XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

xf

                                                XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 10aad

                      KALA DUWNAANTA DHIB MA KEENTO

Iyada oo ka hadlaysa qiimaha iyo kala duwanaashaha u dhaxeeya dadka nolosha wadaaga ayay waxay tiri “ ninkaygu ma ahan mid dhamaystiran mar walba waxaan dareemayaa in ay wax ka dhiman yihiin, marka aan dareenkaas qaadana waa marka aan ka waayo wax aan u baahnaa ama ay ii suura gali wayso himilo badan oo xagiisa aan ka tuhmayay, iyada oo garta caddaalad ka muujinaysa ayay sii raacisay in iyada xitaa aysan dhamaystirnayn oo mar walba ay wax ka dhiman yihiin marka loo eego dareenka ninkeeda xagiisa ah, balse, waxay ka gaabsatay xilliga uu dareemo ninkeeda in ay wax ka dhiman yihiin xilliga uu yahay.

Sharraxaad iyada oo ka sii bixinaysa dhamaystir la’aanta dhexdooda taalo ayay waxay tiri “waxaas oo dhan waxaa u sabab ah kala duwanaashaheena xaga abuurista iyo dareenka uu qof walba kan kale u hayo, micnaha in lagu kala duwan yahay xaga fikirka iyo dookha iyo rabitaanka kale, ku dar oo ha ka reebin nolosha lagu kala nool yahay ama la iskula nool yahay iyo tan lagu soo bar baaray, waxay tiri wax walba ma saxsana wax dhamaytirana ma jiraan”

Hadalka ay ku hadlayso iyada oo lala sii yaaban yahay oo qof walba afka gacanta u saaran tahay la isna leeyahay maxaa ku dhacay gabadha oo ay ninkeeda iyo iyada waxa ay ku kala duwan yiiin ama ay ku kala liitaan usoo bandhigtay ayay dadkii meesha taagnaa hal mar ugu beer qaboojisay ugana yaabsatay in ay aad isku jecel yihin ninkeeda, inta ay soo sheegtayn aysan macna badan lahayn, waxa macnaha lehna ay tahay dhabta ay ku nool yihiin iyo sida ay raaliga uga wada yihiin in qoyskoodu sii wada jiro.

                                      JACAYLKA IYO DHAAWACA

Jacaylka aad qof jeclaatid marnaba dhaawac kuuma noqon karo oo waa kuu farxad jawigaaga nolosha wax ka baddasho, balse waxaa la yaab leh in qofku marka uu waayo ama uu ka tago qofka uu jeclaa in uu meel la seexdo ama la walbahaaro dhaawac Qalbi oo saamayntiisa yeelan kara.

Waasa iska dabeecadda Aadanaha in marka ay wax doonayaan ay u muusoodaan, mark ay waayaana ay sawirtaan sawiro kale, kuwaas oo fariin aan qurxnayn qalbiga u dira ugu dambayntana ka muuqato jirkooda iyo muuqaalkooda.

Hadaba su’aashu waxay tahay in aad wax jeclaato awood waad u yeelatay, wax walba oo aad kala kulanto ama aad ku hirgalin lahayd jiritaanka farxaddaas jacaylkana waad u diyaarsanayd, waa maxay sababta dhaawac kugu abuurta oo adkaysimadii aad u haysay jacaylka aad ugu hayn waysay in aad ugu samirto dhibaatada aad la kulantay ee kaa soo gaartay xaga qofka kula waday jacylka?

MAANTA BARRI MAAHAN!!!!

Xaaladaha dunida waa kuwa is baddal badan, marnaba kuma jiraysid xaaladda aad maanta ku jirtid waa hubaal taas, maxaa yeelay waqtiga ayaaba kuu ogolaanayn ama dabeecadda nolosha ayaaba sidaas loo abuurin, waa xilli ku meel gaar ah inta aad faraxsanaan kartid ama murugaysanaan kartid.

Ma ahan in aad nolosha u sawirataa in sida aad jeceshahay ay mar walba ahaanayso, xaqiiqda nolosha maba ahan sidaas, qofka sidaas ku fakarayana waa qof aan fahmin, maanta ayaanka ay tahay ma ahaanayso barrito, oo sida ay maalmaha isku dhaafaan ayey xaaladaha isku dhaafi doonaan, waasa maangaabnida Aadanaha oo maskaxdooda ayaa mar walba sawirato waxa ay ku dhex jirto, taas oo sababta in qofku hadduu Badraan yahayna uu sii lumo, halka dadka qaar ay ka qaadaan nimcada Caqli sababa in ay dib usoo laabtaan ogaadaana in la imtaxaanayo.

Kan murugada ku jira ee xaalku ku cuslaaday ee meel walba ay kasoo xirantay xaalad aad u adag oo markaa uu ka dooran lahaa ka haajirid uu nolosha ka haajiro,waxaa muhiim u ah kaas in uu ogaado in arrinkiisa aan la moogayn ee la eegayo heerka uu gaarsiisan yahay samirkiisa.

Dadka mar walba oo wax la tusaalaynayo waxaa wanaagsan in tusaale loogu soo qaato wax ay arkeen ama ay fahmi karaan, halka uu warka u dhacay ayaa ah in marka ay arrinta kugu cuslaato duco badan oo aad gantayna aqbalaaddeeda sida aad rabto aadan u arkin, waa in aad xusuusnaataa markaa in lagu imtixaanayo oo rabi uu kor kaa eegayo bal heerka aad gaarto, Macallinka imitixaanka qaadayo mar walba waa mid dul taagan ardayda oo eegaya oo kaliya waxna aan ku oranayn, aamusnaantiisa iyo daymadiisana ay badan yihin, hadaba samirka badi, Xaaladda culus waa sida maanta ay u timid oo aysan bari maanta u ahaan doonin.

                                            Xumaanta iyo Wanaaga

Haddii aad tahay qof Mas’uul ah ama bulshada ka dhex muuqda mar walba waa in aadan kula yaabin dadka in xumaantaada ay sheeg sheegaan waayoo wanaagaaga cid uu wax u dhibayo maba jirto oo waa waxa uu qof walba doonayo in lagula dhaqmo ama la tusiyo, balse, xumaan yar marka ay kaa dhacdo waaba kaa dhacaysaa ileen Bani aadam ayaa tahee markaas waxaa hubaal ah qaad qaadka xumaantaas in heerka la gaarsiiyo ay tahay heer aad xitaa naftaada aad ka shakiso amaba aad isku mooddo in aad tahay Qof xun.

Xaqiiqda ayaa waxay tahay in xumaanta sheeg sheegiddeeda ay dadku u nugul yihiin, maadaama Sharta ay ka dheerayso Khayrka, balse khayrka uu ka saamayn badan yahay sharta, hadaba waxa xumaan lasoo bandhigayo dunida ama la sheeg sheegayo waxba yaysan kugu abuurin la yaab, ee u fahan in xumaanta faafinteeda ay dabeecadda Aadanaha qayb ka tahay.

                                        DADKA IYO SAAMAYNTOODA

Waa qasab in dadka noloshaada ku hareeraysan ay dhinac u bataan wanaag iyo xumaan marka laga hadlayo, balse, taas ma ahan midda macnaha badan suubinayso, waxa macnaha suubiyo ayaa ah saamaynta ay kugu yeeshaan iyo sida ay u baddalaan dadkaas noloshaada.

Laga yaabee in dadka qaarkii ay ku doodaan in qofna uusan qof baddalin, taasise ma ahan dhabta jirta ee waa mid ku salaysan Malo meel loo cuskadaa aysan jirin, waa hubaal in dadka aad mar walba la dhaqanto ama aad wax la wadaagto in wax badan aad kaga dayato nolol ahaan dhinac ay doonto ha noqotee waana intaas waxa laga hadlayo, sidaa darteed, qiimaha daran ay leeyihiin dadka wanaagsan ee kugu hareeraysan ma ahan waxa aad ka heshid xagooda ama aad kaga dayato, muhiimadda ayaa waxa ay tahay sida wanaagsan ama xun ee ay noloshaada isku baddasho saamayta ay kugu yeeshaan dadkaas darteed.

DULQAADKA

Adkaysiga iyo dulqaadka waa macallinka ina bara wax badan oo ka mid ah qiimaha nolosheena, ma ahan oo kaliya in adiga oo kaliya aad wax ka baranayso ee waa in dadka qaarkiina aad tusaale ugu noqon karto dulqaadka iyo adkaysiga.

Nolosha waa mid taxana ah, oo la iskaga daydo, qofba qof ayaa u ah bidhaan uu is leeyahay gaar, taas oo macnaheedu yahay in kuligeen aanu wada nahay tusaalaha dad kale, ama dad kale ay inoo yihiin tusaala aan doonayno in aan gaarno.

Hadaba dulqaadkaaga maanta waa faa’iidadaada barrito, hubaal in dulqaadka qofka leh uusan marnba qasaarin, dulqaadku wuxuu la mid yahay cashir aad maanta baratay kaas oo faaiido guud ku leh noloshaada oo dhan, hadaba samirka iyo dulqaadka in la badsho waa muhim.

                                           CADCEEDDA IYO DUUFAANTA

Xusuusnow in qof walba uu ku doonayo marka aad ladantahay caafimaad ahaana aad joogto, balse marka Duufaanta dhibaatada kugu kacdo oo boorku ku qariyo waa markaas marka uu qof walba wajiga ka dadanayo aragaaga, qofka markaas kusoo aado iskuna dayo in uu kaa tiro boorka ama kaa dhaqo waa qofka la doonayo in aad xajisato. Dadku waa kuwa ay keento dabeesha macaan dhamaantood inta xun iyo inta san, balse marka ay duufaantu kacdo waxaa la kaco oo duufaantaas dhinac ka raaco intii xumayd ee aan adkaysiga lahayn amaba aysan daacad ka ahayn la jirka ay kula jireen, hadaba, dabeesha kacda sabab ay u kacday ayaa jirta, ma ahan in ay adiga kaliya dhibaato kuu tahay boorna ay kugu qarisay, ee waxay kaala kacday kuwa ku dul saarnaa ee aad u moodday in ay qaali kugu ahaayeen.

Hadaba cadceedda quruxda badan waxay la timaadaa Dad wada qurux badan waji ahaan, balse qalbi ahaan aan la aqoon Karin, halka duufaanta ama dabeesha kacdo ay la kacdo kuwa qalbiga ka foosha xun, waxayna reebtaa kuwa qalbiga qurxoon.

                                                           FAANKA

In lagu faansho ama aad faanto waad jeceshahay, inkastoo in la faano aan la wada jeclayn balse laga wada siman yahay in aan wada jecelnahay in nala wada faansho,waxaa jirto su’aal aan wali la is waydiin miisaan ahaana la muujin taas oo ah in faanku uu wax ka baddali karo dhabta aad ku jirtid ama xaqiiqda taagan ee aad tahay, is waydiintaas aniga ayaa is waydiiyay waxaana helay in wax macna ah uusan soo siyaadin faanka bal, la dhihi karo wuxuu sababaa in qofku been ama dhalanteed aan dhab ahayn uu ku noolaado, taas oo seejisa wax badan uu qabsan lahaa iyo wax badan uu noqon lahaa.

In la faano soomaalidu waxay ka tiri in qofku is nuugay, qofku hadduu is nuugana isaga ayaa is jaqay mooyee cid uu wax u dhibay ama ka dhibay ma jirto, si kale haddaan u dhigo sharaxaaddaas waa in aad isla adigii tahay oo faanku waxba ku kordhinayn shaqsiyaddaada iyo Xaaladda aad markaa ku sugantahay.

la soco qaybaha kale Jimca walbe insha allah

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN