XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                                  XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 19aad                                                                      

                                                         NAFTAADA IYO ADIGA

Kula dhaqan naftaada sida aad ula dhaqmi lahayd saaxiibkaaga kugu qaaliga ah, iska cafi marka ay gaf ku galiso, dhiiri galina marka ay horumar samayso, kaalmee marka ay kaalmadaada u baahantahay oo canaanta ka yaree, naftaada ku abaal mari marka ay mutaysato wax lagu abaal marsho.

Waa laga yaabaa jumladan in aad la yaabto marka qoraalkeeda aad aqriso, dhabta ayaase waxey tahay in doonista naftaada iyo adiga aad laba kala tihin, waxaa jira wax badan uusan maankaaga doonayn ama qalbigaada uu kaa celsho balse nafta ay u bis bisooto, adiga oo marka uu ficilkaas kaa dhacana dib uga shllaaya waxa aad sameysay, waa tusaala gaaban oo aan kugu tusaya in damaca naftaada iyo qalbigaada ay laba kala yihiin.

Qalbigu quud ma damco, naftase waa midda damacda, qalbiga kuguma riixo in aad xaq islaameed cunto, naftase waa middaas kuu sawirto haddii aadan afcaasha qaar sameyn in aad gaajo u dhimanayso, qalbiga ma dalbo shahwo, nafta ayaasa damacaas shahwada kugu riixda.

Mmusa

                                                        KASBO NAFTAADA

Dhoola caddeynta waa iftiinka wajiga qofka, waana dajiyaha iyo kululeeyaha qalbiga qofka iyo caqligiisa, waa caddeyaha ama nadiifiyaha sambabada qofka, ma  ahan waxa aan ka hadlayo wasaq laga nadiifinayo waa nadiifiyaha walbahaarka iyo kulayla ku shidan.

Badi dhoola caddaynta maxaa yeelay, inta badan ee dhoola caddeyntaadu badato waa inta badan ee aad kasbataa naftaada iyo asxaabtaada, sidoo kale dhoola caddeynta la dhoola cadeeyo dambi la’aan waxay raali galisa Allah swt.

Mmusa

                                                         SIFADIISA BAL EEG

Wuxuu isku moodaa in uu hayo jawaabta wax walba, wuxuu iska indha tiara fikirka dadka kale oo wuxuu aaminsan yahay in uu fikirkiisa oo kaliya jiro, ma aamuso oo wax ma dhageysto, shaqada dadka ay kala dhaxeyso qaybtooda ayuu jecel yahay in uu qabto, isaga oo aaminsan in sida uu wax u qaban karo cid u qaban karto aysan jirin, wuxuu wax ka eegaa meel aan munaasab ahayn, waa qasaa mar walba abuura dhibaatooyin uusan xallin Karin, wuxuu saameyn ku yeeshaa mar walba dadka u dhow oo dhibkiisa ayuu jecelyahay in uu iyaga ku wareejiyo, waa Beenlow balan qaad badan, waa mid qaylo badan oo marka si guud loo hadlayo isku mooda in isaga loo dan leeyahay, caqligiisa ma koro oo mar walba wuxuu ku fakaraa sida uu wax u jallafeyn lahaa, wuxuu ku jees jeesaa cidda fikirkiisa aan la dhacsanayn, isaga oo dhaha iska aamuso waxba ma ogidiinee, qofka nuucaas ah waa qof ku sifeysan Jaahilnimo, Islaweni Ducfi, ma mudna in xisaabta lagu darsado, sida aad uga fogaan karto uga fogow ilaa inta duruufta kugu qasabto mooyee.

Mmusa

                                   AQOONTA DIINTA WAA KHAYR

Khayr oo dhan wuxuu ka yimaadaa dhanka aqoonta diinta, halka shar oo dhan ay ka timaado ka jaahilnimada laga jaahil noqdo Diinta, aqoonta waa mid macna badan, midna waa mid rabaani ah oo rabi xagiisa ka timid, midna waa mid macnawi ah oo dadka Alle u sakhiray lana dhihi karo dhanka dadka ayey ka timid, aqoon kasta oo ka timaada dhanka dadka waa mid leh daciifnaanteeda ama jaahilnimadeeda, shar oo dhana iyada ayay ku dhantahay.

Mmusa

 

                                         HADAFKA IYO XORNIMADA

Hadafkayga ma ahan in aan noolaanayo waligey, balse waxaan jeclahay in aan sameeyo oo ka tago wax noolaanaya waligood, xornimada waa in ay dhaxal leedahay, dadka usoo halgamey xornimadeena waxay inooga tageen xornimo dhaxalkeedu uusan sii dheerayn waana midda maanta keentay in dhallaankii dadka soo halgamay ay maanta noqdaan kuwa soo hogaaminaya Cadowga xornimadeena.

Xornimada looma abuuro in markaas dhibka aad ku jirto looga baxo ee waxaa loo abuuraa si ay u noolaato waligeed, xornimada ma ahan Gumayste ku gumaysta oo kalya, ee gumaystaha la doonayo in laga xoroobo ayaa ah wax walba oo umadda jiritaankeeda dabar gooyo ku ah.

Waanu ka xorownay gumaystaha muuqda, balse dhaqankiisa iyo falsafaddii uu inoo dajiyay ayaaan ku dhaqanaa, taas macnaheedana waa in gumaystiihii uu wali inagu dhex nool yahay oo meel dheer uusan inaga jirin.

Waa in aan ka xorownaa Qabyaaladda

Waa in aan ka xorownaa Beesha Caalamka

Waa in aan ka xorownaa Dastuurada la inoo yeeriyo

Waa in aan ka xorownaa dariiqyada jeexan ee la inaga doonayo in aan gaarno

Waa in aan samaysanaa qaab aan u madax banaanahay oo nolosheena ah.

Mmusa 

                                         CUDUR DAARKIISU BADANAA!

Waxaa la yaab leh qofka mar walba khaladka naftiisa ama gafka natiisa ka dhaca u hela cudur daar oo ku oranaya sidaa iyo sidaa ayey wax iiga dhaceen sababtana sidaas iyo sidaas ayey ahayd, balse aan u cudur daarayn dadka marka ay khaldamaan, khaladkooda sida uu doonaba ha ku dhacee.

                                          MAR WALBA WAA LAGU MUCAARADAYAA

Si kasta oo aad u ilaaliso erayada afkaaga kasoo baxaya, aadna u doorato erayba erayga uu ka fiican yahay, waa qasab in uu jiraa mid mar ay noqotaba si xun u fasira, sidaa darteed ku hadal hadal wacan adiga oo ka wal walin waxa aad dhahayso kuna dadaalaya in aad mar walba doorato hadal kan ugu qiimaha badan, adiga oo u deynaya wixii tafsiir ah oo dan ka galayn.

la soco qaybta 20aad Jimcaha insha allah 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com 

SHEEKOOYIN