XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 78aad

1-Sabar iyo mahadnaq
Murugada ma harayso inta nolol jirto.
Dadka aan wanaagsanayna dunida kama dhammaanayaan inta nololoshu socoto
Yaabkuna kama dhammaanayo dunida inta noloshu taagantahay.
Waxa kaliya ee lagaa doonaya ayaa ah in aad naftaada ku tababarto in ay sabarto mahadnaqeedana uu bato.
Mmusa

2-Hilmaanka
In aan wax hilmaano waa mid ka mid ah nimcooyinka uu Alle nagu mannaystay, haddii aynan waxba hilmaami lahayn horey uma dhaqaajinayn mana bilowneen nolol cusub.
Hilmaanka waa midka qaybta ugu muhiimsan ka qaato in aan horey u dhaqaajino, iska illlwno wax walba oo ina murjiyo ama naga hor istaagi kara in aan talaabo horey u qaadno.
Alle ayey mahad u sagnaatay inoo sahlay in aan kaga gudubno hilmĂ anka dhibaatooyin badan oo nagu dhacay.
Mmusa

                                                   3-Hadalka iyo ficilka
Hadalka wanaagsan waxaa ka qiima badan ficilka wanaagsan oo la muujiyo, maxaa yeelay ficilada la muujiyo ma ahan kuwa laga been sheegi karo, balse hadalka wanaagsan waa mid lagu dhawaaqi karo iyada oo ficilkiisa la muujin.
Mmusa

                                                            4-Kala duwanaanta
Qofna ha u baddalin in uu noqdo sidaada oo kale, si la mid ah adigana ha isku baddalin in aad noqoto qof kale.
Kala duwanaanta waa Qurux iyo dabeecad nalagu abuuray.
Kala duwanaanteena waxaa loo sameeeyay in aan isku kaamilno inta naga dhiman.
Mmusa

                                                  5-Aamusnaanta
Aamusnaanta ay haweenayda ninkeeda ka aamusto waa digniin muujinaysa in uu qarka u saaran yahay in uu qalbigeeda kasii xuubsiibanayo.
Mmusa

                                                     6-Doorasho iyo duruuf.
Qofkii rabo in uu kuu soo dhawaado, wuu kuu soo dhawaanayaa
Qofkii rabo in uu ku arko, wuu kuu imaanayaa
Qofkii rabo in uu codkaaga maqlo, wuu kula soo xiriirayaa.
Saddexdan ficil waa saddexda ficil ee ku dhaca badanaa doorashada qofka ee aan duruufaha shaqo ku lahayn.
Mmusa

7-Nolosha
Nolosha marka aad nooshahay hadaf la’aan macna ma lahan.
Marka aad nooshahay nolosha jacayl la’aana qurux ma lahan,
Marka noloshaada ay Alle ka fogaatana jiritaan ma lahan, waxaaba la oran karaa nolol kuuma jirto.
Mmusa

8-Qalbigaada
Ilaahey qalbigaada kuma beero arrin aadan gaari karayn, hadduu ku beerana wuxuu ogyahay in aad gaari karto arrinkaas lagugu beeray.
Mmusa

9-Qofka iyo iimaankiisa
Qofka wuxuu aaminsan yahay ayuu magansadaa kana baqaa, qof aan waxba asminsanayn oo noloshan in ay wax ka dambeeyaan aan aaminsanayn siduu uga baqaa wax uusan qirsanayn jiritaankoodaba?
Waxa kaliya uu aaminsan yahay ayaa ah in uu fursad yar uu u haysto nolosha, intaas uu nool yahayna waxa uu doono ama jeclaado sameeyo, waana sababtaas sababta dadka qaar ay u sameynayaan waxyaabaha aan la yaabno ama aan ka ashahaadano
Mmusa

10-Xaaladda
Xaaladda aad gasho ka gilgilasho ma lahan ee sida aad uga jawaab celiso ayaa noqota natiija aad mahdiso ama ka shallaayso noloshaada inta ka dhiman
Mmusa

  11-Abaal marinta jilaha.
Waxaanu maqalnaa argagixisadu wax bey qarxiyeen, waa la dilay, waa la qabtay, waa la toogtay, waa la baarayaa, waa la xukumay, dambigooda ayey qirteen, intaas oo dhan waan dhagaysanaa, balse wali si dhab ah iskuma waydiin waxa ay rabaan kuwa wax qarxinaya, nolosha ay rabaan waa sidee?
Kaba soo qaad in aadan rabin qaab ay nolosha u doonayaan, ka waran haddii aysan ayaguna u doonayn sidaad u rabto nolosha, ma waxaa magac xun iyo xaqiraad lagu qaataa, haddaan fakarkaaga soo raacayn!!!
Xalka sidaa maahan ee xaqa dhab ha loo raadsho, ma jiro nin noloshiisa u halligaya hadaf la’aan , qofka hadduu hadafkiisa u dhintana ceeb kuma lahan xaakimka ayaa dhab u xukminaya.
Wax badan ayaa khaldan oo sixid u baahan, waliba waxaan toos u aragnaa khaladka ay geystaan kuwa magacyada xun loo baxshay, mase aragno kuwa magacyada  qurxoon khaladkooda.
Dhabta iyo xaqa haddii la isla fahmi karo xumaan kamaba dhacdeen dunida, waasa sida loogu tala galay, inaga waxaanu ku nahay dunida jilayaal, nin walbana inta filimka uu uga jiro marka ay soo idlaato ayuu filimka ka baxayaa abaal marintiisa helayaa.
Mmusa

                                                             12-Yaab!!!!
Xabsiyo nagu filan ma haysano
Maxkamado nagu filan oo sharciga lagu fuliyo ma haysano
Ciidan nagu filan ma haysano
Mushaar ku filan shaqaalaheena ma helaan
Munaasabadaheena waa badan yihiin
Madaxdeena waa badantahay
Maalka la dhaco waa badan yahay
Midigta la jaro waa badantahay
Marwooyinka la kufsado waa badan yihiin
Waxaan is waydiiyay in aan dowladnimada sax u fahanay iyo in kale!!!!
Mmusa

                                                  13-Quruxda nolosha
Quruxda nolosha kuma xirna sida aad u faraxsantahay ee waxay ku xirantahay sida aad dadka uga farxiso.
Mmusa

                                                             14-Quruxda nolosha
Quruxda nolosha kuma xirna sida aad u faraxsantahay ee waxay ku xirantahay sida aad dadka uga farxiso.
Mmusa

15-Maalin walba
Haddiiba maalin maalin la mid ah aysan jirin oo maalin walba ay xaaalkeeda wadato,maxaa iiga filaysaa in aan ahaado isla kii aad shalay taqiin?
Dadku waa kuwa isla baddalo xaaladaha, ma ahan in uu qofku doonayo in uu is baddalo ee xaaladaha ayaa ku qasba is baddalka.
Mmusa

16-Waxaa ku fahmi kara
Waxaa ku fahmi kara oo kaliya qofka xaaladdaada oo kale soo maray ama ku dhex jira, inta kale ha isku daalin fahamkooda.
Mmusa

Hilmaan
Maskaxdeena ayaa u shaqaysa in aysan hilmaamin waxa aan doonayno hilmaamiddooda, halka waxa aanan doonayn hilmaamiddoodana aan hilmaano.
Mmusa

17-Natiijada
Xusuusnow in wax walba oo nolosha ah ay doorasho yihiin, doorasho walbana ay leedahay natiijo ka dhalata doorashadeeda haddii ay xumaan lahayd iyo haddii ay fiicnaan lahaydba, sidaa darteed, inta fakartid dooro natiijada wanaagsan ee noloshaada.
Mmusa

18-Waxa adduunka ugu macaan 
Waxa adduunka ugu quruxda badan uguna macaanka badan lama arko lamana taaban karo, waxaa laga arkaa qalbiga, isla qalbiga ayaana laga dareemaa.
Mmusa

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com17

SHEEKOOYIN