XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 34aad                                     

1 QOFKA MARKA UU DHINTO

Ma ogtahay in qofka marka uu dhinto ay maskaxdiisa sii shaqayso ilaa 7 daqiiqo, iyada oo kolba milicsanaysa xusuusihiisa ugu qiimaha badnaa dunida.
Xigasho xog caafimaad
Mmusa

2 XAALAD WALBA QIIMAHEEDA WAXAA LA DAREEMAA

Xaalad walba qiimaheeda ama macaankeeda waxaa la dareemaa marka ay muddo kasoo wareegto, in aan dareemi wayno xaalad walba qiimaha ay leedahay ugana faaiidaysano, waa daciifnimada Aadanaha.

 3 AFARTAN IGA QAADO FADLAN

Sida aad rabtid u muran, balse qofna ha caaayin
Sida aad rabto u xanaaq, balse qofna ha dhaawicin
Sida aad doonto u dhaqan, balse qofna ha dulmin 
Sida aad rabto isku gooni yeel, balse waligaa isla wayni iska dhowr
Mmusa 

 4 XIISAHA NOLOSHA

Caqabadaha oo la wajaho waa waxa xiisaha u yeelo Nolosha, ka guulaysigoodana waa waxa macna u yeelo nolosha.
Mmusa  

 5 DUMARKA CAQLIGA BADAN

Waxaa lagu ogaaday baaritaan cilmi baaris ah oo la sameeyey in dumarka Caqliga badan ay sida badan ku dhamaystaan noloshooda Nin la’aan ama Qoys la’aan.
Sababta waxaa lagu macneeyey in caqligooda oo batay uu tusay in qatar badan ay uga imaan karto Raga, taas oo aakhirka badda Silic, cabsi ay middaas ka cabsanayaan ayey ku door bideen in ay noloshooda kallinimo ku dhamaystaan.
Mmusa 

6 XIRIIRKA XUSHMADDIISA

Sida badan xiriirka xushmaddiisa wuxuu ku dambeeyaa dumarka, hadana sidaas ay tahay dumarku mar walba waa u fududdahay in ay ka lugeeyaan raga ay xiriirka la wadaagayaan, waa haddii ay helaan waddo uga soo jiidasho iyo naxariis badan.
Mmusa 

7 FADLAN DIB HA UGU LAABAN

Wax walba ha dhaacaan, waxaad doontana suubi, fadlan dib ha ugu laaban waxa ku xanuujiyey duruuftu sida ay doontaba ha noqotee.
Mmusa 

8 NOLOSHAADA SII WADO

In aad iska saamaxdo qofka micnaheeda maahan in aad hilmaanto waxa uu kugu suubiyeey, ee waxay la micna tahay in aad heshay Waddo aad noloshaada kusii wadato qofkaas la’aantiis.
Mmusa 

 9 QALBI QAALI KUGU AH

In aadan qaali ku noqon qalbi qaali kugu ah waa waxa ugu adag ee la noqdo, hadaba mar walba qiimayn ku suubi waxa qaaliga kugu ah sida aad ku tahay.
Mmusa 

 10 DHALEECAYNTA OO DHIBSATO

Dhaleecaynta oo aad dhibsato micnaheeda waa waxba ha samayn, waxna ha sheegin, waxna ha noqon.
Mmusa 

11 QOFNA YUUSAN QAALI KUGU NOQON

Qofna qaali aan laga maarmin agtaada yuusan ka noqon marka aad adiga noqon kartid qof laga maarmi karo.
Mmusa 

12 KA FAKAR HADALKAAGA

Haddii aad ka fakarto hadalkaaga laba jeer inta aadan ku dhawaaqin, waxaa hubaal ah in aad ku dhawaaqayso hadal u dhigma macaankiisa laba jeer.
Mmusa 

13 DAREENKAAGA HA KUGU EKAADO MARARKA QAAR

Waxaa wanaagsan mararka qaar in dareenkaaga uu adiga kugu ekaado, maxaa yeelay, waxaa dhici karta in dadka aad wax u sheegan lahayd aysan ku fahmi karin.
Mmusa 

 14 NINKA QOYS YEESHAA

Ninka Qoys yeeshaa waa Nin uu Rabi ku mannaysta Deeqda kaliya ee dunida kasii jiri karta ilaa maalinta Qayaamaha, waana Nin nasiib badan maadaama loo doortay in dheecaankiisa uu kusii waaro Dunida.
Mmusa

 15 Dhaawac dhanka Maskaxda

Sugidda aad sugtid waxyaabaha qaar ee aadan awoodda u lahayn in aad hir galiso ama kaaga xiran qof kale, mararka qaar waxaa laga qaadaa dhaawac dhanka maskaxda ah ama qalbiga ah, sidaa darted, sugiddaadu ha noqoto mid aad awooddeeda ogtahay iyo sida ay macquul u tahay.
Mmusa 

16 DUMARKA YEYSAN DUMAR LA TARTAMIN

Dumarku ma ahan in ay tartan la galaan dumarka kale ee uu ninkooda la qabo ama markaa uu guursado, waxaa wanaagsan in xaaska la qabo ay diiradda saarto gudashada waajibaadka nolosheeda, tan ubadkeeda iyo ninkeedaba, halka ay ku mashquuli lahayd xaasididda iyo xisaabinta Xaaska kale ee ninkeeda, taas oo u keeni karta nafteeda in ay lumiso gudashada waajibkeeda iyo nolosheedaba.
Mmusa 

 17 xuquuqda Dadka kale

Marka loo eego Qaanuunka ama Sharciga Aadanaha, qofku wuxuu Dambiila noqdaa marka uu ku tunto xuquuqda dadka kale, balse sharciga Akhalaada qofku wuxuu dambiile ku noqdaa marka uuba ku fakaro in uu Dambi gaysto isaga oo ficil ahaan aan talaabo u qaadin.
Mmusa 

 18 LAFTA UGU DHEER

Ma ogtahay in lafta ugu dheer lafaha Bani aadamka jirkiisa ay tahay lafta lugta, taas oo koobta 27% dhirirka qofka.
Mmusa 

19 LIXDAN ILA GARO

1 Dadku waa is baddalaan
2 dareenkuuna wuu dhumaa
3 Khaladna wuu dhacaa 
4 xusuustuna waa waartaa 
5 Noloshana ma dhamaato.
6 Adigana waa dhamaataa.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN