XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 42aad          

 

                                               1  Xusuusta Dadka

Xusuusta dadka waxaa saameyn ku yeesha mar walba ficilka ama Dareenka aad dareesiisida wanaag iyo xumaanba, ma ahan waxa ay dadka qiimeeyaan qiimaha Qaninimo ama Faqrinimo, ee waa afcaashaada iyo sida aad wax u dareensiiso.

Hubaal waxaa ah in qofku uusan xasuusan Karin 30 Sano ka hor xaaladdaada sida ay ahayd ama heerkaaga nolosha, balse wuu xasuusnaan karayaa ficilka aad u gaysatay waanaag iyo xumaan wuxuu ahaaba, sidaa darted, waxaa wanaagsan in qof walba iska hagaajiyo afcaasha uu dadka kula dhaqmayo si xusuusta dambe ee dadka ay u noqoto mid wanaagsan.

Afcaashaada oo aad wanaajiso waa mid gogol xaar u noqon karta ama saamay ku yeelan karta dhashaada dambe ama adiga naftaada haddiiba waqtigu kugu simo.

Tusaala gaaban waxaa kuugu filan Aayadda 81aad ee Suuratul Kahfi, marka ay isi soo raaceen Nabi Khadar iyo Nabi Muuse, (CSW) oo uu Nabi Khadar u sharaxayay Nabi Muuse sababta uu u toosiyay Darbiga kuwii diiday in ay marti ahaan u sooraan ayuu ku yiri “ waxaa iska leh darbiga laba Wiil oo Agoon ah, darbiga hoostiisana waxaa ku jira kanzi, (khasnad maal ah) sababta sidaa loo yeelayna waxay ahayd doonista uu Alle doonay in ay helaan hantida aabahood meesha ugu duugay wanaag uu aabahood wanaagsanaa darteed.

Hadaba waxaan ka fahmi karnaa meeshaas in wanaaga ama afcaasha wanaagsan ee aad samaysid ay saamayn dambe ku yeelan karto awlaaddaada ama adiga naftaada, sidaa darted, aan ku dadaalno hadalka iyo Ficilka wanaagsan.

Mmusa 

                                                     2 Dhaleecaynta

Dhaleecaynta waxay ku wanaagsantahay wax la hubo oo aqoon loo leeyahay si wanaagsanna looga warqabo, balse, sida aan u badanahay anaga dhamaanteen Soomaali ahaan waxaan mar wlaba dhaleecayn aan loo meel dayin kala dul dhacnaa shaqsiyaadka inoo matala Siyaasadda iyada oo laga yaabo in aanan wax aqoon ah oo gaar ah aanan u lahayn, waxaa laga yaabaa in aan maanta mid saarano oo iska cayno, mid kalana aan amaan uusan mutaysan Dusha u huwino,  

Runta marka laga hadlo waxeena oo dhan waxay ku dhisan yihiin Malo, maladana waa Dambi sida ay Diinta inoo sheegtay, wararka aan ku eedayno in Madaxda siyaasadda ay ku lug leeyihiin waaa warar uu qof nala mid ah qoray kaas oo aan soo xigano oo kaliya, balse, aana Faxsi ama baaritaan dheer run ahaanshihiisa aanan ku suubin.

Hadaba marka wax la dhaleecaynayo waxaa wanaagsan in waxaas la dhaleecaynayo Xog Xaqiiqa ah laga hayo si looga fogaado khadafka dadkaas muslimka ah, adigana aad uga fogaatid in aad carabkaaga ama qalinkaaga aad wax ugu gaysato Qof laga yaabo in uusan aqoon u lahayn amaba aan ka war qabin in aad Dunida dhinac uga nooshahay oo Qof jiro aad tahay.

Mmusa

                                            3 Dhaawaca Dadka

Marka ay dadka qaar kuu gaystaan dhaawac aadan ka mudnayn kasoo qaad in ay la mid yihiin wax aan qiimo lahayn, waa laga yaabaa in ay Xagasho yar kuu gaystaan, balse, ma ahan kuwa wax yeelayn kara waxa aad u dhalatay ee wanaag ah, ugu dambayntana ayaga ayaa qiima la’aan ku dhamaada adigana qiimahaaga ayaa saaida.

Mmusa 

                                                               4 Iska cafi

Shalay dhib badan ayaa kugu dhacay, Dad aad taqaanid ayuuna kaaga yimid, Xanuun badanna waad u martay in aad ku sammirto xanuunkaas lagu xanuujiyay, balse, way kugu adkaatay in aad iska cafiso dadkaas.

Iska cafi dadkaas, maxaa yeelay cafisku wuxuu gogol xaar u noqdaa bilaabidda bog cusub oo noloshaada ah, sidaas si la mid ah wuxuu wanaajiyaa xiriirka mustaqbaleed ee dadkaas idin dhex mari kara.

Hadaba Gafka lagaa galo wuxuu u qaybsami karaa nuucyo badan, balse waxaa jira gaf aad naftaada ka gashid kaas naftiisa waxaa la doonayaa in aad iska cafiso nafsiyan oo wax khalad ah oo naftaada aad u gaysatay aysan ku dambayn shalllaayid iyo Cabsi aad ka suubiso dhanka hor u socodka.

Waxaa kaloo jira Gaf aad ka gashid ama uu kaa galo qofka lamaanahaaga ah isagana waxaa la doonayaa in aad iska cafisid, cafis la’aanta waa mid sii baahiso cadaawadda labada qof sii dhex marta, amaba waxaa la dhihi karaa waa mid sii abuurta Cadaawad badan, sidaa darted, si looga hortago cadaawadda oo baahda waa in cafiska lagu dadaalaa,

Inta badan aad wax cafisid waa inta badan aad guul gaartaa, hubaal waxaa eh in Qofka cafiska badan aan mar walba laga guulaysan, waa laga yaabaa in dadka qaarkii ay kuu arkaan Qof Nacas ah oo waxba aan iska dhicin, balse taas ma ahan mid ka tarjumaysa waaqicaaga dhabta ah.

Muhiimaddda ma ahan waxa ay dadka kaa aaminaan, muhiimadda waa waxa aad naftaada ka aaminsantahay, in naftaada aad ku kalsoonaato waa u muhiim hor usocodka noloshaada haddii taa la waayana oo aad danayso waxa ay dadka kaa aaminsan yihiin, waxaa tahay markaas qof aan isaga isku noolayn ee u nool dad kale mar walbana dadka raali galinaya ama qancinaya.

Ma jiraan wax ka muhiimsan in naftaada aad qanciso ama aad raali galiso, hadaba waxaan oran lahaa qofka in uu isaga is cafiyo ayaa gogol xaar u noqon karta in uu dadka kale ee wax ka galana iska cafiyo haddii naftaadu aysan u carbisnayn cafiska markaas waxba ma cafin kartid, maxaa yeelay, waxay la mid tahay wax aadan aqoon u lahayn oo suubi lagu dhahay.

Mmusa

                                                              5 Mahad naqa

Qofka marka uu ku dhex jiro barwaaqada ama baraaraha aan xasuusan in lagu leeyahay mahad celin, marka uu dhibka la kulmo xaq uma lahan in uu eedeeyo qof ama wax kale oo gaar ah, maxaa yeelay qofkaas waa qof aan garanayn waxa uu yahay, balse garta marka uu dhibaatooda oo kaliya.

Dhabta marka laga hadlo dhib iyo dheefba waad la kulmaysaa noloshadaa, waxaasa loo baahan yahay in labada dhinacba marka aad la kulantid uu mahad naqaagu bato, si aad u noqoto qof mar walba garawsan waxa uu yahay iyo waxa loo yaboohay qimaha ay leeyihiin

Mmusa

                                                          6 Nasiib xumada

Nasiib xumada waa qayb ka mid ah xaaladaha nolosheena la soo darsa, sidaa darteed ma ahan in uu qofku isku eedeeyaa nasiib xumo, hadda ka hor ayaan la kulmay Qof mar walba ku hadaaqaya in uu nasiib xun yahay oo wax walba oo uusan doonayn noloshiisa ay ku dhacaan.

Is eedaynta nuucaas ah uma wanaagsana qofka iimaanka leh, inta aanan iimaan la gaarin umaba wanaagsana ayaa la oran karaa qaab nololeedka qofka, maxaa yeelay, nasiib iyo nasiib darraba waa kugu dhacaan nolosha, marka aad xisaabinayso nasiib darradaada aaway xisaabta inta nasiib wacan ee kusoo martay?  waa iska dabeecadaha Aadanaha in Wanaaga ku dhaca uusan u xisaabsnayn ee waxa xanuujiyaa mar walba ay yihiin Xumaanta.

Hadaba waxaa wanaagsan in qofka marka uu wax tabanayo uu miisaan saaro waxa uu ka cabanayo iyo waxa uusan ka cabanayn, hubaal in noloshu ay miisaamantahay, mana jirto qof si gaar ah loogu beegay nasiib darro ama nasiib wanaagsan, wax walba waa Labo sida uu Alle sheegay qof walbana labada dhinac wuu la kulmayaa.

Sidaa darted, wax nasiib darro la dhaho ma ahan in uu qofku isku eedeeyaa, maxaa yeelay nasiib darrada qofka ku dhacda ma ahan mid wakiil ka noqon karta ama wax ka dhimi karta amaba wax kusoo kordhin karta Qaddarta qofka Rabiga xagiis looga qaddaray, sidaa darted, waxaan ku dhihi lahaa haddii aad ka mid tahay Dadka aaminsan in nasiib darro ay la dagtay, ka saar madaxaaga quraafaadkaas oo dib u xisaabi inta nasiib wanaagsan ee kusoo martay.

Mmusa 

 

                                                7 Saddex talaabo

Saddex talaabo qofka in uu noloshasiisa ku saleeyo waa u muhiim, haddii uusan saddexdaas ku salayn qaabka uu u noolyahay waxaa laga yaabaa in uu ku dhaco jahwareer, kaas oo sababa in qofku isku dhex yaaco oo wax u dhadhamaa aysan jirin, hadaba saddexdaas talaabo waa maxay?

1 qofku waa in uu awood u yeeshaa koontaroolidda naftiisa mar walba, iyo xaalad walba, ma ahan in qofka ay bad baddalaan xaaladaha Nolosha, waa in uu qofku leeyahay sugnaasho dhab ah, uuna garan karo waxa uu doonayo iyo waxa laga doonayo.

2 waa in qofku ku tacaluuqiyaa hadafkiisa nolosha hal ama laba sheey oo uusan wax ka badan qorshaysan, waa laga yaabaa in is bad baddalka xaaladaha ay keenaan xaalada kale oo aan lagu tala galin, balse, ka hor inta aysan xaaladahaas imaan waa in uu qofku habaysnaadaa hadafkiisuna uu yahay mid meel kusii jeeda, waxa uu doonayo gaaritaankoodana ay noqdaan wax xaddidan, haddi qofku uusan sidaas isku xaddidin, wuxuu noqonayaa qof la socda Dabaylaha oo waxa uu u socdo aanan aqoon, sidaasna ay ku dhamaato noloshiisa isaga oo waxba gaarin.

3 iska illow wax walba oo ku dhaawici karaa, waa qaybta ugu dambaysa taladeena ka kooban saddexdan talaabo, dhaawaca qofka jismi ahaan ama maskax ahaan usoo gaaro waa mid xanuun badan haba ugu darnaado kan Maskaxda, sidaa darteed, waa in uu qofku iska ilaalshaa wax walba oo dhaawac u keeni kara.

Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN