XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 28aad                                                                       

 

                                         NAARTA DUNIDA

Naarta dunida waa u macaantahay kuwa ehelkeeda ah, waa raaxeestaan, waa isu galmoodaan, xaaraanta ayey cunaan, waa is boobaan, waa is dilaan, waa isu dalxiisaan.
Jannada dunidase waa u qaraartahay kuwa ahlu jannaha ah, maxaa yeelay waxay naftooda ka xannibeen wax walba oo ay naftu jeceshahay.
Ahul Jannuhu dunida waa u Xabsi, halka ahlu naarka ay u tahay Janno uu ku mushaaxo.
Mmusa

                              HA DHIMANIN ADIGA OO FAHMIN

Ha dhimanin adiga oo fahmin waxa aad u dhalatay, ha noqda hadafkaaga in aad u adeegtid, diintaada, dadkaaga , dunidaadaba.
Noqo mid waxbarta ama waxbara.
Mmusa 

                                         MAANGAABYADA

Maangaabyada waa kuwa ku mashquula dadka kale arrimahooda iyo isku dirriddooda.
Qofka wayn fakar iyo fiirmo wax tar leh ayuu ku mashquulaa.
Qofka caadiga ahna, isaga ayaa isku mashquula
Hadaba is miisaan, halkee taagantahay?
Mmusa 

                                      U NUGLOW

Mar walba u nuglow qofka khilaafa fakarkaaga, ka faaiidayso khilaafkiisa, balse midka mar walba haa’da kugu haya waxba kuuma soo kordhinayo in aad sii fakarto mooyee.
Mmusa

                                    DHIBAATADA YAR

Dhibaatada yar waad ka bad baadi kartaa, balse midda wayn kama bad baadi kartid, sidaa darteed, ku kaaftoon inta ku haysata oo ha raadsan in aadan ka bixi karin.
Mmusa

                        FAKARKAAGA IYO FICILKAAGA

Fakarkaaga oo bata iyo ficilkaaga oo yaraada, waa dhibaatadaada.
Ficilkaaga oo bata fakar la’aana waa dhibaatadaada.
Mmusa 

                                  Ugu ducee xaasidkaaga ducadan

Waxaa ugu ducaysaa Xaasidkaaga Ducadan dhahaysa”Allow hadduu jiro Xaasid ay dhibayso in uu arko Farxaddayda, ku irzaaq farxad hilmaansiisa Arrimahayga.
‏يَارب إن كان هناك  حاسد يكره  أن يراني سَعيدة فارزقه سَعَادة تنسيه أمري

 

                                           Ha wal walin 
Ha wal walin wax kaa lumaya ama kaa qasaaraya ma jiraan.
Ilaahaaga waa waa mid jooga joogina doona waligiis.
Irsaaqadaadana waa Mid qoran oo cid kaa hor istaagi karta ma jirto.
Cimrigaaga waa mid xaddidan, oo waqtigaaga cid kaa hor marin ama kaa daba marin karta ma jirto.
Is qurxinta ku dadaal, si hareerahaaga aad uga aragto Quruxda.
Mmusa 

 

                                                IXTIRAAMKA

Ixtiraamku waa Aalad la is waydaarsado, taas oo haddii aadan adiga ku deeqin aanan laguugu deeqi karin.
Xuahmadda ama is xitriaamka waa waxa ugu quruxda badan ee lagu beerto quluubta Dadka kale.
Mmusa

                              ADIGA IYO HADAFKAAGA

Ma ogtahay in Caqabadda kaliya ee idinku kala dhex jirto adiga iyo hadafkaaga ay tahay malada xun, taas oo mar walba idiinkala sheegta in aadan isi soo gaari karin.
Mmusa 

 

                                                     HEER KULKA

Ma ogtahay in heer kulka Wajiga Dumarka uu kor u kaco marka ay haweentu la kulanto dhigeeda Raga ah, taas oo sababta in wajigeeda is gad gaddiskiisa uu bato.
Mmusa 

                                            HADAFKAAGA

Haddii uu yahay hadafkaaga mid ku eg hal sano, beero markaa bariis sida aad ku yeli lahaydna ku dadaal, ( micnaha  calooshiis u shaqayste).
Haddii uu yahay hadafkaaga mid tobonaan sano ku kooban, beero markaa geedo, (micnaha guryo dhiso).
Haddii uu yahay hadafkaaga mid uu bartilmaameedkiisu yahay boqolaal sano, markaas baro cilmiga ama  wax bar ilmaha,micnaha ( aqoonta faafi).
 Mmusa 

                                      WAX WALBA OO QIIMA LEH

Wax walba oo qiima leh maskiin ama qof faqri ah ayaa kasoo shaqeeyey.
Dhirta quruxda badan ee lagu dhex nasto ama lagu dareensiiyo dadka in janna adduin la dhex joogo masksiin ama faqri ayaa kasoo shaqeeyey.
Hilbaha ugu qaalisan dunida ee maqaayadaha dunida ugu qaalisan lagu cuno maskiin ama ugaarsade ayaa soo dabay oo kasoo shaqeeyey isaga oo wadda fudud aan u marin.
Nabadda iyo amaanka lagu tanaadayo maskiin askari ah ayaa kasoo shaqeeyey.
Sariirta lagu raaxaysto maskiin faryaamo ah ayaa kasoo shaqeyey.
Dharka ama kabaha la xirto, maskiin midgaan lagu tilmaamay baa soo farsameeyey.
Guryaha aan ku hoyano, mid fuundi lagu tilmaamay baa inoo dhisay.

                               WAX WALBA WAA DHACAAN

Wax walba oo dunida ku saabsan waqti ay dhacaan bey leeyihiin.
Qoraxdu waa dhacdaa 
Xidiguhu waa dhacaan 
Dayaxu wuu dhacaa 
Dadku waa dhacaan 
Dugaagtu waa dhacdaa 
Wax aan dhicin ma jiraan 
Ma dhacaha mar walba u taagan masaalixda maqluuqiisa waa Alle.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN