XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 27aad                                                                       

 

 

                                  KU HAGAAJI NAFTAADA AKHLAAQ

Ku hagaaji naftaada Akhlaaq wanaagsan, marjiceedana ha noqdo sidaas, ku xooji naftaada Akhaalada wanaagsan si ay u toosto.
Axmed Showqi

 

                        LABA QOF AYAA DADKA KAA FAHMI KARTA

Laba Qof wax aan ahayn dadka kaama fahmi karaan, labadaas qofna waxaa jira laba Duruuf oo fududeysa in ay ku fahmaan.
1 Qof ku sugan ama soo arkay xaaladdaada oo kale.
2 qof ku jecel oo doonayn dhaawacaaga iyo xanuunsashadaada.
Labadaas qof mar walba u dhawow oo raadso, maxaa yeelay, waa labada kaliya ee noloshaada kula fahmi kara, kuna caawin kara.
Mmusa

                                         DANEE DAREENKA QOFKA

In aad danayso hadalka qofka waxaa ka qiima badan in aad danayso Dareenka Qofka. Xaqiiqda qofka mar walba waxaa laga aqristaa dareenkiisa, hadalka qofka ma ahan mid ka tarjumaya dhabta qofkaas.
Waxaa la yaab leh in aan ku noolnahay Duni ay Dadka u danayn badan yihiin Hadalka, dareenka qofkase uusan macna ugu fadhin!!!!
Mmusa

                             CEEBTAADA WAA IN AAD GARATAA 

Ceebtaada jiritaankeeda waa in aad garataa, kadibna ku dadaashaa sidii aad u hagaajin lahayd. 
In aad inkirto ceebtaada waxaa kaaga khayr badan in aad garato oo qirato kadibna aad hagaajiso.
Qofka mar walba waxa uu yahay ama uu leeyahay inkiraa waa qof aan dhabta ku noolayn, inta badan aad garataa daciifnaantaada iyo xumahaaga, waa inta badan ay kuu siyaaddo Awood iyo Wanaag aad naftaada ku samayso.
Hadaba, ha dhibsan oo ha inkirin ceebtaada, ma jiro Qof aan Ceeb lahayn dunidan, la noolow ceebtaada, dibna u hagaaji.
Mmusa 

                                       HA IS CAQABADAYN

Naftaada ha galin Caqabad aysan mudnayn, hana isku dayin Farxad galinta qof walba adiga oo taada luminaya in ayaga ay farxad helaan darteed.
Miyaadan ogayn in naftaada ay u baahantahay, Dhiiranaan, Xanaanayn, iyo farxadgalinba?
Mmusa 

                            cadowgaaga wax ka farxiya faan kuuma noqdaan     

Nin in aad disho kaga qanaaco badan in uu ku dilo, dilkiisa oo aad ku faanto waxba kuuma soo kordhinayso, xaqiiqda ayaa waxay tahay in waxaad ku faanayso ay farxaddiisa tahay, cadowgaaga wax ka farxiyana faan kuuma noqdaan.
Mmusa 

                          QOF AYAA MACIINSADA AAMUSNAANTA

Qof ayaa maciinsada aamusanaanta si uusan u dhaawicin dadka kale, qof kalena wuxuu u maciinsadaa Aamusnaanta Xanuun haya dartiis, oo hadduu hadlo kusii kordhaya.
Mmusa 

                                          CAAFIMAADKA

Caafimaadka marka la haysto qiimahiisa lama dareemo ee marka la waayo ayaa la dareemaa, sidaas si la mid ah wax walba.
Mmusa 

                                    QOF WALBA OO AAMUSA

Qof walba oo aamuso micnaheeda maahan in uusan hadli karin, sababta uu u aamusay is waydiinteeda ayaa ka muhiimsan ku mashquulsanaanta waxa uu dhihi lahaa.
Mmusa

                                    XORNIMADA MA AHAN ………

Xornimada ma ahan in xumaan iyo dhib lagugu hayay lagaa dulqaado oo kaliya, ee waa in aad dib u heshaa Xaq kaa maqnaa, adiga oo garansan waliba qiimaha xaqaaga, markaas ayaa u dabaal dagi kartaa Xornimo.
Mmusa 

                                       Shaqsiyadda qofka

Maalmuhu shaqsiyadda dadka waxba kama baddalaan ee waxay muujiyaan dhabtooda, qof walba oo is qarshaa maalin ayuu soo bandhigaa waqtigu shaqsiyaddiisa dhabta ah.
Mmusa

                                    AQOONTA DADKA

Qof aqoontiisa ha ka shallaayin waligaa, maxaa yeelay marnaba kuma qasaartid barashada dadka.
Dadka wanaagsan naftaada wey farxad galiyaan 
Kuwa xunna wey ku imtixaamaan
Kuwa ugu liitana Cashar ayey ku siiyaan.
Mmusa 

 

 

                         HA U ISTICMAALIN BUSHIMAHAAGA

Ha u isticmaalin bushimahaaga waxa aan labadan ahayn
1 in aad hadal fiican ku dhahayso
2 in aad Baasha (Shumis) macaan badan oo Xalaal ah ku samaynayso
Mmusa

                        SADDEXDAN ILA GARO

In la kulmo waa billow wanaagsan
In la iskaashadana waa horumarkeena
In la wada shaqayana waa guusheena 
Mmusa 

                        SUMADDAYDA WAA SOOMAALI

Anigu waayadan Summad la’aan ayaan ahay, in aan Soomaali ahayse Summaddeeda waa mid aan iga tirtirmayn, taariikhiihii horena waan iska hilmaamay, maadaama aysan ahayn, dhabta maanta jirta.
Mmusa 

                     SANKU NEEFLE DIID!!!!!!

Sanku neefluhuu diid, in uu sifada Alle mideeyo!
Sanku neefluhu diid, in uu isku raaco Diin mid ah.
Sanku neefluhu diid, in uu isku raaco Maamul mid ah.
Sanku neefluhu wax uu isku raacsan yahay waxaa ka jira Geerida (Dhimashada)
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN