XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

xf

                                                        XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 9aad

Alla Hooyooy oo astaan u noqotay, Soomaalida Xabsiyada ku jirta

 

Alla hooyooy oo astaan u noqotay, Soomaalida Maxaabiista ah ee ku jirta xabsiyda Yurub, waxaan la kulmay, oo ii warramay mid ka mid ah asxaabtayda ee aan aadka isugu dhownahay oo dhawaan ka yimid safar xagaa iyo galbeedka ah,wuxuu ii shegay dhowr waxyaabood oo aan la yaabay balse aan kasoo qaatay sadex waxyaalood, sadexdaas oo aad hoos ka arki kartaan
1 wuxuu ii sheegay in Dhallinta Soomaliyeed ay Daroogada iibiyaan, ayaga oo aan Khibrad u lahayn sida looga badbaado Askarta sidaana loogu gudbiyo xabsiyada waaween ee dalalkaas, xabsiga marka loo gudbiyana ay kula kulmaan Tacaddi aad u xun, ayaga oo u gacan gala Caddaanka murqaha waaween ee kula jira xabsiyada sidaana lagu kufsado dumar iyo ragba waxa ay yihiin.

Waa arin aad u murugo leh! habeenkii dadka xabsiyada ka shaqeeya, ama xabsiga ku jiri jiray oo kasoo baxay, waxay sheegeen, erayga kaliyah ee laga maqlo meeshaas uu yahay “Alla Hooyooy” oo ah, baroor uu qofku maciinsado marka ay xaaladdiisu xuntahay.
2 in Dumarkii Soomaliyeed qaar ka mid ah ay Addoomo u noqdeen raga ajaanibta ah, bulshada soomaaliyed oo lagu yaqiinay la yaabidda ay la yaabaan guursiga ay guursadaan dumarka soomaalida raga ajaanibta ah waxaa dhacdo marka ay Gabari guursato Nin Ajnabi ah in ay ka dhex go’do bulshada kale oo la takooro, maadaama aysan bulshadu jeclayn qofka noocaas ah, hadaba waxaa is waydiin mudan maxaa ku dhaco gabadhii guursataa ajnabiga?

.
In Ninka Ajnabiga ah uu ogaado, in gabadhan aysan lahayn cid aan isaga ahayn, wuxuuna bilaabaa in uu ku tunto xaqeeda oo uu sida uu rabo u isticmaalo uguna xad gudbo.
3 waxaayaabah ugu yaabka badan ee aan ka dhagaystay saaxiibkaa ii sheekaynayay waxaa ka mid ahaa, in qof dhan oo Soomali ah waliba uu qofkaa soomaliya ka yimid oo uusan ahayn qof meesha ku dhashay uu wato Eey! subxaanallah, haduu Allah iftiinka kaa il qabto meel aad u iilato ma jirto.
Walaalalayaal dhibatooyinka waa iska badanyihiin, kolayba qoraal laguma soo koobi karo, ee waxaan idin dhihi lahaa qof walba qofka agtiisa ah ha ugu naseexeeyo wanaaga,

Soomaali dantii laga lahaa waa laga gaaray, ayaga oo kala Diin ah waa la hayaa maaanta, ayaga oo kala af ahna waa la hayaa maanta, marka Allaha ina waafajiyo towfiiqda waana mahadsantihiin.

                                                     ALLA MAXAA?

Maxaa dad badan oo loo hamuun qabay, laga quustay!

Maxaa dad badan oo la is lahaa, meel ayey bulshada uga soo bixi doonaan lagu hungoobay!

Maxaa dad badan, camalkooda xun Alle u qurxiyay oo ruuxii runta u sheegaaba u haystaan jaahiliin!

Maxaa dad badan ilbixnimo intay maqleen xitaa wax ay xayaawanada ka xishoodeen ayagu ilbaxnimo moodeen!

Maxaa dad badan oo iftiin ku jiray uu Alle iftiinkoodii Mugdi ugu baddalay!

Maxaa dad moodeen aduunyadan goob lagu waarayo oo riyo been ah u shidantahay!

 

QANAACADA

Qanaacada micnaheeda maahan in aad wax walba hesho ama aad haysataa ee waa in aad ka heshaa qanaacada ama kasoo dhex saarataa naftaada wax walba oo aad qabanayso ama haysato.
Waad heli kartaa Qanaaco adiga oo xaalad adag ku nool, balse taas macnaheeda maahan in haddii aad qanaaco hesho aadan xaalad adag ku noolaan karin.
Sidoo kale adiga oo ku nool xaalad farxadeed oo heerkeedu sarreeyo ayaad qanaaco la’aan ahaan kartaa, taas macnaheedana waa in qanaacadu aysan ku xirnayn hadba xaaladda aad ku sugantahay ee ay ku xirantahay sida aad u samayasato ama aad u raadsato.

 XAALADAHA HA KA CARARIN

Waxba hala diririn Xaaladaha ay noloshu kuula timaado, u ogolow Xaalad walba oo kusoo wajahdo in ay qayb ka noqoto noloshaada, maxaa yeelay waxaa tahay mid aan ogayn waxa ku dhacaya iyo waxa uu ahaan doono, halka khayrka iyo sharta ah u ah.

Waxaa laga yaabaa wax badan oo aad u aragtid Shar in ay khayrkaaga yihiin, dhabta ayaa waxay tahay in noloshaada ay kor iyo hoos isku baddalayso waqti walba, waxaa wanaagsan marka in laga hortago dhibaatada marka la arko baaxadda saamaynteeda, waaba haddii waqtiga adag uu kuu yimaado.

Sidaas si la mid ah haddii waqtiga wanaagsan uu kuu yimaadana waxaa wanaagsan in laga fakaro qaabka loogu raaxeesan lahaa iyada oo la xad gudbin, macaanka lama dareemo ilaa la dhadhansho.

Hadaba waqtiga waa sidaha farriimo dhinacyada badan, ma ahan marka in aan ka cararnaa inaga oo arkin waxa ku jura Baqshadda uu waqtigu noo sido.
                                                     Ma dhintaan miyaa?

Waxay u nool yihiin sida ayaga oo waligood dhimanayn lana maxkamadaynayn oo la waydiinayn waxa ay faleen!

Wey dilayaan, wey dhacayaan, wey kufsanayaan, wey xamanayaan, wey xaqirayaan, wey yasayaan, wey isla wayn yihiin oo maba oga in baahidooda oo kale ay Dad qabaan, damaca iyo raaxada ay doonayaana dadka oo dhan ay doonayaan.

Si ay u raaxeestaan ayey dambi badan u galaan, nafaf badana u haligaan, wax badan u dhagraan, maalinta ay dhimanayaana waxay u dhintaan sida ayaga oo aan sakan nolol ah arag!

                                               XUKMINTA KHALDAN

Dadka waxaa u fudud in mar walba ay qofka ku dhajiyaan xukmin khaldan taas oo ka timaada sida badan ficilka uu qofku sameeyo, qofka mar walba ma ahan mid isku xaalad ku sugan, maanta wuu wanaagsanaan karaa barina wuu xumaan karaa amaba waxaa laga yaabaa in xilliyo xun ay iskugu xigsadaan qofka, markaana afcaalihiisa ay is baddalaan, balse mid ayaa wanaagsan in la wada ogaado, in qofku uusan ahayn ficilkiisa ee uu yahay sida uu u dhashay, ficilka waa mid ku yimaada xaaladaha kala gaddisan ee uu waqtigu keeno, sidaa darteed ma wanaagsana in qof aan ku shabbadayno ficilkiisa oo aan dhahno hebel waa qof xun ama waa qof wanaagsan ficil aan maanta ka aragnay dartiis.

Qofka sidiisa ayuu ahaanayaa, dadkuna waa kuwa isku baddala sida waqtiga isku baddalo, dhabta ayaa waxay tahay in waqtigu uu yahay kan maamula dabeecadda iyo dhaqanka qofka, hadaba maadaama Alle uu maalinta Qiyaamo qof walba xisaabtiisa hor dhigayo oo dunida qof lagu xukumayo uusan jirin, maxa inoo diidaya in aan sugno qofka inta ay inoo kala caddaanayso halka uu ku biyo shubto, su’aashuse waxay tahay goormee qofku kala caddaan karaa?

La soco qaybaha kale jimca walba insha allah

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN