XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 77aad

                                             1-Wax la wadaag
Qofka si toosan aan kuu eegin karin  oo goos goos  kuu  eegaya waa qof aad cajab galisay oo aan kaa indha buuxsan karin, sidaa darteed inta hareerahaaga eegtid qofkaas oo kale wax la wadaag.
Mmusa

                                                   2-Ka raadi Nolosha
Ha ku hafanin Nolosha inta aad Raga ka goobaysa, nolosha macaan oo wanaagsan waa mid mudan in laga raadiyo Labka ama dumarka.
Mmusa

3-Daawada mashaqada Nolosha
Saddex ayaa daawo u ah mashaqada
Waa qosolka
hurdada
Iyo rajada.

4-Quruxda Qalbiga
Quruxda aan waligeed duqoobin oo is baddalin waa quruxda Qalbiga, quruxda qalbiga Miin iyo Cirro midna ma yeelato foolxumana uma soo dhawaato.
Mmusa

                                                                  5 Faasksa

Faasku falka xanuunka badan eee u geysto Geedka wuu hilmaamaa, balse Geedka xanuunkiisa mar walba wuu dareemaa.
Maah maah Afrikaan ah.

                                                           6-Farxad siin.
U qaad qalbigaada halka uu raaxo ku dareemayo, u qaad qalbigaada halka uu jecelyahay in uu joogo, u qaad qalbigaada halka uu amaan ku dareemayo.
Ha u jihaynin qalbigaada jiho aanan ku cajab galinayn, farxadda marka aad adiga heshid ayaad dareemi kartaa macnaheeda dadka kalana la wadaajin kartaa, balse marka ay naftaada muurugeysantahay, maxay farxad siin kartaa saa macnaha farxaddaba wuu ka maqan yahay.
Mmusa

7-Alle
Xanunnada nagu dhaca iyo qalbi jabyada in haysta sida badan waxay ka yimaadaan dadka, wax walba oo qurxoon ama macaan oo wanaagsana waxay ka yimaadaan Alle xagiisa, waxaase la yaab leh in aan mar walba usii dhawaasho badanahay Dadka, halka aan kasii fogaanayno Allaha ina wanaajiya mar walba.
Mmusa

8-Qofna ma mudna
Qofna ma mudna dhaawac, qof walba inta uu sito ayaa ku filan.
Mmusa

                                                          9-Ehelka
Ha ka qaadanin gabdhaha ehelkooda haddii aadan u xafideen waxa ay mudantahayna aadan kula dhaqmeen.
In aad ka tagto waa raganimo.
Mmusa

                                                                10-Dumar
Haweeneyda marka ay faraxsantahay ma joojinayso hadalka, marka ay murugaysantahayna hal eray ma dhihi karto.
Mmusa

                                                                 11-Aamin
Aamin fikaradda ah in haweenayda ay ninka ka dhex jcelaan karto meel dheer xitaa haddii ay kun magaalo u dhaxayso, balse maqalka haweenay kale uusan meesha ku jirin.
Mmusa

12-I maslaxee aan ku maslaxeeyee.
Abuu Dardaa wuxuu ku yiri xaaskiisa
“Haddii aan caroodo i raal gali, haddaad carootidna waan ku raali galinayaa, haddii aanan sidaa noqon karina waxaa dhaw kala tageena”
Muhiimadda waa in aan cuqdad la isku qaadin oo xaaskaaga aad raali galisaa marka ay ka carooto fal ama hadal dhinacaaga ka yimid xitaa haddaadan xumaan ula jeedin, balse fahamku sidaa noqday, si la mid ah xaaska iyana waxaa laga doonayaa in ay ninkeeda raali galiso marka xageeda uu ka xumaado, haddii aysan sidaa samayn labada is qabta ma dheera waqtiga kala tagoodu.
Mmusa

                                                      13-haweenayda

Haweenayda adkaysiga badan
Waa mid jacayl badan
Waa mid saamayn badan
waa mid dulqaad badan
Waa mid hilmaanta waxa aan muhiimka u ahayn
Waa mid garasho dheer
Waa mid horey u socod ka door bidda gadaal eegidda
Waa mid isku day badan.
Mmusa

14-Hubka laabta
In aad hub samaysatid oo dadka aad kula dagaasho waxaa ka fiican in qalbiyada dadka inta saamaysatid aad ayaga kula dagaasho, ma jirto hub ka wanaagsan laabta qofka oo aad la wareegto, maxaa yeelay, waa dagaal aad ku guulaysanaysid waqti walba adiga oo in yar oo garaafa ah aysan ku gaarin.
Hadaba laabta dadka u hano in aad isku difaacdo ayagana aad ku difaacdo ee ha u hanan in aad ayaga wax ugu geysato.
Mmusa

15-Quruxda Dumarka 
Quruxda dumarka waa in ay noqotaa Aqoon iyo Dulqaad iyo Garasho dheer, ani ahaan ma eegeen haweeney qurxoon oo aan dulqaad, aqoon, iyo garasha ahaana aan dhisnayn.
Dumarku waa saldhiga nolosha oo dhan, haddii  saddexdaas aysan ka dhisnayna waxay iska noqonaysaa Qalab waxtarkoodu lumay.
Mmusa

16-Hawenayda
Waxay dhaheen waxay haweynayda u baahantahay muddo dheer haddii ay rabto in ay ogaato muhiimadda sharafteed.
Sidoo kale waxay dhaheen haweenayda waxay u baahantahay in ay samayso khaladaad fara badan si ay u garato baaxadda khaladkeeda.
Sidoo kale waxay dhaheen haweenayda waxay u baahantahay in ay hesho mucjiso usoo celisa kalsoonida nafteeda si ay u garato Qofka ay dhab u tahay iyo waxa ay u qalanto oo ay mudantahay.
Mmusa

17-Qofna ha sugin

qofna ha ka sugin in uu dunidaada kuu dhiso.
Dunida aad ku riyoonaysid adiga ayaa lagaa doonayaa in aad dhab u samaysato.
Ma ahan in aad dhahdo aniga yaanan farxin.
Mmusa

                                                  18-Ha wal walin
Haddaad dambaawdid towbad keen
Haddaad xumaan samaysana dambi dhaaf dalbo
Haddaad khaladdaana dib u sax
Naxariista Alle waa balaarantahay
Albaabada Allena ma xirmaan
Towbadduna waa la aqbalaa.
Mmusa

19-Kalimadda wanaagsan
Kalimadda wanaagsan waxay u duushaa sida shimbarta oo kale, waxay dhex mushaaxdaa quluubta dadka, iyada oo kasoo saarto gudahooda quruxda dhoolacaddaynta wajigooda ka muuqato.
Fadlan kusii daa hadalkaaga wanaagsan qalbiyada dadka si ay kuu jeclaadaan.
Mmusa

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN