XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                                  XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 21aad                                                                       

                                                HADAL XIKMAD LEH 

Dadka marka ay kula hadlayaan waxaa wanaagsan in aad dhageysatid adiga oo soo xaadirinaya dhamaan xubnaha dareenkaaga, qiimayn aad qiimaynayso hadalkooda darteed.

Sidoo kale waxaa wanaagsan marka aad hadlayso in aad hubisaa soo af meeridda hadalkaaga inta aysan soo af meermin dhagaha dadka hadalkaaga dhageysanaya, micnaha waxaan ula dan leeyahay inta aysan dadku ka daalin hadalkaaga.Hadalkaaga ha noqdo hadal gaaban oo hadaf leh xikmadna leh.

Mmusa

                                        HA SHARREYSAN MAALMAHA

Laga yaabee in maalin walba aysan nolosheena u wanaagsanayn, laakin mid ayaan hubaa taas oo ah in maalin walba dhan wanaagsan ay leedahay,maalin walba oo timaadana ay la timaado wanaag uun, haddii maanta wanaageeda uusan nagu shubmin, hubaal in uu meel kale ku shubmayo, sidaa darteed waa in aanan sharraysan Maalmaha.

Mmusa

                                                         XALKA DHIBAATADA

Marka la doonayo dhibaato in la xalliyo, waa in la qiraa marka hore jiritaankeeda, si cadna loo fahmaa baaxadda ay dhbaatada la egtahay lana ogaadaa sababta keentay dhibaatadaas, iyada oo dulqaad laga muujinayo waxa aan laga xallin Karin, lagana wada tashanayo qaabka xallinteeda iyada oo lagu dadaalayo is faham guudna laga yeesho.

Intaas aan soo sheegay waa saldhiga xallinta dhibaatooyinka haddii intaas la isla garan waayo, waxaa halis loogu jiraa dhibaatada la xallinayo mid kasii daran in la abuuro oo hadhow jahwareer baahsan uu meesha ka dhaco.

Mmusa

                                                    ADAABTA

Adaabtu waa asturnaan, haddii ay wanaagsantahay waxay dabooshaa xumaantaada oo dhan, haddii ay xuntahayna waxay dabooshaa wanaagaaga oo dhan.

Mmusa

                                      AFARTA KOBCISA JIRITAANKAAGA

Afar waxey kor yeeshaa jiritaanka qofka xitaa hadduu jaahil yahay ama uusan aqoonba lahayn.

1 DULQAADKA

2 DAACADNIMADA

3 DEEQSINIMADA

4 DHAQANKA WANAAGSAN

Afartaas qofka isku helaa darajad jiritaanka noloshiisa waa kor, waana mid la hubo, su’aashu waxay tahay imisa ayaad haysataa?

Mmusa

                                               CARUURTA BAL EEG!

Bal u fiirso caruurta uma murugoodaan wixii ka tagay, mana daneeyaan waxa ay noqon doonaan, sidaas darteed,waxaad arkaysaa in cunuga yar uu ku raaxeysanayo waqtiga uu taagan yahay, soo lama oran karo waa intaas inta naga maqan inagana? ama aan la’nahay!         

Mmusa

                                                   GUUSHA

Marka aan aragno dad heer gaaray waxaan aaminaa in ay ahaayeen waligood sidaa, kuma fakarno in ay ku heleen heerkan sare ee ay gaareen nasiibkooda iyo dadkaalkooda, guushu waa qorshayn soo dhadhamisay guul iyo guul darraba iyo taabashada waddooyin badan oo dhiig iyo dheefba laga helay laguna lunshay, waa in aan garanaa in guushu ay tahay safar dheer.

Mmusa

                                        DADKA LAGAMA MAARMO

Ma jiro qof ka maarmo dadka, inta badan ee uu qofku sameeyo horumar nololeed, waa inta badan ee ay siyaaddaa baahida uu u qabo dadka, halkaas waxaan ka garan karnaa in qof isku filnaasho gaaraya uusan jirin, qofka sida uu doono ha u hanti badnaado, sida uu doono ha iskugu filnaado, hubaal in uu dad u baahan yahay, dad la’aantoodna uusan dareemi Karin isku filnaasho waafi ah.

Mmusa

                                         KA FAGOW WAX AMRIDDA

Ka fagow in aad wax toos u amarto, maxaa yeelay ma jiro qof jecel in la amro, inta aad ku dhihi lahayd qof samee sidaa oo amar ah, waxaa wanaagsan in aad ku dhahdo “hebelow ka waran sidaa haddaad samayso? Oo qofka inta aad amar siin lahayd waxaa wanaagsan in aad isticmaasho xeelad kale uu isagu amar isku siinayo nafsad ahaantiisa.

Mmusa

                                              OOY AMA QOSOL

Noloshu waa mid soconaysa haddaad ooyso iyo haddaad qososhaba, waxba kama baddali kartid sida loogu tala galay, maxaa yeelay, adiga ma aadan qorshayn adigana ma aadan lahayn sababta jiritaankeeda, sidaa darteed, ma ahan in aad dhabarka saarato culays aadan waxba ka faa’iidayn qaadiddiisa, waxaa hore loo dhahay “murugada maanta ma ahan mid kaa reebaysa xanuunka barrito, balse waxey kaa beer darreysaa raaxada maanta aad xaqa u lahayd oo kaliya”

la soco qaybaha kale Axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com 

 

SHEEKOOYIN