XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                                  XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 23aad                                                                       

 

                                  DUNIDA AAD HAYSATID KU RAAXEYSO

Inta aad ka fakarayso wax kaa lumay waxaa kaa sii lumaya waxa aad haysatid, midna ogow ka fakarkaas aad ka fakarayso wixii kaa lumay waa mid kaa wadaya dunidaada raaxada oo kuu sii dhaweynaya duni kale oo aadan gacanta ku hayn wax ay tahayna aadan ogayn, sidaa darteed, ku raaxayso waxa aad haysato garana qiimaha ay leeyihiin.

Mmusa 

                                   NAFTAADA ADKEE

Utababar naftaada in ay noqoto mid ka adag wax kasta oo carqaladeeya

Wax walba oo murug galiya

Wax walba oo cabsi galsha

Wax walba oo cara galsha

Mmusa

                                      AWOODDAADA HA KU XAD GUDBIN 

Haddii ay awooddaada ku tusiso in aad tahay mid wax walba suubin karo, kaas oo dadka dhibaatayn kara, dulmin kara, qayaani kara, ku jees jeesi kara, ogow in awoodda Alle ay kaa xoog badantahay kaana dhagar badantahay.

Cumar bin cabdul casiis 

                                                  NOQO MID WAX KU DEEQA

Haddii aad rabto in aad samayn ku yeelato qalbiyada dadka waxaad noqotaa mid wax ugu deeqa naftooda, oo sidee ku noqonaysaa wax deeqe?

Jawaabta waa in aad noqotaa mid si wacan wax u fahmo mar walba

Waa in aad dhiiri galisaa dadka

Waa in aad u qirtaa dadaalkooda

Waa in aad raja galisaa

Inta badan ee aad intan suubiso waa inta badan ee aad saameyn ku yeelataa qalbiyadooda, inta badan ee aad suubiso caksiga ama wax kasoo horjeeda intana waa inta badan ee ay aragaaga dhibsadaan.

Mmusa

                                  DADKU RAALI MA NOQDAAN

Sugidda aad sugtid raali ahaanshaha dadka waa sugitaanka ugu dhib badan ee la sugo, waana khasaarada ugu fudud ee ku gaarta, dadku waxey raali ka noqon waayeen oo ku qanci waayeen Rabigii abuurtay, sidee adiga raali kaaga noqdaan, bal si waydii?

Mmusa

                                  QOFKA SIDA WACAN WAX U FAHMA WAA KEE?

Qofka dhanka wanaagsan wax ka eega ee mar walba rajada wanaagsan ay u muuqato waa qof nuucee ah? Waxaan isku dayayaa bal in aan xoogaa astaama ah ka baxsho, waad igu raaci kartaan waana igu diidi kartaan.

1: waa qof u arka nolosha una fahamsan sida in ay tahay fursad aad muhiim u ah oo luminteeda aysan xagiisa ka sahlanayn

2 wuxuu mar walba isku dabaqaa oo is raaciyaa hadafkiisa nololeed iyo damiciisa. micnaha damiciisa ma dhigo meel ka baxsan bartilmaameedka noloshiisa.

3 wuxuu ku dadaala mar walba dhanka wanaagsan in uu wax ka eego, isaga oo isku daya in uu ugu yaraan taabto ama gaaro ahdaafta ama bartilmaameedkiisa nololeed ee u qorsheysan, mar walbana wuxuu isku dayaa in uu noqdo mid is baddal samayn kara.

4 waa mid jacaylka iyo furfurnaanta ay wajigiisa ka muuqato, waana midka ka dhigta goobta uu ku nool yahay Goob Rajo iyo farxadeed.

Afartaas qodob ayaan kusoo koobay, waa laga yaabaa in aad wax ku dari lahayd ama ka dhimi lahayd.

Mmusa

                                     ADIGA AYAA IS XUKAMA

Ma jiro qof awooda in uu qalbigaaga farxad galsho haddii aadan doonayn oo aad ka door bidday in aad murugooto inta aad farxad dooran lahayd, sidaas si la mid ah ma jiro qof ku murug galin kara haddii aad farxad u doorato naftaada, adiga ayaa ah maamulaha naftaada, xaaladaha wax waa kugu qasbi karaan, balse, doorashada iyo habka aad uga jawaab celiso waa mid adiga kuu gaar ah, wax walba oo gudahaaga ku jira waa wax uusan qof kula xukumi Karin adiga mooyee,.

Haa, dadku saamayn waa yeelan karaan, balse waxay saamayntoodu wax tar noqotaa marka aad adiga u ogolaato in ay kugu dhex shaqayso, ama uu qalbigaagu dhagaysto, doorashada habaka aad noqonaysa mar walba waa mid xagaaga ah, ma jirto sabab aad ugu mar marsiyooto hebel ama hebalaayo, dib isku eeg oo is xisaabi.

Mmusa

                                 ROOBKU BADDA MA SAAMEEYO

Tira badnida Roobka saamayn kuma yeelato dhadhanka Badda mar walba, sidaa darteed noqo sida badda oo kale, oo saamayn yeysan kugu yeelan hadalada dadka ay dhahaan, waxa aad tahay waad is ogtahay, waxa aad doonaysana waad garanaysaa, adiga ayaa lagaa doonayaa in aad isi saxdo marka aad khaldantahay marka aad saxantahayna aysan saamayn kugu yeelan kuwa sida xun wax u sheego warkooda.

Qofna ha nicin waligaa, waxaadna garataa ama ogaataa in qof walba oo dhib kuu geysto ama hadal kugu qaloocsho uu ku siiyay cashar dahab ah oo micnihiisu yahay “I garo waxa aan ahay”, isaga isma oga in uu  wax kugu kordhiyay, balse dhabta ayaa waxey tahay in uu si dhab ah isku kaa baray.

Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com 

 

SHEEKOOYIN