan kuu soo jiidin wax aadan jeclaysan ama aad ka shallaaysid.

Mmusa

                                       INTA UU KU SIINAYO HA EEGIN          

Wuu jiri karaa qof aad farxad ka heshid ama farxad ku siiya qanaaco qalbina aad ka heshid, sidaas ay tahay waxaa iska caadi ah in qof walba uu laba bogle yahay oo dhan hadduu ku fiican yahay uu dhan kale ku xun yahay.

Waxaa suuragal ah inta uu qofkaas ku siiyay in la eg in uu kugu dhibaateeyo sida beenta oo aadan jeclayn oo mar walba uu kugu harqiyo, waqtiyadaada aad jeceshahay in aad wax qabsato ama kali noqoto oo uu kugu abuuro arrimo kale oo aan muhiim kuu ahayn oo haddaad ka diid is dhahdana aad ka dareento in uu xumaanayo.

Hadaba qof been badan

Qof mashquulinta macna darradiisa ay badantahay

Qof Qatar badan

Intaas haddii uu qofku ku sifoobo amaba laga helo calaamad ka mid ah calaamadahaas aan soo sheegay waxaa kuu wanaagsan in aad go’aan ka gaarto la jirka ama wax la wadaagidda qofkaas, maxaa yeelay, qofkaas wuxuu kuu diidayaa in aad noqoto qofka aad tahay, wuxuuna doonayaa in uu kaa dhigo qof aadan ahayn, sidaa darteed, inta uu ku siinayo ha eegin ee inta uu kaa qaadanayo eeg.

Mmusa

                                       TAAJIRKA IYO GUULAYSTAHA

Imisa taajiriin ah ayaa jirta oon haysan dhoola caddeynta aad haysato amaba uusan waqtigu jaanis u siin in ay dhoola caddeeyaan,.

Imisa guuleystayaal ah ayaa jira oo aan waxba ka aqoon ama warba u hayna dhadhankan farxadda, dhoola caddeynta iyo dhadhanka farxadda waa laba shey oo qaali, kuwaas oo cid walba aysan heli Karin.

                                                 MAALIN WALBA WAA XAAL

Maalin walba oo cusub waa mid la dhalata raja cusub, hadana la timaado fursad cusub oo nolosha ah iyo is baddal xaaladaha, dadku waxay isku baddalayaan sida xaaladahu isku baddalaan, nin walba xaalad ayuu ka baxayaa mid kalana wuu u gudbayaa.

Fadlan ka yeelo maalin walba oo Cadceeddu kuu soo baxdo maalin aad wax badan kusoo kordhisid naftaada, haddii ay noqoto in aad go’aan qaadatana u door nafaada go’aan saamayntiisa dambe aysan ka shallaayin.

                                                   ALLE HA CARA GALIN

 xusuustaada mar walba ha ku jirto in caafimaadkaaga maalkaaga aragaaga maqalkaaga ay kulli yihiin irsaaqad uu alle kugu mannaystay, fadlan ha u isticmaalin wax alle cara galsha hana ku bixin wax alle kaa xariimay.

Mmusa

                                                       ALLE RAALI GALI

Noloshu ma lahan waqti badan oo laga beer dareeyo waliba waqtigaas oo lagu qasaariyo dadka aan u qalmin ee wax aan dhib ahayn mooyee wax munaafacaad ah aadan ka helyan, sidaa darteed, raali galinta dadka qaar macna badan uma lahan noloshaada ilaa khasaaro mooyee.

Maankaaga ku haay in qofka wanaaga kula jecel uusan kaaga baahnayn raali galin fara badan isaguna uu kugu qanacsan yahay, inta uu mar walba kaa arkana ay ka kaafisay mar marsiiyo iyo iska daba wereeg iyo wax la mid ah.

Qofka ku naceb marnaba awood uma yeelanaysid raali galintiisa, inta qof aad raali galin lahaydna waxaa kaaga khayr badan in aad Alle raali galiso, maxaa yeelay ma jirto cid aad Alle uga baahi badantahay, isaga ayaana ku leh waqti walba iyo xaalad walba.

la soco Jimca walbe

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com 

SHEEKOOYIN