XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 57aad

                                           1-Iska caabinta naftaada
Talaaba kasta oo qaadid caqabaddeeda ayey leeyahay, marka aad doontid in aad is baddal samayso waxa ugu horeeya ee caqabadda kugu noqda ayaa ah naftaada, sababtana waa in naftu aysan jeclayn isbaddalka.

Mmusa

2-SALAADDA, SADDAQADA, WAALIDKA
Inta badan ay saddaqadaadu badato waa inta badan ay Irsaaqaddaadu siyaaddo.
Inta badan uu qushuucaaga Salaadda bato, waa inta badan ay farxaddaadu siyaaddo.
Inta badan ee aad waalidkaaga Baari u noqoto, waa inta badan ee ay guushaada nolosha badato.
SHACRAAWI

3-Abeesada

Abeesadu waxay leedahay Jir macaan oo jilicsan, afkeedase waxaa ka buxuu Sun qofka ay  la hesho uu nolosha waayo ama qatar galo, sidaas si la mid dadka waxaa ku jiro kuwo Carab macaan balse qalbiga ka madow.
Georges Bernard Show

                                              4-Dumarow waxaad u qalantaan  fahma.
Mar walba waa muhiim in aad kala garato marka aad tahay qof dumar ah oo dhalinyar hadana u nugul quudashada xiriirada kala duwan qaasatan midka aad is leedahay hooskiisa harso oo ku dag.
Waxaa haboon in aad mar walba qiimayn isku samayso dumar ahaan oo aad fahanto qofka aad wax la wadaagaysid in uu bal ku siin karo xaqaaga iyo waxa aad dumar ahaan u qalanto, waxaa kaloo muhiim ah in aad kala garato marka aad ku sugantahay, xriir xeeladaysan oo xaqaagu ku maqanyahay micnaha xiriir lagugu xad gudbo.
Bal aan is waydiino waxa uu yahay xiriirka xeeladaysan ee meel looga dhaco xaqa dumarka ama xiriirka xad gudubka?
Waa xiriir awoodda loo wada siman yahay uu qof gooni ah ku takri falo, waa xiriir loogu awood sheegto mid ka mid ah labada wax wadaagaysa, waa xiriir uu aaminsan yahay mid ka mid ah labadaas qof in qofka kale uusan wax hogaamin karin, waa xiriir labada qof mid lagu jiifo mar walba .
Xiriirka nuucaas ah waxaa loo yaqaanaa xiriirka sarqaanka, maxaa yeelay, waa mid si gooni ah kaaga riixaya asxaabtaada iyo qoyskaaga iyo wax walba oo shaqsiyaddaada aad ahayd ama jeclayd, waana mid kuu riixaya Xabsi aad u gasho qofkaas aad jeceshahay, balse aan garan karin xaqaaga iyo waxa aad u qalanto.
waa in aad fahanta in aadan xaq u lahayn in aad qof la haysto u noqotid oo xornimadaada iyo qaybta aad ku leedahay kaxaynta ama shakaal u qabashada xiriirka idinka dhaxeeya aad qayb muhiim ah ku leedahay.
Dumar ahaan waa in aad fahantaa waxa aad u qalanto iyo qiimahaaga, sidoo kale waa in aad kala saari kartaa ama kala saartaa jacaylka iyo xad gudubka marka aad dabalaanayso iyo marka lagu quusinayo Badda halaaga ee jacaylka lagu magacaabo, micnaha lagugu xadgudbayo.
Jacaylka aad u qaadayso ninka ama la wadaagayso waa in uu noqdaa mid labada dhinacba ka jaan qaadaya, sidoo kale waa in uu noqdaa mid la isku aqbalayo waxa la yahay, qof walbana kan kale uu fahmi karo xaqiisa iyo waxa uu mudan yahay.
Adiga dumar ahaan xaq ayaad u leedahay ixtiraam, Naxariis iyo la tashi, haddii aad qalbigaada dhiibtay u adeegidda aad u deegaysid lamaanahaagana ay tahay mid ku qotonta jacaylka aad u qabto, waa in uusan isagu u fahamin lamaankaaga in taas ay tahay mid xaq u siinaysa in uu xaabsado wax badan oo uusan xaq u lahayn xad gudubna uusan kugula kicin .
Hadaba dumarow garta xaqiina, xad gudubkana ka dhiidhiya, waxaa tihiin horyaalka umadddan.
Mmus

5- Magaca Jacayl
Fasiraadda laga bixiyo jacaylka waa mid aan halkan lagu soo koobi karin, qof walba sida ula qurux badan oo dareenkiisa ah ayuu u fasiraa, haba ugu waynaato ama ugu muhiimsanaato fasiraaddaas la bixinayo macna ahaan mid markaa loo dhawayn karo xaaladda uu qofku ku jiro.
Dadka qaar jacaylku waa u qurux, qaarna waa u culays ay dhibsadaan qaadiddiisa? Halka dadka qaar uu ugu dhigan yahay dareen la maamuli karo oo marka la doono lala muusoon karo marka la doonana la iska indha tiri karo.
fasiràad walba oo loo nisbeeyo ma ahan mid aan inkirayo ama aan dhahayo middan midda kale ayaa ka fiican, dhamaan maadaam uu yahay waxa la fasirayo iyo wax uu qof walba si gaar ah u dhadhanshay waxaa la dhihi karaa fasiraad walba oo laga baxsho waa mid leh dhadhankeeda, maxaa yeelay, koox walba oo dadka ah kooxda kale ayey ku dareen tahay ama ku xaalad tahay.
Sidaas darteed, macnaha jacaylka waa mid marinno badan macaan iyo qaraarba wuu leeyahay, waxaa kaloo laga dheehan karaa in uusan ahay jacaylka wax dagan oo lala socon karo, waa wax sabbayn badan oo marba dhinac kuula ciirayo.
Maadaama uu jacaylku dhadhan lahayn haddii qof kula daadihinya uusan jirin, daadihintaas oo noqon karta dhan walba, waa qasab in uu caqabad lahaadaa dareenka jacayl ee aad markaa sheeganayso ama weheshanayso, hubaal in qof jacayl qabo uusan harsasho uu hoos harsado uusan si joogta ah u heli karin, hadaba, is waydii sababta wax aan daganayn oo dhadhan joogta ahna lahayn loogu tilmaamay ama loo siiyay magaca Jacayl.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

                                             6-Nacaybka waa Cudur

Nacaybku waa cudur laabta ku dhaca, dawadiisana lama helo, ee isku day in aad ka bogsato haddii uu ku hayo.
Mmusa

7-Safarka Nolosha 
Qof walba oo noloshaada qayb ka ah waxaa loogu tala galay in uu qayb ka noqdo safarkaaga nolosha, looguma tala galin in uu waligii qayb ku lahaada noloshaada, waqtiga ayaa keenay, isla waqtigaas ayaana wadaya, u ogolow dadka qaar in marka ay doortaan in ay safarkaaga ka haraan ay ka haraan, waxba ha u murugoon, hana u qiiroon, aqbal sida ay tahay in ay noqoto.
Mmusa

                                                8- caqligaada

Caqligaada ha ku mashquulin wax walba oo ku murug galsha.
Qalbigaada ha siin naxariis laawaha.
Waqtigaada ha ku lumin wax aan nafci kuu lahayn.
Mmusa

9-Ku dadaal qoridda

Ku dadaal qoridda waxa qalbigaaga ku jira, maxaa yeelay, qofku wuu la tagayaa waxa uu yahay ama ogyahay maalin ay noqotaba, balse, qoraalka wuu waarayaa, wuxuuna sheegayaa sheegina doonaa waxaad aragtay ama ku fakartay wanaag iyo xumaanba inta aad noolayd.
Mmusa

10- Dhibanaha 
Waxaanu ku noolnahay duni uu kan wax haysto hogaanka u hayo, kan aan wax haysana la hogaansho, misana uu yahay dhibanaha dhabta ah.
Mmusa

11-Ha sugin 

Ha sugin in faan iyo falsafad kale aad ku garatid qiimaha naftaada, garo qiimaha naftaada adiga oo waxba ka sugin dad kale.
Mmusa

                                                  12-Farkaka iyi Waqtiga 
Xaaladaha fakarka waa kuwa isku baddala sida maalmaha oo kale, fakarka aad aaminsantahay waxaa loo baahan yahay in uu la socdo waqtiga aad joogto.
Qofka ku dhagan fakarakiisa mar walba oo aan wax ku qiimayn hadba heerka la taagan yahay, wuxuu la mid yahay qof haysta Seef oo dagaal kula jira qof Rasaas ridaya.
Mmusa

13-Carrabka iyo Akhlaaqda
In aad faqrinimo ku nooshahay, foolxumana muuqaalkaada ay kaa muuqato ma han mid aad ceeb ku leedahay, maxaa yeelay, awood iyo arrinba kuma aadan lahayn oo xagaaga go’aan ka yimid ma ahayn, waxaasa ceeb ku leedahay, foolxumada carrabkaaga iyo Akhlaaqdaada.
Mmusa

14-Mararka qaar 

Mararka qaar waxaanu jeclaanaa Waddan, Magaalo, Umad, ama Qoys, sababtuna waxay tahay qof ayaga ka mid ah ayaa saamayn nagu yeeshay oo na jecleesiiyay.
Shekespear

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN