XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                

Qaybtii 30aad                                                                       

 

                                          DIIMADOODA KUUMA BANAANA

Waxa aad wax ka leedahay diidmadooda waa kuu banaantahay, balse waxa aadan waxba ka lahayn marti ayaa ka tahay, sidaa darteed diidmadooda kuuma banaana.
Mmusa  

                                                   PHILIPIIN

Ma ogtahay in magaca Waddanka Filipiin asal ahaan laga soo qaatay Boqorkii la dhihi jiray Boqor Philip 2 ee ka mid ahaa boqoradii soo xukumi jiray Dalka Spain.
Mmusa 

 

                                                  FULAYGA

Ma ogtahay in fullaygu uu dhinto dhowr jeer inta uusan waqtigiisa dhabta ah la kulmin, 
Halka geesigu uu mar uun dhinto?.
Mmusa

                                               ROOSEETADA

Ma ogtahay haweynaydii ugu horeysay ee afkeeda rooseeta marisaa in ay ahayd haweney jilaa ahayd oo la oran jiray Estella, sanadkuna uu ahaa 1916, sababta ay u marsatayna aysan ahayn is qurxin ee ay ahayd cabsi galin la cabsi galinayo daawadayaasha Filimka.
cajiib !!!!!! hadana waaba la isku qurxiyaa!!!.
Mmusa 

                                              MAGACYADA ANBIYADA

Ma ogtahay in dhamaan Magacyada Anbiyada aysan wada ahayn magacyo carbeed, marka laga reebo, Shucayb iyo Muxamed scw,
Mmusa 

                                                  U DHAQSO GUUSHA

U dhaqso Guusha, maxaa yeelay, guushu ma lahan Lugo ay ku fakato waa adiga kan lugaha leh, waxaasa Laabta ku haydaa mar walba in guusha dhabta ah ay tahay midda Jannada lagu galo!
Mmusa

                                                 TELEEFOONKA

Ma ogtahay in la allifay teleefonka 1876 uuna allifay nin lagu magacaabi jiray Alexender Grahin Bill?
Mmusa 

                                   QANIYAASHA IYO FUQARADA

Waad arki karaysaa in Qaniyaasha ay is cadowsanayaan, halka fuqaradana ay is kaalmeynayaan.
Mmusa 

                                                 WAY DHIICI KARTAA

Way dhici kartaa in Dad aad Cadowgaaga u aragto ay noloshaada bad baadiyaan.
Weyna dhici kartaa in dad aad Ehel u aragto ay dhabarka kaa dooxaan!!
Mmusa 

                             WAAD LAHAAN KARTAA GURI QASRI ah

Waad lahaan kartaa Guri Qasri ah, hadana Nolosha ayaa cariiri kugu ah.
Gurigaaga wuu noqon karaa God dhagax ku dhex yaal, hadana qanaacada uu qalbigaaga Alle galshay ayaa wax walba uga kaftoontaa.

 

                                                        Gyroscope

Ma ogtahay in qalabaka la dhaho (Gyroscope)
Uu yahay device ka isku dheeli tira miisaanka Diyaaraha iyo Maraakiibta.
Mmusa 

                                                HURDADAADA

Ma ogtahay in Hurdadaada oo yaraata ay sababi karto wareega dhiigaaga oo yaraada iyo xusuustaada oo yaraata.
Mmusa 

                                                         QORAXDU

Qoraxdu laba jeer ma soo baxdo.
Noloshuna laba jeer waxba kuma siiso
naftuna laba jeer ma baxdo
ee aan iskaashano oo quudano waxa ay noloshu inoogu deeqday, waxaan uga dan leeyahay aan is nabad galino oo nabad ku noolaano.
Mmusa 

                                                     TOKIYO

Ma ogtahay in Caasimadda Japan ee Tookiyo magaceeda hore uu ahaan jiray Edo.
Mmusa 

                                                MUSTAQBALKA

Mustaqabalku wuxuu ku qurux badan yahay in uu qarsoon yahay oo waxa uu la iman doono aan la garanayn, haddii la garanayo waxa uu la imaanayo nah ma lahan.
Mmusa 

                               WADDANKII UGU HOREEYAY EE CARBEED

Ma ogtahay in waddankii ugu horeeyey ee carbeed ee laga helo shidaal uu ahaa Waddanka Baxrayn, waxaana laga helay shidaalka sanadku markuu ahaa 1832
Mmusa 

                                            WAXAAN KU DHIHI LAHAA

Waxaan ku dhihi lahaa
Qofna wax ha ka sugin 
Qofna ha ku xirin dantaada
Naftaada wax u qabo marka hore
Dadku ayaga oo socdo ayey kuu imaanayaan marka ay guushaada iyo isku filnaantaada arkaan
Mar walba oo aad dantaada ku xirto dadka, hubaal in wax noqoshadaada aad ayaga marti uga ahaan doonto.

                                      KU RAAXAYSO NOLOSHAADA

Ku raaxayso noloshaada, kuna dadaal hormarinteeda, ma ogtahay mar walba uu Cilmi iyo Aqoon ay kuu siyaaddo, in ay sii siyaaddo garashadaada dhabta iyo qofnimadaada.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN