XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 65aad

                                                     1-Hooyadaa
Hooyadaa mar walba Boqor ay dhashay ayaad u tahay, adigase boqorka la dhalay ah maxaad ka aaminsantahay hooyadaa? maxaase magac ahaan u siin lahayd hooyadaa oo ku magacaabi lahayd?
Mmusa

2-Ii malee
Ii malee mar walba in aan ahay kan ugu sarreeya dadka, in aan ahay kan ugu fiican dadka, in aan ahay kan ugu daacadsan dadka, in aan ahay ku ugu miskiinsan dadka, in aan ahay kan ugu adag dadka, in aan ahayn laba wajiile, in aan ahay Daacad, in aan ahay Naxariis badane, in aan ahay Samafale , in aan ahay wax walba oo wanaagsan, dadka sidaas ii maleeya waa kuwa i jecel iguna qaali ah, kuwase sidaas aan iigu fakarin waxba iskuma nihin anigana inta aad ii malayso ayaan kuu maleeyaa.
Mmusa

3-Jacaylka dhabta
Jacaylka dhabta ah uma baahna Ballan qaad, uma baahna shuruudo la isku xiro, uma baahna heshiisyo gaar ah oo la wada galo, waxa uu u baahan yahay ayaa ah kalsooni iyo niyad wanaag qof walba kan kale uu ka aamino iyo in daacad la isku ahaado oo lugta aan la isku jallaafayn.
Mmusa

                                             4-JEEXA QALBIGIISA
Waxaan kugu magacaabay jeexa qalbigayga, micnaheeda waa in aad ahaan doonto inta noloshayda ka dhiman jeexa qalbigayga. Nolosha kadiba waxaan rajaynayaa in la iga aqbalo ducadayda ahayd in aad igula midowdo Jannada, inta ka sokaysase si sharaf leh ayaan kuu saamaxay, kuuna sii daayay, waana ku qanacsanahay gacanta aad ku jirtid, aniga ka hor waad faraxsanayd haddana waad faraxsanaan doontaa, waxa kaliya ee la doonayo in aad ogaato ayaa ah in aad dhab u heshay jeexa qalbigaada, hanasha la’aanta waxba ha u arkin, muhiimadda waa in aad la noolaataa in uu jiro jeexa qalbigaada kaas oo ku jecel kuna jeclaan doono lana nool jacaylkaaga, ma doonayo in aad noloshaada ka shallaayso, waan is hanan doonaa, balse maya nolosha dunida, ducada iigu kaalmee in farxadda aan u wada qalano aan kuwada helno nolosha aan lagu dooqoobayn, lagu tabar yaraynayn,  lagu xanuunsanayn, lagu daalayn, lagu dhimanayn, faqrina looga cabsanayn, raali ahaanshaha allena uu qof walba ku daaqayo Jannada .
Jeexa qalbigiisa ayuu ku magacaabay
Jacayl dhab ah iga dheh.
Mmusa

5-Waqti adag 
Laga yaabee in aad waqti xun soo wada marteen wahesha laabtaada, iska cafi, naftaadana cafi, laga yaabee sida aad gaf u tirsanayso in naftaadana looga tirsanayo, waxaad wehel ku noqoteen waqtiga, isla waqtiga ayaana idinkala diray hadda, waa in aad ku qanacdaa xaalkaaga hadda, waqti qurux badan wuu idiin wada dhiman yahay, in aad isla hanataana wali quus lagama noqon karo, rajadu waa kor mar walba, xitaa haddii aydan mar dambe midoobin, waa in Qof walba ogaadaa in waqti qurux badan idinka horeeyo, sida ay tahayna looga faaiidaystaa, waxa la idinka doonayo ayaa ah in aad sugataan waqtigiina una adkaysataan waqtiga adag ee aad wada maraysaan.
Mmusa

6-U mahadnaq Alle
Haddiiba marka aad faraxdo oo dhoola caddayntaadu badato aadan Alle u mahad naqeen, xaqba uma lihid marka aad xanuusato in aad dhibkaaga ku eeddo Alle, wax walba adiga ayaa sababtooda leh.
Mmusa

                                                   7-Guushaada iyo dhibkaaga
Marka aad ku naaloonayso xaalad raaxa leh ama barwaaqaysan, dadku waxay jecelyihiin in ay dib u milicsadaan taariikhdaada madow, intaasna waa Masayr iyo Xaasidnimo iyo wax kuu ogolaasho la’aan.
Guushaada inta ku farxadaa waa yartahay, dhibkaaga inta ku farxadaa ee goos dambeedka ka qososhaana waa badanyihiin.
Mmusa

8-Iska saamax
Dhaawaca dadka qaar ay kuu geestaan kasoo qaad in ay ahayd Carro yar oo kugu soo bidday taas oo aad gacantaada marisay kadibna sidaa ku tirtirmatay, ayaga ha wadaan dhaawacaaga, adigana wad saamaxaaddooda, hubaal in ugu dambaynta aad noqon doonto kan ka guulaysta ayagan kuwa dullaysan.
Mmusa

                                                       9-Naftaada ha eedin.
Naftaada ma ahan in aad ku eedaysaa guuldarrada aad kala kulanto nolosha, wax walba waa qoraal, waddo ay ku socdaan ayey leeyihiin, fatahaadda Wabiyada iyo Badaha waxay ka bilowdaan dhibic yar oo Biya ah ilaa ay ka noqdaan wax aan la koontarooli karin, dhibicdaas ay ka bilowdeena laguma eedeeyo fatahaadda.
Mmusa

10- waqtigaada sii
Waqtigaada la qaado qofka soo saari kara shaqsiyaddaada wanaagsan ee ku dareensiin kara farxadda iyo waxa aad u qalanto, macna ma lahan qof mar walba buuq kugu fura in aad waqtigaada ku lumiso ama la qaadato, qimaha nolosha ma ahan in Ciqaab iyo Cadaab qalbi aad martaa adiga oo heli kara Farxad iyo Qalbi dagan.
Mmusa

11-Haddii aad doonayso Farxad
Haddii aad doonayso farxad ama Laab dagan waxaan tala ahaan kuu siin lahaa Saddex ficil in aad samayso.
1 Marka ugu horayso naftaada koontarool oo is maamul adiga, waa in aad awood u leedahay in aad is xakamayn karto oo xaaladaha Nolosha aysan marba dhan kuu weecin.
2 Waa in aad leedahay mar walba laba qorshe oo is garab yaal, micnaha baahidaada koowaad waa in ay daba socotaa baahidaada labaad, si haddii aad u waysid baahida koowaad aadan u niyad xumaan, laabtaada u kicin, oo ku dagtaa qorshaha baahidaada labaad.
Waa in aad leedahay dulqaad aad ku hilmaantaa wax walba oo ku dhiba ama ku dhaawaca, waa in aad ka fogaataa wax walba oo ku dhibi kara, xitaa haddii aysan taa dhicin, waa in aad leedahay karti aad isku hilmaansiin karto waxyaabaha qaar aan naftaada u wanaagsanayn.
Mmusa

                                               12-Laabtadaada ka taxaddar
Laabtaada ka taxaddar marka aad kaligaa tahay, qaasatan marka aad seexanayso, iska cafi qof walba dunida ha ka tagin adiga oo qof u Ciil qaba ama Qof u maleegaya Shirqool, hubaal haddii ay taa dhacdo Waddada aad wajahayso ma ahan Waddo wanaagsan.
Sidoo kale ka taxaddar afkaaga micnaha carrabkaaga marka aad dadka la hadlayso, ha tuurin Erayo toos u qabta laabta qofka aad la hadlayso oo xanuujiya, ku dadaal in aad tuurto erayo Laab xul ah oo qofka aad la hadlayso  siin kara nafis, ugu yaraan xitaa haddii aadan sidaa samayn karin  af daboolan dahab, ama isaga fogow goobtaas maadaama aadan wax wanaag ah ka samayn karin xumaan ha ka samayn.
Mmusa
13-Ehel iyo Asxaab
Way iska wanaagsantahay in aad leedahay Ehel badan iyo Asxaab badan, balse, is waydiintu waxay tahay, ma leedahay hal Ehel ama hal Saaxib oo aqrin kara wajigaagaa isla markaana fahmi kara waxa aad tabanayso isla waqtigaas iyo sida ay wax kaa yihiin? haddii aadan jawaabtaas hayn dib ugu laabo Liiska ehelkaaga iyo asxaabtaada oo garo wax tarkooda .

                                                       14-Mahad naq
Marka aad ka mahadnoqdo waxa aad haysato iyo waxa aadan haysanba isla markaana aad arki karto fahmima karto qiimaha waxa lagu siiyay waa markaas marka uu iimaankaagu xasilanyahay aadna heli karto daganaan Qalbi.
Qiimaha nolosha ayaa ah in aad ka mahadnoqdo waxa aad haysato iyo waxa aadan haysanba, maxaa yeelay, sakankaas ay neefta sankaaga ka baxayso sakanka ku xiga ma garan kartid waxa dhici doona iyo sida ay wax noqon karaan, sidaa darteed, inta badan ee aad mahad noqdaa waa inta badan ee ay laabtaadu xasishaa.

                                                            15-Is xisaabi
Waxa hareerahaaga ka dhacaya waa kuu tusaala iyo cashar la doonayo in aad wax ka barato, yeysan kugu moodin yaab iyo naxdin, ee garasho iyo dib isku xisaabin ha kuu noqoto.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN