XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 66aad

 

                                                            1-Is xisaabi
Waxa hareerahaaga ka dhacaya waa kuu tusaala iyo cashar la doonayo in aad wax ka barato, yeysan kugu moodin yaab iyo naxdin ee garasho iyo dib isku xisaabin ha kuu noqoto.
Mmusa

2-Indhaha, Dhagaha, Qalbiga.
Saddexdaas haddii ay kaa wada lumaan ama aad kawada aradantahay hubaal in aadan waxba garan karayn.
Mmusa

3-Ku noolow xaaladdaada.
Ku noolow xaaladdaada hadda maxaa yeelay waa iyada tan ugu saameynta badan waqtiga xusuustaada.
Shalay way ahayd wayna dhamaatay sooma laabanayso, way la tagtay wixii ay la tagtay, waana in aadan dib u gocan.
Barrito waa mustaqbalkaaga, iska riyoo, rajadaada ha badato, wax wanaagsan rajee, kuna dadaal in aad waddo fiican ku gaarto riyadaada barrito.
Mmusa

                                                          4-Qaddarta
Qaddarta masoo dag dagto mana soo daahdo ee waqtigeeda ayey mar walba ku timaadaa.
Mmusa

                                                              5-Cadow iyo Caqli 
In aad isku jeediso kuwa noloshaada liddiga ku ah si ay isku laayaan ama iskugu mashquulaan waa noloshaada nasiinadeeda, wax la dhaho cadow ma jiro ee waxaa jira wax la dhaho Caqli ka shaqaysiin.
Mmusa

6-Caajiska nolosha
Erayga “macquul maahan” waa eray uu aadanuhuu soo allifay si uu ugu marmarsiyoodo caajiskiisa Nolosha.
Ahmed Shaqiiri

                                                           7-Hanuunin 
Haddii ay indhahaagu ku dhacaan qof dambaabayaa ha u malayn in aad ka sharaf badan tahay, laga yaabee in xikmadda ku jirtaa ay tahay in qofkaas Alle dartiis loo fidneeyey adigana naxariista alle darteed lagaaga bad baadshay dambigaas, Alle uga tuug qofkaas Hanuun.
Mmusa

8-Nolosha 
Noloshu way is baddalaysaa, kii rabay in uu tago wuu tagayaa, shalay wax xiiso kula lahaa maantay kulam lahan, waqtiga ayaa wax walba wato, ha ku kadsoomin waqtiga.
Mmusa

                                                               9-Ogow
Haddii jawaab celintaydu kugu xumaato, ogow in waydiintaada iyo fal celintaada aan dhibsaday.
Mmusa

10-Waa wada Dhiil!!!
Mid ayaan ogahay, in Soomaaliya Qof walba uu dibadda qolo ugu xiran yahay mushaarna uu kaga qaato faafinta iyo mabaadii’da kuwa dhaqaalaha ugu deeqo.
hadaba maxaa madaxda kaliya loo eedayaa, haddii Abwaanadii, dhaqaatiirtii, Warbaahiyayaashii, aan dhahaba dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ka koobantahay mid walba qolo u shaqaynayo?

                                                   11-Xor ma nihin.

Xor ma nihin, xigasho ku nool ayaanu nahay, xiisa badan iyo xasadna xabadka ayuu inoo fadhiyaa, xabaalaha in aan gaarno mooyee, xeer kale oo nakala qabanayo ma jiro.

Mmusa

 

12-Sawiro xaalad fiican
Mararka qaar sawiro xaalado qurux badan oo aan kugu dhicin, iska dhaadhici in ay xaaladdaas quruxda badan kusoo martay iyada oo kusoo marin.
Waa hubaal in uu qalbiga qaboobayo haddiiba loo sheego wax uu ku qaboobo yuusanba haysninee.
Mmusa

  13-Xumaan 
Hadaaba xuntahay, xumaan falana tahay, wax dan ah kuuguma jirto in aad sii noolaato, maxaa yeelay, noloshaada wax aan Xumaan iyo Cadaab ahayn kuuma sii kordhiso.
Mmusa

14-Baaq iyo Buuq
inta aan wax garanayay baaq ayaan maqli jiray, buuqna waa sii socon jiray!!!!
Mmusa

                                                      15-Wax kasta

wax kasta oo ku dhiba, ka fogaantooda waa kuu farxad.
Mmusa

16-Horey u soco 
Waxay dhaheen in aad wax dib u hagaajiso waxaa ka qiima roon in aad wax cusub dib u bilowdo, su’aashuse waxay tahay naftaada dib ma u bilaabi kartaa oo wixii ka khaldamay xalay dhalay maka soo qaadi kartaa? dib u hagaajin waad isku samayn kartaa balse dib iskuma bilaabi kartid.
Aniga waxaan dhihi lahaa dib isku hagaaji balse dib ha iskusoo bilabin, maxaa yeelay nolosha waa mid horey u socota in aad sidaas kula socotana waa habka hagaagsan ee nolosha, nolosha oo horey u socoto gadaal u soco ma ahan wax wanaagsan oo maanka gali kara.
Mmusa

17-Arkidda Quruxda
Ma ogtahay in kuwa Indha la’ba ay quruxdooda arki karaan?
Vicor Hugo

18-Dibu ug noqo.

Si aadan u dhiman laba jeer, dib ha ugu noqon qof ku qayaanay.
Victor Hugo

                                        19-Qalbi caafimaad qaba.
Marka aad garan wayso sida aad u sifayso ama u qeexdo dareenkaaga, sidoo kalana xaaladaha qaar ee aan wanaagsanayn aad naftaada ka difaacdo, markaas ogow in aad leedahay qalbi ka caafimaad qaba dunida qurunsan.
Mmusa

                                                     20-Tiiraanyada
Tiiraanyada waa midda soo xaadiriso dareenkaga dhabta ah, farxadduse waa mid la timaado dareenka dhalanteeda iyo kan abuura  murugada
Mmusa

                                                 21-Dhabta ku noolow 
Dhabta waa in aad ku noolaataa, farxad iyo murugaba midda ay rabto ha kuu yaboohdee, balse in aad dhabta ka cararto oo dhalnteed ku noolaato ma ahan mid kuu horseedi karta ama ku siin karta waxa ay dhab u dalbanayso naftaada.
Mmusa

22-Beeshaada
Naftaada u danee, ka dhigo goobta aad ku nooshahay Jannada dunidaada, ka fogow wax walba oo Dulli kuu horseedi kara.
Wax kaa galay ma jiraan Beeshaada, beeshaada waa beeshaada marka aad samafal uga mid noqonayso oo xaqa aad ku raacayso, balse marka xumaan la falayo beeshaada maahan beeshaas.
Beeshaada ha noqoto inta xaqa u hiiliso oo abuurista Alle aan hoos u eegin .
Mmusa

la soco Axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN