XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

xf

           XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 8aad

 

 

                                      Abaal marinta Gaali iyo Muslim

Muslimku wixii wanaag ah oo u qabto waxa looga abaal marin doonaa maalinta Aakhiro.      Gaalkuse wixii wanaag ah ee uu qabto waxaa looga abaal mariyaa Adduunyada, abaal marintiisase nooc walba ayey noqon kartaa, waa sida uu allah u gartee, ama caafimaad ama dhaqaale ama Kurbo haysa oo laga feedo, aakhirase Camal saalix ah oo kaliya ayaa ka shaqeeya.

 

                                        ADAABTA ALLA BARIGA

Adaabta Alla tuuga iyo siyaabaha ugu dhow ee ducadaada ay aqbal kuugu noqon karto.
Marka hore waxaa lagaa doonayaa Ikhlaas Alla dartiis ah
in aad Alla ku shukriso, nabigeenana ku sallisid scw
in aadan Ducada dadajin oo ku sugnaatid, micnaha tariibisid
in qalibigaa aad soo xaadirisid oodan wax kale ka fakarayn ducadaas mooyee
in aadan Alla ma ahane aadan Cid kale wax waydiisan
in aad dambigaaga qiratid kana toobad keentid
in nimcada Alle ku siiyay aad garowsataa ugana mahad celisaa
in aad qushuuc la timaadaa iyo Alla jacayl dhab ah
in aad Qiblada wajahdaa
in aad gacmahaaga kor u taagtaa xiliga ducada
in aad waysaysataa inta aadan ducada bilaabin
in aadan ku xadgudbin ducada, micnaha aadan Alle waydiisan wax aan suurta galay ahayn, Alle wax walba wuu awooda, balse in aadan ku ducaysan sida waalidkay oo dhintay dib iigu soo noolee.
in aad Alla ugu dhawaataa magacyadiisa wanaagsan iyo sifooyinkiisa sare
in cuntadaada, maalkaaga, labiskaaga ay xalaal yihiin
in aadan ku ducaysan wax Dambi ah ama Qaraabo goysnimo ah
in aad wanaaga fartaa dadka, xumaantana ka reebtaa
in aad ka fogaataa macaasida oo dhan
waa ay badayihiin asbaabaha, balse intan ayaan kusoo koobaynaa ee aan ku dadaalno walaalayaal.

 

ADDUUNYO WAA QIIMALAAY

Duunyadu waa imtixaan uu marayo qof walba, imisaa saaka ayagoo caafimaad qaba guryahooda ka soo toosay caawana Qabri u hoyday!
Imisaa saaka faraxsanayd caawana ilintu ka qubanaysaa!
Imisaa murugaysnayd waayadan oo Alla Faraj u faray!
Inagu shax baan dhiganaa waa walba oo baryo, shaxdii Allana waa gaar, adiga oo aduun kuu qasantahay oo wax badan iskaga kaa dhex yaacsanyihiin ayaa lagu oron ina keen.
Qofka haduu dhinto in loo baroortaa waxba uma tarto ee ducada ayaa anfacda.
Alla waa ma naxe, waana naxariis badane.
Alla inta uu inagu imtixaanayo waxaa ka badan inta uu inaga cafinayo.
ma ogtahay haduu Alla u qaban lahaa dadka dambigooda islamarka ay galaan in aduunkan aan lagu arkayn wax nool, balse Alla waa naxariis badane u dib dhiga addoomadiisa, si ay uga toobad keenaan dambiga ay galeen.

 

 

“ Wax sii dhamaanaya waa laga tashadaa ee laguma tashto

 

Waqtigu waa socdaa, maalin walba oo dhamaato waa nusqaan cimrigeena ah,inagana aduunkana ayaaba noo sii macaanaya oo maalin walba qorshayn ayaanu ku jirnaa, daciifnimadeena waxaa ka mid ah aduunya jacaylka waana waxa sii dhamaanaya, waxa sii dhamaanayana waa laga tashadaa anagana aduun sii dhamaanaya ayaan u tashanaynaa!
Adiga oo is leh hadda ayayba kuu bilaabatay ama isku kaa dul fuushay ayaa lagu leeyahay soo bax waqtigaagii intan ayuu ku egyahee, dadka qaar marka aad u fiirsato maba is oranaysid dhimasho ayay ka baqayaan, marka aad aragtid sida ay u dhaqmayaan.
Yaa ka lacag badnaa, maxaase ka dhinaa Steve Jobska Apple ama Iphone, qof waliba si buu u yaqiin, aaway lacagtiisii, aaway aduunkii uu sida wayn ugu dadaalay, aaway wixii hanti uu lahaa ama asxaab. Dhaqaatiirta aduunkan ugu saraysa ee la aaminsanyahay kuligood inta isku tageen ayay wax u qaban waayeen!
Lacagta aad leedahay maxay kuu anfacaysaa, haddii aysan kaa difaaci karin dhimasho ama kaa daawayn karin Cudur yar oo kugu dhaco? asxaabtaada ama awlaadaada maxay kuu qaban karaan, marba haddii ay awoodoodu kusoo aruurtay aan Carrada ku gaddino oo naga qaada maydkiisa yuusan guriga naga qurminee!
Alle swt tusaalo badan waa uu ina siiyay, meel walba ayuuna naga tusay waxa aduunka uu la mid yahay, maxaan ugu cararnaa Aduunka marba hadduu sidaa xaalkiisu yahay? wallaahi qofkii si wayn isku raaciya aduunyadan iyo dhal dhaldhalaalkeeda oo waliba ku kadsooma ayaa qasaaro u sugnaatay.

Rasuulkeena scw ayaa la waydiiyay sababta uu aduunyada wax uun uga tacban waayay? markaasuu yiri ” aniga iyo Saacadda Qiyaamaha Farta murugsatada iyo fardhaxaadka ayaanu nahay, isaga oo tilmaamaya labadaas farood, marka wuxuu yiri marba haddii uu sidaa yahay xaalka aduunyada, oo muddo gaaban la joogayo maxaan iskugu shiddeeyaa?”.
Halkaas waxaan ka fahmi karnaa, khayru khalqillahi ayaa aduunkan hadduu qiimo leeyahay dooran lahaa oo ka doortay Aakhiro, marka walaalayaal aan ku dadaalno, in aan nolosha saxda ah ee joogtada inoo noqon doonta aan u camal falano, meel hebel ayaan aduunkan ka joogaa, Gaari noocaas ah ayaan wataa, Naagta aduunka ugu quruxda badan ayaan qabaa ama ninka aduunkan ugu taajirsan, kulli isku soo wada duuboo in ay wax cunaan oo musqul aadan kama badna.
Allana wuxu yiri “Alle agtiisa waxaa idinkugu karaama badan midka cabsada”marka Alla aan ka cabsano, mar walba oo aad talaabo horey u qaadayso xusuusnow in aad dhiman doonto oo aad noqon doonto Taariikh lasoo dhaafay, camalkaagana uu kugu sugayo Aakhiro, marka walaalayaal aan dadaalno, Allana ha inoo fududeeyo naf dhib badan ayaa nagu xiranee, raalina iga noqda Shiikh ma ihi, balse waa iga dadaal intan, allaha idin barakeeyo intiina khayrka jecel ee ila socoto.

 

AFAR HADAD JECESHAHAY AFAR DARYEEL 

1. Haddii aad Jeceshahay Farxadda Nolashaada, daryeel Caafimaadkaaga.

2. Haddii aad barwaaqada jeceshahayna, daryeel dabeecadda

3. Haddii aad waaritaan jeceshahay, daryeel Caqligaaga.

4. Haddii aad waxaas oo dhan isku jeceshahayna, daryeel Diintaada..

 

              Aduunayadu waa shilin aakhirana waa camal saalix ah

Iyadoo ay jiraan malaayiin xikmado ah waxa aad gebigood ku ogaanaysaa in cissada aduunyadu tahay shilinka, cisada aakhiraduna camalka saalixa ah, Oday ka mid ah odayaasha qaaliga ah ee soomaaliyeed (ma ahan koofi bacle iyo maalin la noole) ayaa wuxuu igu yiri:

– 2 fadhiga ayey ku fiicantahay,

– 2 socodka ayey ku fiicantahay,

– 2 geerida ayey ku fiicantahay.

Labada fadhiga ku fiican waa:

– Gabar oo kuma fiican in ay xaafadaha wareegto,

– iyo Nin deeqsi ah oo markii wax loo soo doontaba wuu ku jiraa ayuu ku fiicanyahay haddii kale waad naxaysaa.

labada socodka ku fiicanna waa…..

– Roobku wuxuu ku fiican in dabayshu marba meel geyso si aysan hal meel dad iyo duunyo isugu imaan,

– Sheekh Caalim ah inuu marba meel cilmiga ka aqriyo ayuu ku fiicanyahay.

labada Geerida ku fiicanna waa:

– Wan koris ah oo derisku leeyahay haddii lugu soo boodo lagaama xigo oo meelna uma qorshaysna,

– Oday hantiile ah oo bakhayl ah oo aad dhaxalkiisa leedahayna geerida ayuu ku fiicanyahay.

 

FIIR GAAR AH

Waan soo xigtay xikmaddan, iimase suura galin in aan helo magaca qofka xikmaddan leh.

La soco qaybaha kale jimca walba insha allah

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN